You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Itoobiya: Masuuliyiin doorasho oo la sheegay in ay waraaqaha codeynta ku tagri-faleen oo baaritaan lagu wado
In ka badan 40 milyan oo qof oo isdiiwaangeliyay ayaa codkooda dhiibtay wareegii toddobaad ee doorashada baarlamaanka Itoobiya oo shalay la qabtay.
Hadal uu siiyay warbaahinta gudaha saqdii dhexe ee xalay, Isuduwaha guddiga doorashada, Meelatewarq Haile ayaa sheegay in codbixinta lagu qabtay goobaha codbixinta marka laga reebo meelaha ay dhibaatooyinka amnigu ka dhaceen.
Marwo Meelaatewaq ayaa sheegtay in codbixinta ay bilaabatay, islamarkaana hakad la geliyay sababo la xiriira dhibaatooyinka amni ee ka jira goobaha qaar ee cod bixinta.
"Waxaan kari waynay in aan codbixinta ka sii wadno goobaha codbixinta ee Makkoo Saacadihii la soo dhaafay dhibaatooyin amni dartood.
Sidoo kale waxa ay arrintaan saamaysay degmada Billo Nopas inkasta oo guddigu uu go'aan ku gaaray in ay u diyaariyaan codeeynta maalinta berri ah.
Afar ka mid ah 19-ka degmo ee Baar doorasho lagama qaban. Waxaa laga codeeyay 15-ka kale ee soo hartay," ayuu yiri.
"Xarunta doorashada ee Burjii, goobta doorashada waa la xiray, iyadoo la arkayay mas'uuliyiinta doorashada oo si toos ah u codeynaya iyagoo calaamadeynaya kaararkii codbixiyaasha calaamadayn lahaayeen.
Guddigu waxay ku dhawaaqi doonaan tallaabada laga qaaday ciddii falkaas samaysay," ayuu yiri sida ay baahiyeen.
"Waxaan helnay warar sheegaya in dad xiran dharka rayidka lagu arkay meel u dhow qaar ka mid ah goobaha codbixinta ee Finfinnee, waxaan u dirnay baarayaashayada halkaas oo aan ogaanay inay jiraan khaladaad," ayay tiri.
Haddii ay kooxdu soo gudbiyaan warbixin ku saabsan wixii ay ka heleen goobaha codbixinta, waxaanu idiin soo gudbin doonaa go'aanka guddiga," ayay tiri.
Waxa ay sheegtay in cabashooyin ay ka imaanayaan meelo kala duwan maalmaha doorashada.
Cabashadaas waxaa ka mid ahaa in wakiilada xisbiyada laga hor istaagay inay galaan goobaha codbixinta. Waxaa la weydiistay waraaqo dheeri ah, ayay sheegtay.
Inta badan codbixinta ayaa ku soo idlaatay waqtigii loogu talagalay, Isuduwaha guddiga ayaa sheegtay in codbixintu aysan ku soo gabagabeyn waqtigii loogu talagalay magaalada Finfinnee, guddiguna ay u kuurgalayeen xaaladda.
Waxa ay intaa ku dartay in saacado dheeraad ah la siin doono dibadbaxayaasha, islamarkaana la billaabi doono tirinta codadka.
Ilaa 2:00 duhurnimo ee shalay, "sida ku cad warbixinadayada, 40 milyan oo qof ayaa codeeyay," ayay tiri.
54 milyan oo qof ayaa isu diiwaangeliyay inay codkooda ka dhiibtaan doorashada sanadkan.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa codkiisa ka dhiibtay wareegii 7-aad ee doorashada dalka goobta codbixinta ee Bashasha oo ah halka uu ka soo jeedo ee Haro.
Kadib markii uu codkiisa dhiibtay, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka qeybgalka doorashada ee shacabka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Waxa uu sheegay in shacabka Itoobiya ay codkooda dhiibanayaan iyaga oo aan dheg jalaq u siinin dacaayadaha inkasta oo ay jiraan isku dayo kala duwan oo lagu carqaladaynayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee uu wadanku dhisanayo, sida uu isagu sheegay.
Midowga Afrika iyo IGAD ayaa kormeeray doorashada guud ee Itoobiya.
Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la joojin doono warbaahinta ka diiwaan gashan guddiga doorashada ee ka howlgali jirtay gobollo kooban.
Sabtidii, saxafiyiin kooban ayaa saraakiisha doorashada iyo ciidamada ammaanka ka hor istaageen inay galaan goobaha codbixinta, si ay ula socdaan diyaargarowga doorashada, ayay guddiga sheegeen.
Dr Abiy Axmed ayaa xilka qabtay sanadkii 2018-kii kadib markii uu iscasilay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Hailemariam Desalegn kadib banaanbaxyo looga soo horjeeday maamulka AWDUI.
Wareegii lixaad ee doorashada 2021, xisbiga Barwaaqo waxa uu ku guuleystey 410 kursi oo baarlamaanka dalka ah, waxaana uu talada dalka hayey shantii sano ee la soo dhaafay.
Xisbiga ku guuleystay 274 kursi oo ka mid ah 547-da kursi ee baarlamaanka ayaa soo dhisi doona dowlad oo dalka hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.
Doorashadan oo aan lagu qaban Tigrayga sababo amni awgeed. Tani waa markii labaad oo ay dhacdo.
Sidoo kale waxaa deegaano ka tirsan gobolada Oromia iyo Axmaarada ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay maleeshiyaad iyo ciidamada dowlada.