You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Weerarrada Iran oo waxyeello gaarsiiyay 20 xarumood oo milatari oo Maraykanku leeyahay tan iyo billowgii dagaalka
- Author, Merlyn Thomas
- Author, Alex Murray
- Author, Matt Murphy
- Role, BBC Verify
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Iran ayaa waxyeello gaarsiisay 20 goobood oo milatari oo Maraykanku leeyahay tan iyo markii uu dagaalku billowday, sida ay muujinayaan sawirro dayax-gacmeedyo iyo muuqaallo ay falanqaysay BBC Verify. Tani waxay tilmaamaysaa in weerarradu ay ka ballaaran yihiin inta si rasmi ah loo shaaciyey.
Iran waxay beegsatay xarumo muhiim ah oo ku yaalla siddeed dal oo ku yaalla Bariga Dhexe tan iyo dhammaadkii bisha Febraayo, iyadoo sababtay khasaaro malaayiin doollar gaaraya oo soo gaaray nidaamyo casri ah oo difaaca cirka ah, diyaaradaha shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha kale, iyo nidaamyada raadaarka.
Tehraan waxay bartilmaameedsatay saldhigyo Maraykan leeyahay iyo xarumo militari oo ay wada isticmaalaan dalal kale, taas oo ay ku sheegtay aargudasho ka dhan ah weerarradii Maraykanka iyo Israa'iil ay ka fuliyeen Iran iyo Lubnaan saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ayaa sheegtay inay weerartay in ka badan 13,000 bartilmaameed gudaha Iran tan iyo bilowgii hawlgalka loo yaqaan "Operation Epic Fury."
Mojtaba Khamenei, oo ah hoggaamiyaha sare ee Iran, ayaa isku dayay inuu muujiyo guulaha milatarigiisa ee weerarrada lagu qaaday xarumaha Maraykanka. Bayaan uu soo saaray Talaadadii ayuu ku sheegay in Bariga Dhexe uusan mar dambe ahayn "meel ammaan ah" oo saldhigyada Maraykanku ku oolli karaan.
Inkastoo Aqalka Cad uu marar badan ku dooday in awoodda milatari ee Iran si weyn loo wiiqay ama ku dhowaad la burburiyey, falanqeeyayaal ayaa sheegay in khasaaraha ka muuqda xarumaha Maraykanka uu muujinayo in weerarrada jawaabta ah ee Tehran ay ahaayeen kuwo ka saxsan oo ka ballaaran intii saraakiisha Maraykanku hore u qireen.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo natiijooyinka ay heshay BBC Verify, isagoo sabab uga dhigay "arrimo la xiriira amniga hawlgallada militari."
Maraykanku wuxuu isku dayay inuu xaddido falanqaynta dayax-gacmeedka ee colaaddan isagoo ka codsaday shirkadda Planet, oo ah bixiye weyn oo sawirrada dayax-gacmeedka ah, inay saarto xannibaad "aan waqti cayiman lahayn" oo ku saabsan sawirrada cusub ee Iran iyo inta badan Bariga Dhexe.
Shirkaddu waxay tallaabadan ku sababaysay inay doonayso inay hubiso in sawirradeeda aan loo adeegsan "dhinacyo cadow ah si ay u bartilmaameedsadaan shaqaalaha militariga iyo rayidka ee xulafada iyo dalalka la shaqeeya NATO."
BBC Verify waxay adeegsatay sawirro dayax-gacmeed oo ay bixiyeen shirkado kale oo caalami ah, iyadoo sidoo kale adeegsanaysa sawirro hore oo ka yimid Planet, si ay ula socoto khasaaraha ay geysteen weerarrada Iran.
Goobaha la weeraray waxay ku yaallaan dalalka Saudi Arabia, United Arab Emirates, Qatar, Kuwait, Iraq, Jordan, Bahrain iyo Oman.
Tirada dhabta ah ee saldhigyada la weeraray ayaa laga yaabaa inay intaas ka badan tahay, iyadoo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ay qiyaasayaan in tirada saldhigyada la beegsaday ay gaari karto ilaa 28.
