You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay raadaarada Iran

Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay goobo militeri oo Iran ku yaal dhammaadkii toddobaadka, halka Tehran ay sheegtay in ay ka jawaabtay weerarkaas iyada oo beegsatay saldhig ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan. Kuwait ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn

Kooban

Tebin toos ah

  1. Faransiiska ayaa qabtay markab shidaal oo Ruushku leeyahay

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Faransiisku uu Axaddii qabtay markab shidaalka qaada kaas oo looga shakisan yahay in uu qeyb ka ahaa maraakiibta sida qarsoodiga ah u shaqeysa ee Ruushka.

    Fransiiska ayaa sheegay in ay qabteen markab lagu magacaabo Tagor oo marayay Bada Atlantic iyagoo gacan ka helaya UK iyo xulafado kale. Markabka ayaa watay calan been abuur ah markii la qabtay wuxuuna ku sugnaa qiyaastii 400 mayl cabirka badda gobolka Brittany ee Faransiiska.

    "Waa wax aan la aqbali karin in maraakiibtu ay hareer maraan cunaqabateynta caalamiga ah, jabiyaan sharciga badaha, isla markaana maalgelin u sameeyaan dagaalka uu Ruushku ka wado Ukraine," ayuu Macron ku qoray bartiisa X.

    Wasaaradda difaaca ee Britain (MoD) ayaa BBC-da u sheegtay in diyaarad qumaatiga u kaca oo Britain leedahay ay ka qeybgashay hawlgalka.

    Kremlin-ka ayaa qabashada markabka ku tilmaamay mid "sharci-darro ah" oo "u dhow burcad-badeednimo caalami ah".

    Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka xamuulka markabka.

    Moscow ayaa adeegsanaysay waxa loo yaqaan "maraakiibta qarsoon" oo ah maraakiib shidaal qaada oo leh milkiyad aan si cad loo aqoon, si ay uga baxsato cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dhoofinta shidaalka.

    Waa markabkii afraad ee looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay maraakiibtaas "sida qarsoon ku shaqeeya" ee Faransiisku qabto tan iyo Sebtembar 2025.

    Macron ayaa sheegay in hawlgalkan, oo ka dhacay biyaha caalamiga ah, loo fuliyay si wadajir ah oo ay ka qayb qaateen xulafada Faransiiska, oo ay ku jirto Britain.

    Sii akhri:

  2. Kuwait ayaa la weeraray iyadoo Maraykanka iyo Iran ay isweydaarsanayaan duqeymo

    Iran ayaa sheegtay in ay weerartay saldhig ciidan oo Maraykanku leeyahay kadib duqeymihii uu Maraykanku dhammaadkii toddobaadka ku qaaday bartilmaameedyo ciidan oo Iran ku yaalla.

    Kuwait ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in la soo weeraray, inkastoo ay jirto xabbad-joojin jilicsan iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socday saddex bilood.

    Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay in ka badan 3% kaddib weerarradii ugu dambeeyay. Xiisadda ayaa sidoo kale sii xoogeysatay kaddib markii Israa'iil ay amartay ciidamadeeda in ay gudaha u sii galaan Lubnaan si ay ula dagaallamaan ururka Xisbullah ee ay Tehran taageerto, iyadoo colaaddan ay dib u soo cusboonaatay.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in uu aaminsan yahay in Tehran ay dooneyso in ay heshiis la gaarto. Hase yeeshee, rajadii laga qabay horumar laga sameeyo wadaxaajoodyada ayaa yaraatay kaddib markii mas'uuliyiinta Iran ay dhaliileen mowqifka wadaxaajoodka ee Maraykanka oo ay ku tilmaameen mid "si joogto ah isu beddelaya", isla markaana ay cambaareeyeen weerarrada Israa'iil ee Lubnaan, halkaas oo sidoo kale ay ka jirto xabbad-joojin.

    "Wixii xadgudub ah ee ka yimaada hal dhinac, waa xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta. Maraykanka iyo Israa'iil ayaa mas'uul ka noqon doona cawaaqibka ka dhasha xadgudub kasta," ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ku qoray bartiisa X.

    Dagaalka ay Maraykanka iyo Israa'iil bilaabeen 28-kii Febraayo ayaa sababay dhimashada kumannaan qof, kuwaas oo intooda badan ku sugnaa Iran iyo Lubnaan. Waxa kale oo uu dhaawac weyn gaarsiiyay dhaqaalaha caalamka, iyadoo qiimaha tamarta uu sare u kacay kaddib markii Iran ay si weyn u xannibtay marin-biyoodka Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah sahayda caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga.

