Gantaal cabsi badan abuurey oo Ruushku u isticmaalay Ukraine sadex mar kaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters Ruushka ayaa Axaddii si xooggan ugu duqeeyay magaalada Kyiv iyo deegaannada ku hareeraysan boqolaal diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo, taasoo noqotay mid ka mid ah duqeymihii ugu cuslaa ee lagu qaado magaalada tan iyo markii uu billowday dagaalka afarta sano socday. Waxa kale oo uu Ruushku u adeegsaday gantaalka xawaare sare ku socda ee Oreshnik meel u dhow caasimadda.
Duqeyntii habeenkii oo socotay saacado badan ayaa dishay laba qof oo ku sugnaa Kyiv iyo laba kale oo ku noolaa hareeraha magaalada, halka ku dhowaad 100 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in dhismayaal badan oo deegaan ah iyo dhowr dugsi ay waxyeello soo gaadhay, kuwaas oo badankoodu ku yaallay bartamaha Kyiv.
"Muhimaddu waxay tahay in tani aysan cawaaqib la'aan uga tagin Ruushka," ayuu Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ku yiri barnaamijka Telegram, isagoo ku boorriyay xulafada Ukraine inay tallaabo qaadaan. "Go'aanno ayaa loo baahan yahay laga bilaabo Maraykanka, Yurub iyo kuwa kale."
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in weerarro laga geystay qaybo kale oo Ukraine ah iyo in laba qof ay ku dhinteen gobolka koonfureed ee Kherson.
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa cambaareeyay weerarka Kyiv, iyadoo Britain iyo Jarmalku ku tilmaameen adeegsiga gantaalka Oreshnik oo ah gantaal masaafadiisu dhexdhexaad tahay isla markaana qaadi kara madaxyada nukliyeerka inuu yahay "kicin colaadeed."
Kaja Kallas, oo ah diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub, ayaa ku eedeysay Moscow inay adeegsanayso "cabsi gelin siyaasadeed iyo khatar nukliyeer oo masuuliyad darro ah."
Weerarka ayaa sababay burbur yar oo gaaray dhismaha golaha wasiirrada Ukraine leeyahiin iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Matxafka Qaranka Farshaxanka ee Kyiv iyo hoolka muusigga ee philharmonic-ka, oo labaduba ku yaalla bartamaha magaalada, ayaa si weyn u burburay, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, iyadoo dhismayaal badan oo taariikhi ah oo ku yaalla bartamaha magaalada ay sidoo kale waxyeello soo gaadhay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Tani waa dagaal ka dhan ah dhaqankeena, xusuusteena iyo aqoonsigeena," ayuu yidhi Kyrylo Budanov, oo ah kaaliyaha sare ee Zelenskiy. "Qarniyo badan ayay Moscow isku dayaysay inay baabi'iso wax kasta oo naga dhigaya Ukrayniyaan."
Mid ka mid ah weerarrada ayaa burburiyay matxaf dhawaan la furay oo lagu xusayay musiibadii nukliyeerka Chornobyl ee 1986, taasoo dhalisay caro uu muujiyay Zelenskiy markii uu booqday goobta.
Makhaayad ku taalla bartamaha magaalada oo Sabtidii loo dabaaldegay furitaankeeda, shaqaaluhu waxay Axaddii nadiifinayeen muraayado jajaban iyo burbur.
Inkastoo waxyeelladu jirto, haddana waxay sii wadeen adeegga macaamiisha, iyadoo qaar ka mid ah dadka yimid ay sheegeen inay u yimaadeen inay taageero muujiyaan.
"Marka dareenka yara dego, markaas ayaan ka fikiri doonaa inaan wax walba dib u dhisno… ama xitaa inaan shaqeyno," ayuu yidhi Yevhenii Prusak, oo ah milkiilaha makhaayadda.
Tani waxay ahayd markii saddexaad oo keliya oo Ruushku adeegsado gantaalka Oreshnik tan iyo markii uu dagaalku billowday duullaankii ballaadhnaa ee uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022. Gantaalkan Oreshnik wuxuu gaari karaa kumannaan kiiloomitir.
Labadii weerar ee hore waxay ku dhaceen magaalooyin waaweyn, balse Zelenskiy wuxuu sheegay in weerarkan uu ku dhacay Bila Tserkva, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 200,000 qof kuna taalla qiyaastii 64 kiiloomitir bannaanka Kyiv.
Madaxa gantaalka Oreshnik ayaa u muuqday inuu u kala jabay 36 qaybood oo yaryar, sida lagu ogaaday muuqaal ay Reuters dib u eegtay oo uu falanqeeyay Rollo Collins oo ka tirsan xarunta Centre for Information Resilience.
Guud ahaan, ciidamada cirka ee Ukraine waxay sheegeen in Ruushku riday 90 gantaal iyo 600 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Zelenskiy wuxuu sheegay in Ruushku sidoo kale bartilmaameedsaday xarumaha biyaha, isagoo sheegay in Moscow ay doonaysay inay dhaawacdo ka hor inta aan xagaagu kordhin baahida biyaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Moscow waxay sheegtay inay adeegsadeen gantaallada Oreshnik, Iskander, Kinzhal iyo Zircon si ay uga aar-gutaan weerarrada Kyiv ay ku qaaday bartilmaameedyada rayidka ee Ruushka. Ukraine waxay sheegtay inaysan beegsan rayidka.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in weerarradu lagu bartilmaameedsaday xarumaha taliska militariga Ukraine, oo ay ku jiraan goobaha ay adeegsadaan ciidamada dhulka, sirdoonka militariga, saldhigyada cirka iyo xarumaha warshadaha militariga.
Moscow sidoo kale way diidday inay bartilmaameedsato rayidka, inkastoo kumannaan qof ay ku dhinteen duqeymaha ay ku hayso magaalooyinka Ukraine intii uu socday dagaalku.
Weerarku wuxuu si weyn u burburiyay degmada Lukyanivka oo waqooyi kaga beegan bartamaha Kyiv, halkaas oo ay ku taallo warshad gantaallo sameysa.
Dhismayaal badan oo degaan iyo ganacsi ah oo ku dhow halkaas ayaa marar badan waxyeello kasoo gaadhay weerarrada Ruushka intii uu dagaalku socday.
Suuq ganacsi iyo suuq kale oo u dhow ayaa dab qabsaday oo si weyn u gubtay.
Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay caasimadda halka 81 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay duqa magaalada Vitali Klitschko. Qiyaastii 30 dhisme oo magaalada ku yaalla ayaa burburay ama waxyeello soo gaartay, sida uu sheegay Zelenskiy.
Dad badan oo magaalada deggen ayaa habeenkii magangelyo ka raadsaday saldhigyada tareennada dhulka hoostiisa mara. Nataliia Zvarych, oo 62 jir ah, ayaa sheegtay inay u carartay saldhigga u dhow gurigeeda markii qaraxyadu bilaabeen inay magaalada gilgishaan.
"Waxay ahayd arrin argagax leh oo cabsi badan," ayay tidhi.













