Maxay dalalku ka faa'idaan marka ay u soo baxaan ka qeybgalka Koobka Adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka si guul leh ugu soo baxa Koobka Adduunka ee FIFA waxay helaan sharaf weyn oo ay dunidu u hayso, sidoo kale faa'iidooyin dhaqaale iyo farxad weyn ayaa soo wajahda shacabkooda.
Tani ma aha oo keliya guul ciyaareed, balse waa guul saameyn ku leh siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo isku duubnida bulshada.
Koobka Adduunka 2026, FIFA waxay qorsheysay inay u qaybiso in ka badan hal milyan oo doollar dalalka ka qeybgalaya, iyadoo koox kasta heli doonto ugu yaraan hal milyan oo doollar xitaa haddii aysan ka gudbin heerka guruubyada.
Faa'iido dhaqaale
Tartanka Koobka Adduunka 2026, lacagta abaalmarinta ee lagu guuleysanayo koobka iyo heerarka ay kooxuhu gaari doonaan ayaa la kordhiyay in ka badan 50% marka loo eego lacagtii lagu bixiyay tartankii hore ee 2022 ee lagu qabtay Qatar.
Kooxaha ku dhammeysta kaalmaha 33aad ilaa 48aad waxay heli doonaan malaayiin doollar oo abaalmarin ah, waxaana intaas dheer taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo FIFA ay ku bixin doonto tababarka, gaadiidka, qorsheynta iyo arrimo kale.
Lacagtan waxay ka caawisaa dalalka, gaar ahaan kuwa soo koraya, inay horumariyaan kubadda cagta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si loo kobciyo ciyaaraha heerarka hoose ee bulshada.
Dalka ku guuleysta koobka wuxuu heli doonaa 50 milyan oo doollar, halka dalka kaalinta labaad gala uu heli doono 33 milyan oo doollar. Dalalka aan ka gudbin wareegga koowaadna mid kasta wuxuu heli doonaa 9 milyan oo doollar.
Intaa kadib, waddan kasta waxaa la siin doonaa 1.5 milyan oo doollar oo loogu talagalay diyaarinta safarrada, taasoo ka dhigan in waddan kasta uu heli doono ugu yaraan 10.5 milyan oo doollar.

Xigashada Sawirka, PA Media
Farxadda muwaadiniinta
Marar badan, dadka ayaa u dabaaldega waddooyinka, halka dowladaha iyo shirkaduhuna ay ku dhawaaqaan maalmo fasax gaar ah si loo helo tigidhada ama loo qabto bandhigyo iyo tartamo dabaaldeg ah.
Dalalka sannado badan aan helin fursad ay kaga qayb galaan Koobka Adduunka, ama kuwa markii ugu horreysay ka qayb galaya, waxay dareemi doonaan guushan si ka weyn sidii ay filayeen. Waxaa la arki doonaa calamo la taagayo, heeso la qaadayo, iyo dabaaldegyo dhiirrigeliya midnimada bulshada.
Sare u qaadidda qabka qaranka
Kooxuhu waxay awood u yeeshaan inay hibadooda tusaan dunida, ciyaartoyduna waxay soo jiitaan indhaha kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta ee caalamka, halka hay'adaha ciyaarahana lagu dhiirrigeliyo inay sii wadaan maalgashiga.
Sidoo kale waxaa jira dakhli ka yimaada dalxiiska, xayeysiisyada, iyo xuquuqda baahinta ee warbaahinta iyo baraha bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hiddaha iyo dhaqanka
Tusaale ahaan, dalka Panama sanadkii 2018, ka qeybgalka dalku ee Koobka Adduunka ee lagu qabtay Rushka wuxuu sababay in lagu dhawaaqo maalin fasax ah, iyadoo dhammaan qeybaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay ku biireen dabaaldegyada guushaas.
Saameyn dhaqaale oo baaxad leh.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cilmi-baaris ayaa muujisay in intii lagu jiray ciyaarihii 2022, booqdayaasha iyo warbaahintu ay abuureen in ka badan 1 bilyan oo doollar oo qiime dhaqaale ah oo lagu kordhiyay dalalkii ka qeybgalay. Tani waxay sababtay in dalalku helaan qayb weyn oo ka mid ah koboca dhaqaalahooda.
Tartanka 2026 ee lagu qaban doono Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan Canada, Mexico iyo Mareykanka, qaar ka mid ah dalalka ayaa jebiyay taariikh dheer oo ay uga maqnaayeen tartanka, halka kuwo kalena ay u dabaaldegayaan ka qeybgalka ugu horreeya ee ay sameeyaan.
Tani waxay muujinaysaa in Koobka Adduunku aanu ahayn oo keliya ciyaar, balse uu yahay fursad weyn oo beddesha taariikhda dal marka laga eego dhinaca dhaqanka, dhaqaalaha iyo sumcadda caalamiga ah.
Dalal ay ka mid yihiin Panama, Costa Rica, Morocco, Senegal, Japan iyo Koonfurta Kuuriya ayaa ka mid ahaa waddamada sida weyn uga faa'iidaystay ka qeybgalka tartanka.
Dalalkan oo kale, ka qeybgalka Koobka Adduunka wuxuu kor u qaadaa nidaamka guud ee kubadda cagta.
Lacagaha iyo taageerada ay bixiso FIFA iyo kafaala-qaadayaasha ayaa ka caawiya inay dhistaan garoomo, xarumo tababar iyo inay soo saaraan ciyaartoy cusub.
Intaa waxaa dheer, ciyaartoydoodu waxay helaan fursado ay ugu gudbaan kooxaha waaweyn ee Yurub, taasoo kordhisa dakhliga iyo sumcadda dalka.