    Sii akhri:

  3. Raysalwasaaraha Israel ayaa amray in la duqeeyo xaafadaha koonfureed ee Beirut

    Israel ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeyso duqeymaha ay ka geysaneyso xaafadaha koonfureed ee Beirut. Israel ayaa ku sheegtay duqeymahaas in ay jawaab u yihiin jabinta xabbad-joojintii u dhexeysay labada dhinac ee ay ku xadgudubtay Xisbullah.

    Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta yeesho kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Lubnaan, kaddib markii Israel ay ballaarisay howlgalladeeda isla markaana ay la wareegtay qalcadda taariikhiga ah ee Beaufort ee koonfurta Lubnaan.

    Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirka difaaca, Israel Katz, ayaa maanta sheegay in ay amar ku siiyeen ciidanka in ay duqeeyaan xaafadaha koonfureed ee Beirut, kuwaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn uga badbaaday duqeymaha Israel.

    Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen raysalwasaaraha iyo wasiirka ayaa lagu sheegay sidan, “iyada oo la tixgelinayo jabinta soo noqnoqotay ee xabbad-joojinta Lubnaan ee Xisbullah iyo weerarrada lagu hayo magaalooyinkeenna iyo muwaadiniinteenna, Raysalwasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Katz waxay amar ku siiyeen ciidamada difaaca Israel ee IDF in ay beegsadaan bartilmaameedyo argagixiso ee ku yaalla xaafadaha koonfureed ee Beirut.”

    Kadib markii Israel ay ku dhawaaqday in ay dib u bilaabayso duqeymaha xaafadaha koonfureed ee Beirut, waxaa halkaas ka bilowday in dadka deegaanka qaxaan. Waxaa la arkayay ciriiri xooggan oo ka jiray waddada weyn ee isku xirta xaafadahaas iyo magaalada Beirut, iyadoo qoysas wata carruur yaryar ay alaabtooda la baxayeen.

    Sii akhri

  4. Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay raadaarada Iran

    Maraykanka ayaa sheegay in uu duqeeyay goobo militeri oo Iran ku yaal dhammaadkii toddobaadka, halka Tehran ay sheegtay in ay ka jawaabtay weerarkaas iyada oo beegsatay saldhig ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay qaadeen “weerarro is-difaac ah” oo ay kaga jawaabayeen sida ay sheegeen “falal gardarro ah oo Iran ay samaysay”, kuwaas oo uu sheegay in ay ku jireen in diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan ah lagu soo riday biyaha caalamiga ah.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhig diyaaradeed oo ay ciidamada Maraykanku isticmaalaan, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu ka qayb qaatay weerar lagu qaaday koonfurta Iran.

    Dhanka kale, Kuwait ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu ka hortagay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ay markii dambe cambaaraysay “weerarro fool xun oo soo noqnoqday oo Iran fulisay”.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa Isniintii sheegay in Maraykanku uu “si joogto ah u beddelayo mowqifkiisa isla markaana soo bandhigayo dalabyo cusub ama is khilaafsan”, taas oo uu sheegay in ay dabiici ahaan “dheereynayso wadaxaajoodyada”.

    Sii akhri

  5. Xaaladda dhismahii hore ee baarlamaanka Iran kaddib weerarradii Maraykanka iyo Israel

    Wakaaladda wararka ee ISNA ayaa daabacday sawirro muujinaya dhismahii hore ee baarlamaanka Iran, kaas oo muujinaya heerka burburka ka soo gaaray weerarradii ay fuliyeen Maraykanka iyo Israel.

    Dhismahan ayaa bartilmaameed u noqday weeraradii dhacay 1-dii Maarso ee maalintii afraad ee dagaalka. Sawirrada la daabacay waxaa ka muuqda in howlo dib loogu dhisayo baarlamaanka ay bilowdeen.

    Dhismahan, oo ahaa xaruntii golaha sanatka ka hor kacaankii Bahman ee 1978-dii, ayaa kacaanka kaddib martigeliyay Golaha Khubarada Dastuurka.

    Kaddib markii Golaha Wadatashiga Islaamiga ah uu u guuray dhisme cusub oo laga dhisay meel u dhow, dhismahii hore ee baarlamaanka waxaa loo adeegsaday hawlo kala duwan.

