You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Aflagadadu ma dambi ayay ka tahay Soomaaliya?
Maalinimadii shalay maxkamadda gobolka Banaadir waxaa la hor keenay Sacdiyo Macalin Xassan oo ku magac dheer Sacdiyo Bajaaj taa oo muddo ka badan bil ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa ku soo eedeeyay Sacdiyo laba eedeymood oo kala ahaa kicin dadwayne iyo aflagaado madaxeed.
Balse qareenka Sacdiya ayaa sheegay in ay is hortaag ku sameeyeen eedeymaha loo soo jeediyay Sacdiyo, taa oo sida uu sheegay uu u ogolaanayo sharcigu.
"Hadii qofka eedeysanaha ah uu fahmiyo waayo eedda, ama eedda naftirkeeda qaabkii la rabay aysan u qornayn oo uu sharcigu tilmaamayay, wuxuu xaq u leeyahay in uu ka keeno is-hortaag," ayuu yiri abuukaate Cali Xalane oo u doodayay Sacdiyo.
"Ilaahey amarkii anagu waxaan fursad u helanay inaan is hortaag ka keeno eedii maanta. Is-hortaageeniina waa ay maxkmaddu ku qanacday," ayuu raaciyay hadalkiisa.
Sababaha u fududeeyay is-hortaagaas ayuu ku sheegay in ay ka mid tahay in ay dalbadeen faahfaahinta la xiriirta labada eedeymood, sida waqtiyada iyo cidda rasmiga ah ee laga galay.
Hadaba, Soomaaliya ma waxaa jira sharci dambi ka dhigaya in aad aflagaadeyso qof, shacab ama madax kuu ahaadaba.
Si aan wax oga ogaano arrrintaan ayaan waraysanay sharciyqaan Maxamed Cabdi Kadiye ayay BBC-du ka waraysatay arrinkaan.
Halkaan ka dhagayso waraysiga: