"Kooxdu waxay doonayaan inay goolal dhaliyaan ee adiga maaha" Ronaldo oo weli u halgamaya inuu muuqdo iyo laacibiin ka haboon

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Saddex ka mid ah xiddigaha kubbadda cagta adduunka ayaa wacdaro ka dhigay Koobka Adduunka 2026, ciyaarihii Talaadadii.

Waxa ugu horeeyay xiddiga reer Faransa ee Kylian Mbappe kaas oo laba gool ka dhaliyay Senegal isaga oo noqday xiddigii abid ugu goolasha badnaa xulka qaranka Faransiiska ee koobka adduunka.

Midka labaad waxa uu ahaa Erling Haaland oo reer Norway ah, kaasoo isna laba gool ka dhaliyay ciyaartiisii ugu horreysay ee Koobka Adduunka, isaga oo xulkiisa ku hoggaamiyey guushii ay ka gaareen Ciraaq.

Lionel Messi ayaa intaa kasii dheereeyay, isagoo dhaliyay seddexleydii Argentina kulankii ay la yeesheen Algeria, isagoo barbareeyay laacibkii Jarmalka Miroslav Klose waxaana labadooda oo wadajira ay iminka noqdeen gooldhaliyayaasha ugu sareeya finalka Koobka Adduunka, maadaama uu Messi dhaliyay 16 gool.

Arbacadii ayaa la filayay in uu xiddiga Portugal ee Cristiano Ronaldo ku soo biiri doono isla markaana uu saamayn ku yeelan doono kulanka ay kooxdiisu la cayaartay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, laakiin kabtanka Portugal ayaa awoodi waayay in uu sidaas sameeyo.

Xulka Portugal ayaa barbaro 1-1 ah la dhaafi waayay xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ronaldo ayaa ku guuldareystay inuu gool dhaliyo, waxaana uu lumiyay fursadii ugu horreysay ee uu taariikhda ku sameeyo, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee lix koob oo kala duwan goolal ka dhaliya Koobka Adduunka.

Intii ay ciyaartu socotay Ronaldo waxa uu go'aansaday in uu gool dhaliyo isla markaana uu soo afjaro sagaal kulan oo tartamada waaweyn ah isaga oo aan wax gool ah dhalin, laakiin waxa uu ka khasaariyay fursadii ugu fiicnayd ee ay kooxdiisu ku guulaysan kartay kadib markii uu dhexda u galay kubad u socotay saaxiibkiis Bruno Fernandes, kaas oo meel fiican joogay, gaar ahaan meell aan ka fogeyn barta rigooraha, isla markaana uu si fudud ku dhalin karay.

Weeraryahankii hore ee France Thierry Henry ayaa ka hadlay falkii Ronaldo mar uu wareysi siinayay Fox Sports, wuxuuna sheegay in Ronaldo uu danayste ahaa oo uu kubadda ka hor istaagay inay gaarto Fernandez.

Henry oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri" Hadii (Ronaldo) uu soo gali lahaa diilinta 6da mitir, difaacu waxa uu ku qasban lahaa in uu isaga ceyrsado, sidaa darteed si fudud ayay kubbadu ku gaari lahayd Fernandez oo uu gool ku dhalin karay".

Wuxuu intaa ku daray: "Sababtu waxay tahay wuxuu rabaa inuu gool dhaliyo, wuxuu xannibayaa baaska, waxaan ula jeedaa: kooxdu waxay u baahan tahay inay goolal dhaliso ee ma aha adiga".

Bilawga ciyaarta, Ronaldo waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da'da weynaa (marka laga reebo goolhayayaasha) ee bilaaba ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka, isagoo jira 41 sano iyo 132 maalmood.

Taasi waa sababta ay layaabka u lahayd in uu ruug-cadaaga uu garoonka ku jiray ciyaarta oo dhan, inkasta oo uu xulkiisa u saftay 229 kulan oo uu u dhaliyey 143 gool.

Weeraryahankii hore ee England Chris Sutton, oo ka faalooda BBC Radio 5 Live, ayaa dhaleeceeyay go'aankii tababaraha Portugal Roberto Martinez uu Ronaldo garoonka ugu sii hayo dhammaan ciyaartii ka dhacday garoonka Houston.

Markii uu weeraryahanka Gonzalo Ramos u soo galay oo uu beddelay xiddiga khadka dhexe ee Vitinha daqiiqadii 83-aad Sutton ayaa yiri: "Tani waxay ceeb ku tahay Martinez, waa laga yaabaa inay shaqeyso, laakiin dhamaanteen miyaynu daawanaynaa kulan ka duwan?"

Waxa uu intaa ku daray inuu ka baqayo inuu bedelo (Ronaldo), isagu maaha tababaraha, Ronaldo waxa laga yaabaa inuu dhaliyo goolkii guusha, laakiin ciyaarta ayaa maanta ka gudubtay isaga.

Kabtankii hore ee England Wayne Rooney ayaa sidoo kale ka hadlay Ronaldo, saaxiibkiisii hore ee Manchester United, isagoo si kaftan ah u sheegay ciyaarta ka hor in Ronaldo uu "ka xanaaqi doono, laakiin si wanaagsan" uu ku bilowday bilawga adag ee ay sameeyeen xiddigaha kale ee tartanka Talaadadii.