    Waxyaabaha kale ee loo isticmaalay waxaa ka mid ahaa in tobankii sano ee u dambeeyay ay daganaayeen Golaha Go’aaminta Danta Guud, halkaas oo sidoo kale lagu qaban jiray laba jeer sannadkii kulamada Golaha Khubarada ee hoggaamiyaha dalka.

    Sii akhri

  6. Kaamirooyinka CCTV-ga ayaa laga arkay sida uu dabku uga billowday iskuul ku yaalla Kenya

    Waaxda dambi barista Kenya ee loo yaqaan (DCI) ayaa soo saartay muuqaal laga duubay kaamirooyinka CCTV-ga ee iskuulka, waxay muujinayaan muuqaallada wixii dhacay wax yar ka hor intii aanu dab ka kicin dugsi hoyiga u ahaa gabdho, halkaas oo ay ku dhinteen 16 arday iyadoo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

    Muuqaallada kaamirooyinka iyo iskaashi lala yeeshay macallimiinta ayaa suurageliyay in kooxda baarayaasha ku aqoonsadeen toddobo arday oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada ka hor inta anay ka bixin qolka hurdada.

    Inkastoo baaritaannadu ay weli socdaan si loo ogaado waxa dhab ahaantii dhacay, hadana muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya in qiyaastii 12:10 habeenimo ay dhowr arday si aamusnaan ah ugu dhex socdeen qolka hurdada halka ardayda kale ay hurdo qoto dheer ku jireen.

    Muuqaalka la soo saaray ayaa muujinaya ardayda oo galaya qolka lambarkiisu yahay 11, ka hor inta anay u sii gudbin meel kale oo ka tirsan qolka hurdada.

    Ardayda ayaa si deggan u watay hawlahooda, iyadoo mid ka mid ah uu wajigiisa daboolay markii dib loo fiiriyay muuqaallada kaamirooyinka.

    Dhowr daqiiqo kaddib, saddex arday ayaa la arkay iyagoo si degdeg ah uga baxaya qolka hurdada, halka laba kalena ay gudaha ku hareen.

    Baarayaashu waxay sheegeen in ardaydaasi ay u dhaqaaqeen qayb kale oo qolka hurdada ka mid ah halkaas oo furaashyo la dhigay, kaddibna ay ka bilaabeen dab labaad.

    Muuqaallada CCTV-ga waxay qabteen labo arday oo sigaar u shidanaya sigaar ka hor inta aanay ka bixin qolka. Markaas ayuu dabku bilowday.

    Kaddib markii ay xaqiijiyeen in dabku sii fidayo ayey ka baxeen qolka iyagoo aan wax argagax ah ka muuqan. Waxyar kaddib qiiq iyo olol ayaa bilowday, dabkana wuxuu ku fiday dhismaha.

    Shan daqiiqo gudahood, dabku wuxuu qabsaday inta badan qolka hurdada, iyadoo ardaydii argagaxsanayd ay raadinayeen meel ay ka baxaan.

    Siddeed arday oo markii hore la xiray, lix ka mid ah ayaa lagu xaqiijiyey muuqaallada CCTV-ga. Ardayga toddobaad wuxuu ka mid ahaa kuwii hore loogu oggolaaday in ay waalidkood la baxaan, mana joogo xarunta hadda, balse waxaa socda dadaallo dib loogu soo xirayo.

    Sii akhri

  7. Iran: Washington waxay si joogto ah u beddeshay mawqifkeeda waxayna adkaynaysaa geeddi-socodkii wada-xaajoodka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baqaei, ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay ku bilowdeen “jawiga shaki weyn iyo kalsooni darro,” isla markaana is-weydaarsiga farriimaha uu weli ku socdo xaaladdaas.

    Esmail Baqaei ayaa shir jaraa’id ku sheegay in:“Wada-xaajoodka ama diblomaasiyadda lafteedu ma aha calaamad ama natiijo ka dhalata kalsoonida u dhexeysa dhinacyada wada xaajoonaya.”

    Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Maraykanka inuu dib u dhigayo geeddi-socodka wada-hadallada isagoo “si joogto ah u beddelaya mowqifyadiisa” isla markaana diraya “farriimo warbaahineed oo kala duwan oo is-khilaafsan.”