Qalabka qiimaha badan ee waxyeelladu gaartay waxaa ka mid ahaa saddex nidaam oo casri ah oo difaaca gantaallada ballistic-ga ah, kuwaas oo ku yaallay saldhigyada cirka ee Al Ruwais Airbase iyo Al Sader Airbase ee Imaaraadka Carabta, iyo Muwaffaq Salti Air Base ee Urdun.
Maraykanka waxaa la ogyahay inuu haysto oo keliya siddeed nidaam oo difaaca sare ee (THAAD) ah. Nidaamyadan ayaa lagu rakibaa saldhigyo kala duwan oo dunida ku yaalla, waxaana lagu qiyaasaa in samaynta hal nidaam ay ku kacdo qiyaastii 1 bilyan oo doollar (ama £766 milyan).
Nidaam kasta oo THAAD ah wuxuu u baahan yahay ku dhowaad 100 askari si ay u maamulaan ugana hawlgeliyaan. Gantaal kasta oo ka hortag ah oo nidaamku rido wuxuu ku kacaa qiyaastii 12.7 milyan oo doollar halkii xabbad.
Mark Mellett, oo ah ku-xigeen admiral hore iyo taliyihii hore ee Ciidamada Difaaca Ireland, ayaa BBC Verify u sheegay in nidaamyadan difaaca ay laf-dhabar u yihiin shabakad difaac oo heer gobol ah oo "aad u adag", isla markaana aan "si degdeg ah ama fudud loo beddeli karin".
Falanqayn ay khubarro ku sameeyeen sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujisay in weerarrada Iran ay sidoo kale si weyn u waxyeelleeyeen diyaaradaha shidaalka siiya diyaaradaha kale iyo kuwa kormeerka ee Maraykanka ee ku sugan Prince Sultan Air Base ee Sacuudiga. Sawirrada waxaa si cad uga muuqday diyaarado burburay iyo godad qaraxyo oo qiiq ka baxayo.
Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa falanqeeye ka tirsan MAIAR u aqoonsaday inay tahay Boeing E-3 Sentry, oo ah diyaarad kormeer iyo digniin hore bixisa. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in beddelkeedu uu ku kici karo ilaa 700 milyan oo doollar.
Meelo kale, weerarrada Iran ayaa sidoo kale beegsaday Ali Al Salem Air Base iyo Camp Arifjan ee Kuweyt.
Falanqeeyayaasha shirkadda MAIAR ayaa sawirrada dayax-gacmeedka ka aqoonsaday bakhaarro kaydinta shidaalka ah oo la burburiyey, hangarro diyaaradeed iyo hoyga ciidamada ee saldhigga oo waxyeello soo gaartay, kaas oo dhowr jeer la weeraray muddadii uu socday dagaalku.
Dhanka kale, shirkadda sirdoonka difaaca ee Janes ayaa sheegtay in Camp Arifjan uu ka dhacay burbur baaxad leh oo gaaray qalabka isgaarsiinta dayax-gacmeedka.
Baaxadda khasaaraha ka dhashay ee soo gaaray xarumaha Maraykanka way adag tahay in si sax ah loo qiyaaso, balse qiyaas uu Pentagon soo saaray bishii May ayaa ku sheegay in wadarta kharashka Operation Epic Fury uu gaarayo 29 bilyan oo doollar—iyadoo inta badan lacagtaas loo badinayo inay ku bixi doonto "dayactir ama beddel qalab" ku burburay dagaalka.
Xubno ka tirsan xisbiga Democratic Party ayaa sheegay in tani ay u badan tahay qiyaas ka hooseysa xaqiiqda dhabta ah.
Warbixintu waxay sidoo kale ogaatay in ugu yaraan 42 diyaaradood—oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee McDonnell Douglas F-15 Eagle iyo Lockheed Martin F-35 Lightning II, 24 diyaaradood oo ah General Atomics MQ-9 Reaper, iyo hal diyaaradda weerarka ee Fairchild Republic A-10 Thunderbolt II—ay burbureen ama waxyeello soo gaartay tan iyo bishii Febraayo.
