Lubnaan: Israa'iil waxay duqaymo ku dishay shaqaale caafimaad
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in "13" ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo Israel ay ka geysatay meel u dhow isbitaal ku yaal magaalada koonfurta Lubnaan ee Tire.
Tani waxa ay imaaneysaa iyada oo Israa'iil ay sii waddo hawlgalkeeda milatari ee qotada dheer ee dhulka Lubnaan.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Cadawga Israa’iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday agagaarka cisbitaalka Hiram ee magaalada Tire, waxaana ka dhashay dhaawaca 13 ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka iyo burbur xooggan oo soo gaadhay xarunta.
Bayaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tillaabo lagu joojinayo "balaarinta iyo xoojinta weerarada Israel."