    Baqaei wuxuu sheegay in is-weydaarsiga farriimaha Washington uu weli socdo, inkastoo xabbad-joojin jirto. Wuxuu xusay in iska horimaadyada goos-gooska ah ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ay sii socdeen, xitaa ay kordheen toddobaadyadii u dambeeyay.

    Dhacdadii ugu dambeysay, Islamic Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay weerareen “saldhiggii cirka ee laga soo qaaday weerarka,” taas oo ay ku sheegeen inay jawaab u ahayd weerar Maraykan ah oo lagu qaaday munaarad isgaarsiineed oo ku taal Sirik Island.

    Mr. Baqaei ayaa sidoo kale ku celiyay mowqifka Iran ee ah in xabbad-joojin ka hirgasha Lebanon ay tahay “qayb aan laga maarmi karin oo heshiis kasta iyo dhammaadka dagaalka ka mid ah.”

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Maraykanka iyo Israel aan loo arki karin “laba dhinac oo kala madax-bannaan.”

  8. Trump: Iran waxay doonaysaa heshiis, wax walba way hagaagi doonaan

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay si dhab ah u doonayso in la gaaro heshiis, isla markaana uu noqon doono “heshiis u wanaagsan Maraykanka iyo kuwa nala safan.”

    Isagoo ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social, wuxuu sheegay in hadallada taban ee ka imanaya Xisbiga Dimuqraadiga ay adkeynayaan shaqadiisa iyo wada-hadallada uu wado.

    Wuxuu sidoo kale ku jeesjeesay Dimuqraadiyiinta, isagoo ugu yeeray “Dumbocrats,” halka uu qaar ka mid ah Jamhuuriyiintana ku tilmaamay kuwo aan waddani ahayn.

    Wuxuu qoray:“Is dejiya, wax walba way hagaagi doonaan aakhirka—had iyo jeer way hagaagaan!”

  9. Iraan oo si kulul uga jawaabtay eedeyn ay midowga Yurub u jeediyeen

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baqaei, ayaa sheegay in eedeynta ay Midowga Yurub u jeedinayo dalalka adeegsanaya xaqooda is-difaaca ay tahay “laba-wejiilenimo”.

    Bayaan uu ku daabacay barta X, ayuu ku yiri:“Iran oo beegsanaysa xarumaha iyo saldhigyada milatari ee Maraykanka ee ku yaalla dalalka deriska ah waxay ku jirtaa xaqa is-difaaca, maadaama goobahaas laftoodu yihiin kuwii loo adeegsaday hawlgalladii lagu qaaday Iran.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Midowga Yurub ay waajib ku tahay inuu ilaaliyo sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada midoobey ee uu muddo dheer taageerayay.

    Ismail Baqaei ayaa yiri:“Midowga Yurub waa inuu joojiyaa cambaareynta dalalka ka jawaabaya weerarrada sharci-darrada ah oo adeegsanaya xaqooda is-difaaca, halkii uu ka raalli gelin lahaa ama u jilicsanaan lahaa kuwa gardarrada wada.”

    Qoraalkiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in:“Iran oo bartilmaameedsata saldhigyada iyo hantida loo adeegsado weerarrada sharci-darrada ah ee lagu qaado Iran ay waafaqsan tahay sharciga caalamiga ah.”

    Ugu dambeyntii, Esmail Baqaei ayaa yiri:“Dalalku waxay leeyihiin waajib sharci oo cad oo ah inaysan u oggolaan dhulkooda ama hantidooda in loo adeegsado weerar lagu qaado dal kale.”

  10. Netanyahu oo ku amray ciidamada Israel inay duqeeyaan bartilmaameedyada koonfurta Beirut

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku amray ciidamada dalkaas inay weeraraan bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan.

    Aagga la sheegay in weerarka lagu beegsanayo ayaa loo yaqaan “Dahiya”, waxaana lagu tiriyaa meel muhiim ah oo uu ku xooggan yahay ururka Hezbollah.

    Horay, Madaxweynaha Lubnaan ayaa soo saaray bayaan uu si adag ugu cambaareeyay weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah dalkiisa.

    Dhanka kale, waxaa maanta la filayaa in uu qabsoomo kulan ay yeelanayan golaha ammaanka ee Qaramada Midooobey, kaas oo lagu gorfeyn doono xaaladda Lubnaan iyo xiisadaha amni ee gobolka.

  11. Itoobiya oo saaka looga dareeray doorashada baarlamaanka

    Waxaa saaka dalka Itoobiya looga dareeray doorashada doorshada baarmaanka ee dalkaasi.

