You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kabaha guryaha lala galo iyo kuwa banaanka lagu siibo kuwee caafimaadka u wanaagsan
Markii ugu horeysay ee Pedja Trifunovic oo ka soo jeeda Serbia uu yimid guriga saaxiibtiisa Mareykanka ee Sofia, wuxuu iska siibay kabaha ka hor inta uusan gelin. Laakiin markii Safiya u sheegtay inuu sii hayn karo, Pedja waa yaabay.
Dabadeed wuxuu ku yidhi Sofiya, "Mma waxaad xidhataa kabo xataa guriga dhexdiisa? Waxaan u arkaa mid aad u qallafsan".
Pedza kaligii lama yaabin. Saaxiibtiis (hadda xaaskiisa) Sophia ayaa iyana halkaas joogtay. Laakin la-yaabkeeda ayaa ahaa in Pedza uu guriga soo galay isaga oo aan kabaha iska siibin.
Kadib wuxuu ku jawaabay Pedza, "Ma waxaad rabtaa inaad guriga oo dhan ku faafiso urta cagahaaga"?
Markii ay labadoodu fikradahooda ku wadaageen Khadka, waxay abuurtay falcelin badan. Waxaa soo baxday in doodda u dhaxaysa Sofia iyo Pedja ee kabaha ay dhab ahaantii ka dhacdo adduunka oo dhan.
Labaduba waxay soo dhigeen muuqaal TikTok ah oo muujinaya Pedja oo xidhan dacas iyo Sofia oo gashan kabo gudaha gurigooda. Waxay heshay boqolaal faallooyin ah, iyadoo dadku ay ka doodayeen kee baa nadaafad badan.
Haddaba yaa saxan? Xirashada kabaha gudaha ma tahay khatar caafimaad? BBC aadday shaybaarka microbiology-ga si ay u ogaato.
Dood adduunka ka taagan
Dadka ku nool dalalka dunida waxay leeyihiin dhaqamo kala duwan oo la xiriira qaadashada kabaha marka guryaha gudahooda lagu jiro, ama in la iska siibo.
Inta badan wadamada Bariga Dhexe, Aasiya iyo Balkanka, waxaa loo arkaa inay xun tahay in kabaha gudaha guryaha lagu xirto. Qaybo ka mid ah Yurub iyo Ameerika, waxaa loo arkaa inay tahay mid aan fiicneyn in martida la weydiisto inay iska bixiyaan kabaha.
Japan, waxaa jira sharciyo aad u adag oo ku saabsan kabaha. Inta badan guryaha halkaas ku yaal waxay leeyihiin albaab gaar ah oo loo yaqaan genkan, kabahana waa ka mamnuuc inay la soo galaan meelo ka baxsan.
Dr Fabio Gygi, oo ah borofisar sare oo cilmiga Antrobolojiga ka dhiga jaamacadda SOAS ee London ayaa sheegay in haddii qof dalxiise ah uu illoobo inuu kabaha iskaga siibo bannaanka guriga, ay jiri doonto falcelin aad u xooggan, dadku waxay ku dhow yihiin inay kugu soo boodaan iyagoo leh, "Sug, kabaha iska siib".
Sida laga soo xigtay isaga, sababtani waa nadaafadda iyo sidoo kale falsafada bulshada Japan.
"Summad ahaan, dibadda joogista waxay la xiriirtaa dhammaan noocyada wasakhda, khatarta iyo wasakhowga" ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray "Gudaha waa meesha aad rabto inaad nadiifiso, waxaad doonaysaa inaad meel dahir ah ka dhigto".
Maxay tahay Bakteeriyada kabaheenna ku jirta?
Waxaa lagu tijaabiyay labo kabood, shaybaadhka Brighton, UK, si macluumaad dheeri ah loo ogaado.
Dr. Sarah Pitt, oo ah khabiir ku takhasusay microbiology-ga oo ka tirsan jaamacadda Brighton, ayaa muunado ka qaadday xagga sare iyo hoose ee kabaha. Naamuunadahan waxa lagu hayay shaybaarka hal habeen.
Maalintii xigtay, markii lagu baaray mikroskoob, noocyo badan oo bakteeriya ah ayaa laga helay kabaha.
Staphylococcus aureus ayaa ka mid ahayd. Tani waa isla bakteeriyada keenta caabuqyada staph. Sida laga soo xigtay Dr. Pitt, waxay noqon kartaa khatar xitaa dadka caafimaadka qaba.
Waxay tiri "Haddii jirka la xoqo oo bakteeriyadani gaadho, markaas waxaa soo bixi kara barar weyn oo malax ka buuxsanto".
Waxay sidoo kale sheegtay in bakteeriyadan ay sidoo kale sababi karto oof-wareen iyo caabuqa dhiiga ee dadka difaacoodu daciifka yahay.
Staphylococcus epidermidis ayaa sidoo kale laga helay kabaha. Bakteeriyadani waxay sida caadiga ah laga helaa maqaarka bini'aadamka, laakiin waxay ku keeni kartaa caabuqyo halis ah dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay. Waxa kale oo inta badan laga helaa bukaanada cusbitaalka la dhigo.
Daraasado kale ayaa sidoo kale muujiyay in kabaha ay qaadi karaan noocyo kala duwan oo bakteeriyada faafta ah, oo ay ku jiraan bakteeriyada ku faafta saxarada sida E. koli.
Dr. Pitt ayaa sheegtay in noocyada kala duwan ee bakteeriyada, fungi iyo dulin laga heli karo kabaha meelo kala duwan oo adduunka ah.
Bakteeriyada dibadda ka timaada ma ku badbaadi kartaa guryaheenna?
Daraasaduhu waxay muujiyeen in kabaha ay si fudud u keenaan bakteeriyada bannaanka guriga laga helo.
Dr. Sarah Pitt ayaa tiri, "Waxaa jira cadeymo xooggan oo muujinaya in bakteeriyadu ay ku noolaan karto gudaha. Tani waxay keenaysaa khatarta ah in caabuqa uu ku faafo xubnaha kale ee qoyska".
Waxay sharraxday in bakteeriyadani ay sii noolaan karto dhowr maalmood. Haddii roogagu diiran yihiin, way noolaan karaan xitaa in ka badan.
Taas oo keliya ma aha, marka qof ku dul socdo ka dib, bakteeriyada qaar ayaa laga yaabaa inay mar kale firfircoonaato oo ay hesho awood ay ku faafto mar kale.
"Haddii ilmahaaga ay ku gurguuranayaan roogga, cadaadiska rooggu wuxuu dib u kicin karaa bakteeriyada" ayey tiri Dr. Pitt.
Dadka habdhiska difaaca jirkoodu daciifka yahay, sida carruurta yaryar iyo dadka da'da ah, waxay ku sugan yihiin khatar ka weyn marka loo eego dadka waaweyn ee caafimaadka qaba.
Inkasta oo Dr. Pitt ay sheegtay in bakteeriyada ay gacan ka geysan karto xoojinta habdhiska difaaca jirka, misna waxay rumaysan tahay in aan maalin kasta la kulanno bakteeriyo kala duwan.