Muxuu Ruto maanta ka yiri dugsiyada quraanka lagu barto?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Munaasabada lagu xusayay sanadguurada madaxbanaanida dalka Kenya oo ka dhacday magaalada Wajeer ayaa waxaa ku sugnaa madaxweyne William Ruto oo ka hadlay dhowr arrimood oo uu diiradda saari doono oo ku aadan gobolka wuqooyi Bari ee Kenya.

Waxana ka mid ahaa waxbarashada oo uu yiri: "Waxay dowladda ku dhawaaqaysaa lacag lagu dhiso jaamacadda Wajeer, idinka reer wajeer ah waxaad iga caawisaan in aad go'aansataan dhul ku filan oo laga dhiso jaamacad".

Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu soo hadal qaaday in dugsiyada iyo madarasooyinka quraanka la doonayo in lagu daro nidaamka la aqoonsan yahay ee waxbarashada Kenya.

"Waxaan farayaa golaha waxbarashada in ay la hadlaan dhammaan kuwa ay quseyso ayna qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah iyaga oo raacaya sharciga waxbarashada aasaasiga ah iyaga oo talo aruurinaya in ay soo cadeeyaan qorshe haboon oo la isku dhexgalin karo si siman," ayuu yiri madaxweyne Ruto oo qudbeynayay.

Waxa uu sheegay in tani ay ka caawin doonto caruurta in ay helaan waddo lawada ogsoon yahay oo ay wax ku bartaan.

Dugsi iyo madarasada ayaa waxa ay qayb wayn ka yihiin waxbarashada caruurta Soomaalida, iyada oo meelo badan ay dhaqan ka tahay in ay caruurtu ay bartaan quraanka inta aysan aadin Iskuul ka hor.

Sidaas oo ay tahay wadamo badan oo ay Soomaalidu ku nool yihiin, aysan waxbarashada dugsiu ahayn mid ay aqoonsan tahay dowladdu.

Maxay uga dhigan tahay reer Waqooyi bari?

Aadan Keynaan waxaa xildhibaan laga soo doorto degmada Ceeldhaas ee gobolka wuqooyi Bari, waxaana uu sheegay 'in taariikh ay ahayd in xoriyadda Kenya loogu dabaal dago gudaha gobolkan oo leh taariikh dheer marka la eego xornimada'.

"Gobolkaan waxa uu leeyahay taariikh xanuun badan, waana dad mudo dheer xaqooda lagu taagnaa, waa dad muddo dheer dhismaha dalka aan qayb ka ahayn. Waana dad muddo dheer isku arkayay in wadinayadooda ay su'aal ku jirto...Tani waxay tusaysaa in waddankaan uu waddan la wada leeyahay uu yahay. Dadweynaha Kenya isku xaq ayay leeyihiin", ayuu yiri Xildhibaan Aadan Keynaan oo la hadlayay BBC-da.

Balanqaadyada uu sameeyay Ruto maanta oo ka mid ahaayeen waxbarashada, gaar ahaan Jaamacadda Wajeer iyo dhismaha wadada ayaa soo jiitay dad badan oo reer Wuqooyi baru ah, kuwa oo sida intooda badan qabaan aan tix galin wayn horay uga heli jriin xukuumadaha Kenya.

Balse su'aasha dad badan ku soo dhacaysa ayaa ah sida ay u fuli doonaan balanqaadayada ay madaxdu sidaan oo kale u sameeyaan maalmaha lagu jiro dabaaldagayada. Wax ka waydiinay xildhibaanka Ceeldhaas laga soo doorto inta ay la egtahay rajada ay ka qabaan fulinta balanqaddayada.

Kenyaan ayaa yiri: "Runtii ninkaan waxa uu balan noo qaaday qaybta ugu badan wuu fuliyay...Waxaan sheegayaa in dhulkii diyaar yahay diyaarna aan u nahay jaamacadda sida ugu dhaqsaha badan in shaqadeedu ay bilaabato", ayuu yiri Keynaan.

Ruto ayaa intii uu maanta qudbeynayay waxa kale oo uu soo hadal qaaday in xukuumadiisu ay dhisi doonto wado wayn oo isku xiri doonta dhow magaalo oo ay ka mid yihiin Wajeer iyo Isiolo. Qorshe ay mudaba sugayeen dadka deegaanadaas ku nool.

"Waxaan ka gudbeynaa caqabadii masaafada inaga oo hirgalineyna wado dheer isku xirta wuqooyiga Kenya oo dhirirkiisu dhan yahay 750 kiilo mitir. Waxaan fulineynaa maalgashigii ugu waynaa uguna muhiimsanaa gobolka tan iyo markii ay Kenya xoriyadda qaadatay," ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Balse waxaa xusid mudan in dadka qaar ayaa aaminsan in balanqaadayada ay sameeyaan madaxdu xilliyadaan oo kale, ay yihiin kuwa siyaasadeed oo dhaboobin intooda badan.