    Deegaanada ay doorashada ka dhaceyso waxaa ka mid ah deegaanka Soomaalida oo ay dadka saaka u soo baxeen codeynta.

    Waa doorashadii toddobaad tan iyo markii la riday nidaamkii militariga sanadkii 1991 - kacdoon sababay in Eritrea ay go'do laba sano ka dib - waxayna dooarshadu dhacaysaa iyadoo xiriirka Itoobiya iyo deriskeeda waqooyi uu mar kale khatar ku jiro.

    Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed - inkastoo aan si toos ah loo dooran. Codbixiyayaashu waxay doortaan wakiillo ka tirsan baarlamaanka oo ka kooban 547 xubnood, xisbiga hela ugu yaraan 274 kursi wuxuu xaq u leeyahay inuu dhiso dowladda xigta ee hoggaamin doonta dalka shanta sano ee soo socota.

    Gobolka waqooyi ee Tigray, oo isku dayayay inuu ka soo kabto dagaal sokeeye oo ba'an oo dhammaaday 2022, ayaa gebi ahaanba laga saaray codbixinta oo aan ka qeyb gali doonin doorashada maanta.

    Hoos ka eeg sawirada dadka deegaanka Soomaalida oo saf ugu jira codeynta maanta

  12. Dadka reer Australia oo qaati ka taagan Dooli ama Jiir fara-ba'an ku haya

    Waxaa aad ugu soo badanaya isalmarkana si ballaaran ugu ku faafay jiirar ama Dooli argagax geliyay beeraleyda qaybo badan oo ka mid ah Australia, iyadoo jiirarku ama Dooliga si xad dhaaf ah ugu bateen guryaha hareerahooda isla markaana ay baabi'inayaan beeraha hadhuudhka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli beeraleydu ay horeba ugu jireen cadaadis ka dhashay dhibaatada shidaalka iyo bacriminta oo aan la saadaalin karin, taas oo la xiriirta dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.

    Dhibaatadan cusub ayaa ku khasabtay beeraleyda inay ku bixiyaan boqollaal kun oo doollar dib-u-beeris dalagyo ay jiirarku ama Dooliga cuneen ama inay saacado badan ku lumiyaan dhigista waxyabao la sumeeyay ama sunta jiirka lagu daray si loo laayo Dooliga.

    “Waa kharash aad u weyn, mana aha oo keliya qiimaha dabinada iyo Sunta loo dhigo,” ayuu yiri Geoff Cosgrove, oo 43 jir ah, kana shaqeeya beer dhan 14,000 hektar oo ku taal Mingenew, halkaas oo uu ka beero sarreen iyo dalagyo kale

    “Waxay sidoo kale saameyn ku yeeshaan maskaxdaada; habeenkii ayay meel kasta ku ordaan, saqafka dhexdiisa, iyo qalabka qaboojiyaha. Waad maqli kartaa, waadna urin kartaa — urkoodu wuxuu la mid yahay meyd qudhmaya,” ayuu yiri.

    Geoff Cosgrove wuxuu ku jiray shaqada beeraha muddo 25 sano ah, mudadaas oo dhan wuxuu sheegay inuu laba jeer oo keliya ku khasbanaaday inuu isticmaalo Sunta iyo dabinada lagu dilo jiirarka ama Dooliga.

    Wuxuu sheegay in faafitaanka Dooliga ee sannadkan uu yahay “mid aad uga sii daran kii dhacay sannadkii 2021.”

  13. Maxaa ka jira wararka sheegaya inuu is-casilay madaxwaynaha Iiraan?

    Dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladda Iran, oo ay ku jiraan afhayeenno dowladda, ayaa si adag u beeniyey wararka la isla dhex marayo ee sheegaya in madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, uu iscasilay, iyagoo ku tilmaamay “warar niyad-jab leh oo aan sal iyo raad lahayn.”

    Afhayeenka dowladda, Fatemeh Mohajerani, iyo xubno ka tirsan golaha warfaafinta ee dowladda madaxweynaha, oo ay ka mid yihiin Ilyas Hazrati iyo Ali Ahmadnia, ayaa bayaano iyo qoraallo ay ku daabaceen baraha bulshada ku sheegay in madaxweynuhu uu weli si caadi ah u wado hawlihiisa rasmi ah isla markaana uu ku mashquulsan yahay xallinta dhibaatooyinka dalka.

