Dalal carbeed iyo kuwo islaam ah oo cambaareeyey safaaradda ay Somaliland ka furanayso Quddus

.

Xigashada Sawirka, Wikipedia

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ilaa iyo 16 dal oo carbeed ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay cambaareynayaan safaaradda ay Somaliland sheegtay inay ka furanayso magaalada Quddus.

Bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas oo ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar ayaa lagu sheegay in talaabadaas ay noqonayso mid ka hor imaanaysa shuruucda caalamka iyo meeqaamka "Quddusta la haysto".

"Tani waxay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyey sharciga caalamiga ah iyo go'aamada la xiriira ee caalamiga ah, waxayna ka dhigan tahay xadgudub toos ah oo lagu sameeyay sharciga iyo heerka taariikheed ee Quddusta la haysto" ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas ay dib u xaqiijinayaan diidmada qayaxan ee tallaabo kasta oo hal dhinac ah "oo looga dan leeyahay in lagu saleeyo xaqiiqada sharci darrada ah ee Quddusta la haysto ama in sharci loo siiyo hay'ado kasta ama qorshe kasta oo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada la xiriira ee Qaramada Midoobay.

Waxay kaloo sheegeen inay ku celinayaan in Bariga Quddus laga soo bilaabo 1967-dii laga qabsaday dhulka Falastiin, iyo in tallaabo kasta oo la doonayo in lagu beddelo sharcigeeda iyo meeqaamkeeda taariikheed ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin oo aan saamayn sharci ah lahayn.

Sida bayaanka lagu xusay, wasiirradu waxay kaloo ku nuuxnuuxsadeen inay si buuxda u taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay si cad u diiddan yihiin tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada geyiga Soomaaliyeed ama ku xadgudbida qaranimadeeda.

Dalalka lagu sheegay bayaanka waxaa ka mid ah Qadar, Masar, Sacuudiga, Urdun, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Mauritania, Algeria, Yemen iyo Lubnaan .

Inkastoo doodda arrintan aan isku meel laga taagnayn, haddana dadka aaminsan gooni isu taagga Somaliland waxay qabaan in ay soo bilaabatay markii uu Netanyahu telefoonka kula soo hadlay madaxweynaha Somaliland xilligii ay Israa'iil ku dhawaaqday aqoonsiga sida uu BBC u sheegay Axmed-Saki Faarax Iidle oo falanqeeya arrimaha islaamka iyo bariga dhexe.

.

Xigashada Sawirka, MofaQatar_En

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu aqoonsiga siinayey Israa'iil ayaa fiidiyow uu kula soo hadlay madaxweynaha Somaliland wuxuu u ballan qaaday inuu ku soo dhaweyn doono Quddus, taasina macnaheedu inta aqoonta leh way fahamsanayd in heshiisku u dhacayey in la aqoonsado Somaliland, safaaradoodana ay ka furtaan Quddus, taa beddelkeedana ay Israa''iil uga dhex ololeyso qaddiyadda Somaliland dalalka reer galbeedka".

Mar uu ka hadlayey sababta loogu malayn karo in Somaliland aysan xal kale oo ka duwan Quddus u raadin ayuu Axmed Zaki yiri "Khilaafka Israa'iil iyo Falastiin maaha mid cusub, dunida Islaamka oo idil way la socotaa, Qaramada Midoobay dhowr jeer bay qaraarro ka soo saartay, ha yeeshee khilaafkaas maaha mid ay xallin karto Somaliland, markaa markii ay qiimaysay arrimaha Falastiin, waxay go'aansadeen inay ka hormariyaan dantooda" ayuu yiri Axmed Zaki.

Bariga Quddus oo uu ku yaallo Masjidul Aqsa oo ka mid ah goobaha barakaysan ee Islaamka ayaa waxaa tan iyo dalaakii 1948 maamulkiisa lagu wareejiyey Urdun, hase yeeshee wixii ka dambeeyey 1980 waxaa dhulkeeda ku darsatay Israa'iil, taasoo muran weyn ka dhex dhalisay ayaga iyo dalalka muslinka ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu danjiraha Somaliland u qaabilsan Israa'iil Maxamed Xaaji ku yiri "Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in safaarada jamhuuriyada Somaliland ay oolli doonto Quddus – safaarada dhawaan ayaa la furi doonaa, halka Israa'iil ay sidoo kale ka samaysan doonto Hargeysa safaaradeeda, taas oo ka turjumaysa saaxiibtinimada, ixtiraamka iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labadayada shacab".

Magaalada Quddus waxaa wakhtigan ku yaalla toddoba safaaradood, kuwaasoo kala ah safaaradaha Maraykanka, Fiji, Guatemala, Honduras, Papua New Guinea, Paraguay iyo jamhuuriyadda jiritaankeeda lagu muransan yahay ee Kosovo.