Rooney ayaa u sheegay BBC One: "Sidaas ayuu naftiisa u dhiirigeliyaa, maskaxdiisuna waa in wax walba ay caqabad ku yihiin isaga."

Rooney ayaa sharaxay in Ronaldo iyo Messi "ay u tartamayeen sanado badan si ay u gaaraan heerarkan."

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Waxa uu doonayaa in uu noqdo kan ugu fiican, mana aha cillad, waxa uu doonayaa in uu dhaliyo laba ama saddex gool caawa si uu u caddeeyo inuu weli heerkaas joogo".

Laakiin kulankii furitaanka ee heerka Group-yada Portugal ayaan u dhicin sidii ay rabeen Ronaldo iyo saaxiibadii inkasta oo ay hogaanka ciyaarta qabteen daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta kadib markii uu xidigga Paris Saint-Germain ee Joao Neves uu madax ku dhaliyay kubbad uu garabka bidix ka soo karoosay Pedro Neto.

Hogaankooda ma sii waarin, iyadoo weeraryahanka Newcastle Yoane Wissa uu dhaliyay goolkii barbaraha ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ka hor dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta.

Inkasta oo Portugal ay maamulayeen boqolkiiba 75 kubbada, haddana waxa ay haysteen toddobo darbo oo goolka ah, mid ka mid ah oo kaliya ayaana goolka la beegsaday, waana goolka Neves.

Weeraryahanka u cayaara kooxda Sacuudiga ee Al-Nassr, Ronaldo oo ku sigtay inuu kun gool dhaliyo xirfaddiisa kooxaha iyo xulka qaranka, ayaa laba fursadood oo xiriir ah helay bartamihii qeybtii labaad ee ciyaarta.

Francisco Conceição oo beddel ku soo galay ayaa laba jeer kubad u dhiibay garabka midig. Baaskii hore ayaa xoogaa ka daba dhacay Ronaldo, balse darbadiisa daciifka ah ayaa birta u dhow ka martay. Baaskii labaad ayaa ku yimid meel ka fiican, laakiin Ronaldo oo cadaadis kala kulmayay difaaca DR Congo ayaa kubad meel sare ah ka toogtay goolka.

Ronaldo ayaa haatan 10 kulan oo xiriir ah tartamada waaweyn wax gool ah dhalin, tan iyo rigoore uu ka dhaliyay Ghana koobka adduunka 2022.

Ronaldo ayaa kubbada taabtay kaliya 25 jeer, waana taabashadii ugu yarayd ee ciyaartoyda Portugal ee ciyaar buuxda.

Rooney ayaa yiri ka dib seerigii ugu dambeeyay: "Tirakoobkiisu waligiis ma noqon doono kan ugu fiican, waxa uu u baahan yahay waa fursado. Haddii uu helo fursado fiican, wuxuu dhalin doonaa goolal".

Rooney iyo falanqeeyayaasha kale ee BBC, Gael Clichy iyo Olivier Giroud, ayaa aaminsan in Conceicao uu kaga haboonaa dhalinta halkii uu isku dayi lahaa inuu fursadii ugu horeysay ee Ronaldo sameeyo.

Clichy, oo hore u ahaan jiray daaficii bidix ee xulka qaranka Faransiiska, ayaa sidoo kale aaminsanaa in maqaamka Ronaldo ee xiddig caalami ah uu "si miyir la'aan ah u saameyn karo qaab ciyaareedka qaar ka mid ah asxaabtiisa.

Waxa uu BBC One u sheegay: "Waxaanu niri bilawgii ciyaarta in Ronaldo uu caawin doono ciyaartoyda da'da yar isaga oo uga mahad celinaya shakhsiyadiisa iyo khibradiisa, laakiin mararka qaarkood ciyaartoydan (xiddigaha Ronaldo oo kale) waxay si miyir la'aan ah u rabi karaan in ayaga la arko".

Waxa uu intaa ku daray: "Fursadda ugu horreysa, haddii aanu Ronaldo joogin, Conceicao waxa laga yaabaa inuu ku rido goolka…. Tani waxaan kala kulmay qaar ka mid ah ciyaartoyda Arsenal iyo Manchester City, halkaas oo aad dareemayso in ciyaartoygu aad muhiim ugu yahay, si miyir la'aan ah, uu wax walba ugala wareego dhammaan ciyaartoyda kale".

Clichy ayaa intaa ku daray: "Ma dhahayo tani waa sax ama qalad, laakiin marka aad dibadda u soo saarto, waxaad arki kartaa ciyaartoyda intooda kale oo kor u kacaya."

Clichy ayaa sharaxay in xaaladan aysan ahayn qalad uu leeyahay Ronaldo, wuxuuna intaa ku daray: "Tani waa iska caadi, waana halka ay muhiimka u tahay doorashada tababaraha, sababtoo ah waxaan is weydiinaynay sagaashankii daqiiqo oo dhan: Miyuu garoonka ka saarayaa sababtoo ah waxaan ognahay inuu awoodo inuu gool dhaliyo?

Wuxuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa: "Laakin isla markaas, waxaan ognahay in habka ciyaarta laga yaabo in mararka qaar aysan caadi aheyn sababtoo ah joogitaankiisa garoonka".