    Dhanka kale, wakaaladaha wararka dowladda Iran ayaa Axaddii baahiyey muuqaallo dhowr ah oo muujinaya Madaxweyne Masoud Pezeshkian oo ka qaybgalaya munaasabado gudaha dalka ah kana jeedinaya khudbado.

    Warbixinnadaas ayaa sidoo kale muujiyey isagoo la hadlayay suxufiyiin, kana hadlayay arrimo kala duwan, oo ay ku jirto 2026 FIFA World Cup.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in madaxweynuhu uu shaqadiisa u gudanayo si caadi ah, isla markaana wararka sheegaya inuu iscasilay ay yihiin kuwo aan wax sal ah lahayn.

    Waxaa xusid mudan in Iran international ay ahayd warbaahintii ugu horreysay ee soo werisa, iyada oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in madaxweynaha Iran uu iscasilay sababo la xiriira faragelin lagu sheegay in ay Ilaalada Kacaanka Iiraan ku hayso arrimaha dowladda.

    Kadibna warkan waxaa daabacay warbaahinno kala duwan oo caalami ah, oo ay ku jiraan qaar Maraykan ah, waxaana ka dhashay dood ballaaran.

  14. Iran oo weerartay xarunta xisbiga Komala Zhambesh ee Ciraaq

    Sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Komala Zhambesh ayaa sheegay in Iran ay xalay saacadda 8:00 fiidnimo waqtiga maxalliga ah ku weerartay xaruntooda ku taalla Kurdistaan Ciraaq laba gantaal.

    Amjad Hossein Panahi ayaa boggiisa Facebook ku qoray in weerarku ka dhacay xarunta xisbiga ee Dooxada Alana, gobolka Khalidan.

    Sida uu sheegay, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ku garaacday goobaha xisbigan Kurdishka Iiraan ka soo jeeda ee ku sugan Kurdistaan Ciraaq in ka badan 81 gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

    Sidoo kale, Xisbiga Xorriyadda Kurdistaan (Kurdistan Freedom Party), oo ah xisbi kale oo Kurdish ah oo Iiraan ka soo jeeda saldhiggiisu yahay magaalada Erbil, ayaa ku dhawaaqay in gantaal Iiraani ah uu subaxnimadii shalay ku dhacay mid ka mid ah saldhigyadooda oo ku dhow magaalada.

    Afhayeen u hadlay xisbigaas ayaa sheegay in tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran, xisbigu uu la kulmay weerarro u dhexeeya 50 ilaa 60 jeer.

  15. Shan dal oo dunida hoggaamin doona sanadka 2050-ka

    Ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub fayrasak karona, dagaalka Ukraine iyo canshuuraha ganacsiga ayaa laga yaabaa in ay abuuraan xaalado dhaqaale, laakin inkastoo caqabadahaas ay jiraan haddana waxaa la qiyaasayaa in dhaqaalaha adduunka uu sii wadi doono koritaanka tobanaanka sano ee soo socda.

    Dhab ahaantii marka la gaaro 2050-ka dhaqaalaha dduunka ayaa labajibaarmi doona sida la saadaalinayo in inkastoo Qaramada Midoobey , wxaana soo bixi doona 5 dal oo caalamka hogaamin doona.

    faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  16. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo shaaciyay weerar ay ku qaadeen saldhig u Mareykanku leeyahay

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa ku dhawaaqay in cutubkooda hawada sare uu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo uu sheegay in loo adeegsaday weerar Maraykanku ku qaaday Xarun isgaarsiineed oo ku taalla Jasiiradda Sirik.

    Goobta saxda ah ee saldhiggan laguma sheegin bayaanka ay soo saareen IRGC.

    Bayaanka Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in weerarkani uu dhacay “ka dib gardarradii ay ciidamada Maraykanku geysteen saacad ka hor,” isla markaana ciidamadoodu “ay beegsadeen saldhiggii diyaaradaha ee laga soo qaaday weerarka, waxaana la burburiyay bartilmaameedyadii la qorsheeyay.”

  17. BBC oo xaqiijisay waxyeelada baaxadda leh ee Iiraan u geysatay saldhigyada Mareykanka ee bariga dhexe

    Sawirro dayax-gacmeed iyo muuqaallo ay falanqeysay BBC ayaa muujinaya in Iran ay waxyeello gaarsiisay labaatan (20) saldhig militari oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo ku kala yaalla siddeed dal oo Bariga Dhexe ah tan iyo markii dagaalku billowday dhammaadkii Febraayo.

