Waa kuwee cayaartoyda ugu da'da weyn ee ka soo muuqan doona koobka adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Jonty Colman
- Role, BBC Sport journalist
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Kaliya todobo ciyaaryahan oo da'doodu tahay 40 jir iyo wixii ka weyn ayaa weligood ka soo muuqday ciyaaraha Koobka Adduunka ee ragga 96-kii sano ee tartanka – ugu yaraan shan kale ayaa lagu dari karaa liiska ka dib markii lagu soo daray xulka qarankooda ee tartanka sanadkan.
Ciyaaryahanka reer Masar Essam El Hadary ayaa haysta rikoorka ciyaaryahankii ugu da'da weynaa ee ka soo muuqday ciyaaraha Koobka Adduunka, isagoo jira 45 sano iyo 161 maalmood.
Goolhaye El Hadary ayaa hal kulan kasoo muuqday koobka adduunka 2018 markaas oo ay guuldarro 2-1 ah kasoo gaartay Sacuudi Carabiya heerka guruubyada isagoo dhigay rikoorka in ka badan labo sano.
10-ka ciyaaryahan ee ugu da'da weyn ebid Koobka Adduunka ayey da'doodu ka weyn tahay 39 sano iyo bar.
Goolhayaha Scotland Craig Gordon, oo 43 jir ah, ayaa ilaa hadda ah ciyaaryahankii ugu da'da weynaa ee sanadkan loo magacaabay koox buuxda. Haddii uu ka soo muuqdo kulan ay Scotland ka soo muuqan doonto Koobka Adduunka ee ugu horreeya muddo 28 sano ah, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii labaad ee ugu da'da weyn taariikhda Koobka Adduunka.
Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo, oo 41 jir ah, ayaa sidoo kale waxaa dhici karta inu ku biiro kooxda gaarka ah ee ciyaartoyda ka soo muuqday isagoo 41 jir ah ama ka weyn, haddii uu ciyaaro waxa noqon doona rikoorkiisii lixaad ee Koobka Adduunka. Kaliya El Hadary, Faryd Mondragon, Roger Milla iyo Pat Jennings ayaa da'daas sameeyay ugu yaraan hal kulan oo koobka adduunka ah.
Daafaca Japan Yuto Nagatomo, oo 39 jir ah, ayaa sidoo kale ka mid noqon doona ciyaartoydii abid ugu da'da weyn tartankan, haddii uu helo wakhtiga ciyaarta ee tartanka 2026.
Weeraryahanka Bosnia iyo Herzegovina Edin Dzeko iyo xiddiga khadka dhexe ee Croatia Luka Modric ayaa sidoo kale labaduba 40 sano jir ah waxaana loo badinayaa in ay ka soo muuqan doonaan koobka adduunka.
Goolhayaha Cape Verde Vozinha ayaa 40 jir noqon doona ka hor kulankii ugu horeeyay ee qarankiisa ee koobka adduunka, sidoo kale waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah xiddigaha ugu da'da weyn tartanka hadii uu ka soo muuqdo.
Tobanka cayaartoy ee ugu da'da weyn koobka adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Essam El Hadary – Masar vs Sacuudiga (25 Juun, 2018) – 45 sano, 161 maalmoo
- Faryd Mondragon – Colombia vs Japan (24 Juun, 2014) – 43 sano, 3 maalmood
- Roger Milla – KaamaruunVs Ruushka (28 Juun, 1994) – 42 sano iyo 39 maalmood
- Pat Jennings – Waqooyiga Ireland Vs Brazil (12 Juun 1986) – 41 sano
- Peter Shilton – England Vs Talyaaniga (7 Luulyo, 1990) – 40 sano, 292 maalmood
- Dino Zoff – Talyaaniga vs Jarmalka (11 Luulyo, 1982) – 40 sano, 133 maalmood
- Ali Boumnijel – Tunisia vs Ukraine (23 Juun, 2006) – 40 Sano, 71 maalmood,
- Jim Leighton – Scotland vs Marooko (23 Juun 1998) 29 Sano, 334 maalmood
- David James – England vs Jarmalka (27 Juun, 2010) – 39 sano, 330 maalmood
- Atiba Hutchinson – Canada vs Morocco (1 December, 2022) – 39 sano, 296 maalmood