Marka la barbar dhigo qalabka qaaliga ah ee ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka, Iran ayaa sida la sheegay weerarradeeda ku adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn oo jaban, si fududna loo beddeli karo, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday meelo kala duwan oo Bariga Dhexe ah.
Khubarro la hadlay BBC Verify ayaa sheegay in xeeladaha Iran ay is beddeleen intii uu dagaalku socday—iyagoo ka guuray weerarro waaweyn oo gantaallo badan lagu ridayo oo lagu beegsanayay magaalooyin iyo saldhigyo ku yaalla Bariga Dhexe, una wareegay weerarro yaryar oo si gaar ah loo xushay oo bartilmaameedyo kooban lagu garaacayo.
Kelly Grieco ayaa sheegay:
"Weerarradii hore ee Iiraan waxay ahaayeen kuwo ku saleysan tiro badan—mowjado waaweyn oo loogu talagalay in ay buux dhaafiyaan difaacyada hawada iyo gantaallada iyada oo lagu tiirsan yahay tirada badan."
Waxay intaas ku dartay in maalmo gudahood Iran ay u wareegtay weerarro yaryar oo si sax ah loo beegsaday, si loo kaydiyo gantaallada iyo drones-ka haray, loona diiradda saaro bartilmaameedyo qiimo sare leh oo xitaa khalad yar uu keeni karo khasaare weyn.
Falanqeeye ka tirsan MAIAR ayaa BBC Verify u sheegay in milatariga Maraykanku "u muuqday inay galeen heer ka mid ah taxaddar la'aan bilowgii dagaalka," maadaama aysan si ku filan u dhaqaajin diyaaradaha si ay uga baxaan masaafada ay gaari karaan drones-ka iyo gantaallada Iran marka xeeladuhu is beddeleen.
Waxay sidoo kale sheegeen in kiiska saldhigga Prince Sultan Air Base, saldhiggaas hore loo weeraray ka hor inta aan diyaaradaha halkaas yaallay la burburin.
Mojtaba Khamenei, oo ah hoggaamiyaha sare ee Iran, ayaa ku dhaartay in "dalalka iyo dhulka gobolka aysan mar dambe u adeegi doonin gaashaan ay Maraykanku ku ilaashadaan saldhigyadooda," isagoo intaas ku daray: "Maraykanku mar dambe ma yeelan doono meel ammaan ah oo uu ku sameeyo falal uu ku tilmaamay kicin iyo dhisidda saldhigyo militari, maalin walbana wuu ka sii fogaan doonaa halkii uu hore u joogay."
Hadalladiisa ayaa yimid maalmo yar ka hor inta xabbad-joojintii jilicsanayd ee u dhaxaysay Maraykanka iyo Iran aysan mar kale xiisad u gelin. Khamiistii, Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) ayaa sheegtay inay beegsatay saldhig Maraykan ah oo ku yaalla gobolka, kadib weerarro cusub oo Maraykanku ku qaaday koonfurta Iran.
Kelly Grieco ayaa ka digtay in haddii xabbad-joojinta jilicsan ee Maraykanka iyo Iran burburto oo dagaalku dib u billowdo, khasaaraha hore u soo gaaray saldhigyada Maraykanka uu muujinayo in xarumaha ku yaalla Gacanka ay noqon karaan kuwo aad u nugul.
Waxay tiri: "Dagaalkan hadda socda wuxuu si weyn u cunay kaydkii difaaca hawada ee Maraykanka iyo xulafadiisa."
"Ma jirto waddo degdeg ah oo lagu buuxin karo kaydkaas, taas oo ka dhigan in weerar kasta oo Iran dib u billowdo lagu wajihi doono tiro aad uga yar gantaalladii ka hortagga ahaa ee la heli jiray markii dagaalku billowday."