    Warbixintu waxay tilmaamaysaa in weerarradu ay ahaayeen kuwo ka ballaaran intii si rasmi ah loo qirtay, ayna sababeen khasaare malaayiin doolar ah oo soo gaaray nidaamyo difaac oo casri ah, diyaaradaha shidaalka hawada ku siiya kuwa kale iyo qalabka raadaarka.

    Ka hor xabbad-joojinta jilicsan ee la gaaray, Tehran waxay si joogto ah u muujinaysay guulaheeda militari, halka Washington ay marar badan sheegtay inay ku dhowaad gebi ahaanba burburisay awooddii militari ee Iran.

    Maraykanku wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo macluumaadka ay BBC heshay, isagoo sabab uga dhigay “walaacyo la xiriira hawlgallada militari”.

  18. Dowladda Lubnaan oo Israa'iil ku eedeesay in ay weerartay agagaarka goob isbitaal ah

    Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay axaddii in 13 shaqaale caafimaad ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ka fulisay meel u dhow isbitaal ku yaalla magaalada koonfureed ee Ta’ayr.

    “Israa’iil ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay agagaarka Isbitaalka Hiram ee Ta’ayr, taasoo ku dhaawacmayn 13 ka mid ah shaqaalaha isbitaalka isla markaana sababtay burbur weyn oo soo gaaray isbitaalka,” ayay Wasaaradda Caafimaadku ku tiri bayaan ay soo saartay.

    Lubnaan ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay joojiso sii kordhinta iyo ballaarinta weerarrada Israa’iil.

    Horaantii, Israa;iill Katz, Wasiirka Difaaca Israa’iil, ayaa ku dhawaaqay in ciidankiisu ay la wareegeen Beaufort Castle, oo ah qalcad taariikhi ah isla markaana leh muhiimad istaraatiiji ah oo ku taalla koonfurta Lubnaan.

  19. Dad loo shakisan yahay xanuunka Ebola oo gaaray dalka Brazil

    Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Brazil ayaa la socda xaaladda laba bukaan oo looga shakisan yahay inay qabaan cudurka Ebola, kuwaas oo ku sugan labada magaalo ee ugu waaweyn dalkaas, São Paulo iyo Rio de Janeiro.

    Maamulka gobolka São Paulo ayaa sheegay in nin 37 jir ah oo ka yimid Democratic Republic of the Congo uu “muujiyay calaamado ay ka mid yihiin qandho.”

    Gobolka Rio de Janeiro, waaxda caafimaadka ayaa sheegtay inay dhaqan gelisay habraacyada ilaalinta, kadib markii nin u dhashay Belgium oo ka yimid Uganda lagu arkay“calaamado fayras sida qufac, qarqaryo (dhaxan), iyo shuban.”

    Natiijooyinka baaritaanka labada bukaan ayaa la filayaa inay soo baxaan toddobaadka soo socda.

    Haddii cudurka laga xaqiijiyo, waxay noqon doonaan kiisaskii ugu horreeyay ee Ebola laga helo meel ka baxsan Afrika tan iyo markii cudur-faafku ka billowday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

  20. Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadley xaaladda sii xumaaneysa koonfurta Lubnaan

    Madaxweynaha Faransiiska,Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in “aysan jirin wax cudurdaar u noqon kara xaaladda kasoo dareysa iyo duqeymaha Israa'iil ka waddo koofurta Lubnaan".

    Hadalka Macron ayaa yimid kaddib markii ciidamada Israa’iil ay weerar cusub ku qaadeen koonfurta Lubnaan, halkaas oo khasaare ba'an ka dhashay.

    Kadib markii ciidamada Israa’iil ay la wareegeen Beaufort Castle, Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobe ayaa la iskugu iman doona kulan degdeg ah Isniinta, kaas oo uu codsaday Faransiiska.

    Macron ayaa sidoo kale qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay, kaddib wada-hadallo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka bariga dhex inay “lama huraan” tahay in si degdeg ah loo gaaro heshiis u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka

    Hogaamiyeyaasha uu Madaxweynaha Faransiiska la hadlay waxaa kamid ah Mohammed bin Salman, Dhaxal-sugaha Sacuudiga; Haitham bin Tariq, Suldaanka Cumaan; Mohammed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta; iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah el-Sisi.

    Sii akhri