Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

"Beerka digaagga ama ariga oo si fudud loo heli karo waxa uu hodan ku yahay nafaqooyin. Tusaale ahaan, waxa ku jira macdanta 'heme' ah oo badan, taas oo si fudud jirku u nuugo. Waxay hagaajisaa wareegga dhiigga waxayna ka hortagtaa dhiig-yarida," ayuu yiri Dr. Prashant Arun oo ku takhasusay cudurka macaanka.

Waxa kale oo uu sheegay in fitamiin B12 uu muhiim u yahay samayska unugyada dhiigga cas, caafimaadka ragga, horumarka maskaxda, iyo xusuusta.

Sida uu qabo Prashant Arun, beerka xoolaha waxa ku jira borotiin tayo sare leh, kaas oo lagama maarmaan u ah dayactirka murqaha isla markaana ka caawiya soo kabashada kadib xanuun.

Faa'iido ma u leeyahay beerka haddii la siiyo carruurta?

Dharini Krishnan oo ku takhasustay Nafaqooyiinka ayaa leh, "Beerku waxa uu hodan ku yahay macdanta 'heme', taas oo badanaa laga helo cuntooyinka aan khudradda ahayn, sidaas darteed carruurta da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 10 sano waxa la siin karaa qiyaastii 50 garaam oo beer la kariyey ah hal mar toddobaadkii."

Sida uu sheegay, "Carruurta da'doodu u dhaxayso 10 ilaa 15 sano waxa la siin karaa 50 ilaa 100 garaam oo beer ah hal mar toddobaadkii."

Waxay sheegtay in fitamiin B12 ee ku jira uu muhiim u yahay koritaanka carruurta, balse waa in loo siiyo si dheellitiran.

Dharini Krishnan waxay sidoo kale sheegtay, "Beerka ma habboona in saliid lagu shiilo oo carruurta la siiyo, sababtoo ah shiilistu waxay burburisaa fitamiin B12 ku jira. Sidaas darteed, waxa fiican in loo kariyo sida maraq ama suugo oo carruurta la siiyo."

Sidoo kale, waxay sheegtay in dadka waaweyn ay ku filan tahay cunista 100 ilaa 200 garaam oo beer ah hal mar toddobaadkii.

Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS), beerku waxa uu aad ugu badan yahay fitamiin A, sidaas darteed haweenka uurka leh waa in ay ka fogaadaan, maadaama fitamiin A badan uu waxyeello u geysan karo ilmaha caloosha ku jira.

Qiyaasta maalinlaha ah ee lagu taliyey ee fitamiin A waa 700 microgram ragga iyo 600 microgram haweenka ah.

Daraasado qaarkood ayaa muujinaya in qaadashada celcelis ahaan 1,500 microgram oo fitamiin A ah maalintii muddo dhowr sano ah ay saameyn ku yeelato lafaha, isla markaana kordhiso halista jabitaanka lafaha marka qofku da'a ahaan weynaado.

Arrintani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dadka waayeelka ah, gaar ahaan haweenka oo horeba halis ugu jira cudurka lafaha jilciya ee (osteoporosis).

Sida uu sheegay Dr. Prashant Arun, "Waxaa fiican in dadka leh kolestarool sare ay ka fogaadaan cunista beerka. Sidoo kale, lama siin karo carruurta ka yar laba sano. Dadka leh xasaasiyadna waa inay ka fogaadaan."

Beerka xoolaha ma bogsiin karaa beerka aadanaha?

Hadaba, iyadoo beerka uu leeyahay nafaqooyin badan, su'aasha taagan ayaa ah: ma bogsiin karaa beerka xooluhu beerka bini'aadamka?

Arrintan, Dr. Prashant Arun wuxuu leeyahay: "Beerka xoolaha ma hagaajiyo dhaawaca ku dhacay beerka bini'aadamka. Dhaqamada ku saabsan arrintan ma laha sal cilmiyeed."

Wuxuu sidoo kale yiri: "Arrintan looma arki karo 'nadiifin', sababtoo ah beerku waa xubinta nadiifisa jirka isla markaana iskiis isu hagaajiya. Uma baahna beer kale oo lagu caawiyo."

Sida uu sheegay, "Cunto dheellitiran oo caafimaad leh, jimicsi iyo hurdo ku filan ayaa ah waxyaabaha kaliya ee ilaaliya beerka."

Sidaas darteed, farqi muhiim ah oo u dhexeeya beerka xoolaha iyo kan bini'aadamka waa in haddii beer la cuno tiro badan, heerka sare ee fiitamiin A ee ku jira uu culays saari karo beerka bini'aadamka.