Warbaahinta Mareykanka: Trump oo doonaya in wax ka-beddelka lagu sameeyo heshiiska Iiraan iyo Maraykanka

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sida warbaahinta Maraykanku ay qoreyso Donald Trump ayaa codsaday in wax-ka-beddel lagu sameeyo heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Iraan ee ujeedkiisu yahay in lagu soo afjaro dagaalladii billowday horaantii sannadkan

Wax-ka-beddelladan ayaa la xiriira marinka Hormuz iyo arrinta ku saabsan ka saarista yuraaniyamka aadka loo hodmiyay, sida ay sheegtay CBS News oo ay bahwadaag yihiin BBC, Aqalka Cad kama jawaabin su'aalo laga codsaday inuu ka jawaabo oo arrintaan la xiriirta.

Maxamed Bagher Ghalibaf oo ah madaxa wada-xaajoodka Iraan ayaa Axaddii sheegay in Tehrana aysan aqbali doonin heshiis kasta ilaa xuquuqda Iraan si buuxda loo dammaanad qaado.

Madaxweynaha Maraykanka iyo la-taliyayaashiisa sare ayaa Jimcihii kulan yeeshay si ay go'aan kama dambays ah uga gaaraan qaab-dhismeedka heshiiska lagu kordhinayo muddada xabbad-joojinta Iraan, balse kulankaas wuxuu soo dhammaaday iyadoo aan caddayn tallaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen.

Nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska oo markii ugu horreysay ay daabacday warbaahintii Axios Sabtidii, waxaa ku jiray; xabbad-joojin 60 maalmood ah oo dheeraad ah, baaq dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz, iyo in dib loo bilaabayo wada-hadallada ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka ee Iraan.

Qodobbada ku jira heshiiska ayaa sidoo kale la sheegay inuu kamid yahay fududeynta cunaqabataynta Iraan, taas oo u saamaxaysa inay hesho balaayiin doolar oo hanti oo hore uga xannibnaa

Wararkaan axaddaan soo baxay ee ku saabsan wax-ka-beddellada cusub ayaa ah horumarkii ugu dambeeyay ee wada-xaajoodyo maalmo socday oo u dhexeeyay Aqalka Cad iyo Tehran si loo dejiyo heshiis lagu soo afjarayo colaadda.

Khamiistii, saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen heshiis isafgarad ah, kaas oo sugaya ansixinta Madaxweyne Trump iyo hoggaanka Iiraan.

Trump ayaa sheegay in dammaanadda ugu muhiimsan ee uu doonayo ay tahay in Iiraan aysan waligeed yeelan hub nukliyeer ah, wuxuu intaa ku daray in Iiraan ay arrintaas oggolaatay, islamarkaana uu u arkay mid muhiim ah, inkast oo uu sidoo kale sheegay in uusan ku degdegeyn saxiixa heshiiska.

Ka hor kulankii Jimcaha ee Aqalka Cad, Trump wuxuu muujiyay in uu rajo ka qabo aqbalidda heshiiska.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu aqbali doono oo keliya heshiis dan u ah Maraykanka, isla markaana waafaqsan shuruudihiisa muhiimka ah, isagoo xusay in Iiraan aysan marnaba yeelan karin hub nukliyeer ah.

Dalabkaan cusub ee ayaa yimid kulankii jimcaha kadib, sida ay sheegtay warbaahinta Axios, Trump wuxuu codsaday in dhowr qodob wax-ka-beddel lagu sameeyo intii uu socday kulankaas, tan iyo markaasna waxaa muuqata in uu dalbaday isbeddello kale oo dheeraad ah.

Intii uu booqashada ku joogay Singapore dhammaadkii toddobaadka, Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in haddii heshiiska Iiraan uusan buuxin rabitaanka iyo filashada madaxweynaha weerarrada militari dib loo bilaabi karo.

Hase yeeshee, mas'uuliyiinta Iiraan ayaa shaki geliyay fariimaha Aqalka Cad, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabbas Araghchi ayaa sheegay in illaa laga gaarayo gunaanad cad, wax kasta oo hadda laga sheegayo arrintan ay yihiin mala-awaal.

Wakaaladda wararka ee Tasnim News Agency ayaa sheegtay in qoraalka heshiiska wali laga wada xaajoonayo, iyadoo labada dhinac si joogto ah u soo jeedinayaan wax-ka-beddello cusub.

Iiraan ayaa sidoo kale ku adkeesaneysa in xayiraadda lacagaha ee saraan laga qaado ka hor inta aysan bilaaban wadaxaajoodyada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay 8-dii Abriil, Trump wuxuu marar badan sheegay in Maraykanka iyo Iiraan ay ku dhow yihiin heshiis gaaraan, islamarkaana wadaxaajoodyadu horumar sameynayaan, balse illaa hadda lama gaarin heshiis rasmi ah.