You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa imisa qiimaha tigidhada Koobka Adduunka ee sanadkan iyo lacagta FIFA ay ka sameyso?
Koobka Adduunka, ciyaaryahanka dhaliya goolasha ugu badan waxaa la siiyaa abaalmarinta Kabaha Dahabka ah, halka goolhayaha ugu wanaagsan la guddoonsiiyo Gacmo-gashiga Dahabka ah.
Tartanka sannadkan ayaa sidoo kale siinaya ururka FIFA fursad dahabi ah oo uu ku kasban karo balaayiin doollar oo dakhli dheeraad ah iyada oo loo marayo iibinta tigidhada.
Qiimaha tigidhadu aad buu u sarreeyaa, ilaa heer xitaa Madaxweynaha Donald Trump, oo ah bilyaneer isla markaana saaxiib la ah Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu sheegay inuusan iibsan doonin wax tigidh ah.
Waxaa jira walaac ah in FIFA ay sidaas ku reebi doonto taageerayaal badan oo aad ugu heellan ciyaartan.
Intii lagu jiray 2022 FIFA World Cup ee ka dhacay Qatar sannadkii 2022, tigidhada Qaybta 1-aad, oo ah kuraasta ugu wanaagsan ee wareegga group-yada, waxay ku kacayeen qiyaastii 220 doollar oo Maraykan ah. Halka dadka deggan Qatar ay mararka qaarkood ku iibsan kareen tigidhada qaar qiimo dhan 11 doollar oo keliya kulamada group-yada.
Dhanka kale, tigidhada Qaybta 1-aad ee ciyaarta kama dambaysta ah waxay ku kacayeen qiyaastii 1,600 doollar oo Maraykan ah.
Laga bilaabo sannadka 2026, waxaa markii ugu horreysay la adeegsan doonaa nidaamka qiimeynta isbeddelaysa, kaas oo si ula kac ah uga dhigaya qiimaha tigidhada mid aan si cad loo saadaalin karin isla markaana ku xiran isbeddellada waqtiga-dhabta ah. Taas macnaheedu waa in qiimaha tigidhadu si weyn ugu kala duwanaan karo ciyaar ilaa ciyaar kale, ama xitaa isla ciyaarta gudaheeda waqtiyo kala duwan.
Qiimaha bilowga ah ee tigidhada Qaybta 1-aad ee 2026 Koobka adduunka ee FIFA wuxuu ahaa qiyaastii 600 oo doollar oo Maraykan ah markii la bilaabay iibintooda dayrtii 2025. Hase yeeshee, hadda guud ahaan waxaa lagu iibinayaa in ka badan 1,000 doollar, mararka qaarkoodna qiimuhu aad ayuu uga sarreeyaa intaas.
Tigidhada Qaybta 1-aad ee ciyaarta furitaanka ee ka dhacday Mexico City ayaa qiimahoodu ka badan yahay 2,500 oo doollar. Xitaa tigidhada Qaybta 3-aad, oo ah heerka ugu hooseeya ee la heli karo, waxay ka badan yihiin 1,000 doollar.
Ciyaarta kama dambaysta ah , tigidhada Qaybta 1-aad ayaa markii hore lagu iibinayay in ka badan 6,000 oo doollar oo Maraykan ah. Hase yeeshee, horraantii bishii May, qiimahoodu wuxuu kor u dhaafay 32,000 oo doollar.
Anigoo ah borofisar maaliyadeed oo hawlgab ah isla markaana ah qoraaga buugga Keeping Score: The Economics of Big Time Sports, waxaan sameeyay xisaabaad, waxaana saadaalinayaa in kororka dakhliga ka soo gala iibinta tigidhadu uu ka caawin doono FIFA inay dhaafto 15 bilyan oo doollar oo dakhli ah inta lagu guda jiro Koobka aduunka ee 2026.
Haddii taasi dhacdo, waxay noqon doontaa rikoor cusub oo u yaalla hay'adda maamusha kubbadda cagta adduunka, isla markaana si weyn uga sarreyn doonta yoolkii ay FIFA hore u shaacisay oo ahaa 11 bilyan oo doollar.
Istaraatiijiyadda FIFA ee qiimeynta tigidhada ayaa laga yaabaa inay tahay hab macquul ah oo ay dib ugu soo ceshato qayb ka mid ah dakhliga inta badan ay helaan dadka dib u iibiya tigidhada, balse uma muuqato mid si wanaagsan ay u soo dhoweyn doonaan dadka doonaya inay tigidhada iibsadaan.
Sidoo kale, wali si cad looma oga sida FIFA u qorshaynayso inay u maalgeliso balaayiintan doollar ee dakhliga dheeraadka ah, maadaama hadafkeeda ay ku sheegto horumarinta isbeddel bulsho oo wanaagsan uu mararka qaar ka hor imanayo taariikh hore oo lagu xasuusto musuqmaasuq iyo hufnaan la'aan.
Lacagtu xagee ku baxdaa?
Taageerayaasha kubbadda cagta, ha noqdaan kuwo tigidhada iibsada ama kuwa warbaahinta ka daawada ciyaaraha, ayaa ah kuwa soo saara dakhliga FIFA.
Dhankeeda, FIFA waxay sheegaysaa inay dhaqaalahan u isticmaasho abaabulka Koob Adduun oo baaxad weyn, iyo sidoo kale horumarinta kubbadda cagta si ay uga dhigto mid ay dad badan heli karaan.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo dakhliga FIFA uu sii kordhayo, waxaa si macquul ah la isu weydiin karaa sababta ay hay'addu ugu baahan tahay kayd dhaqaale oo ka badan 4 bilyan oo doollar, taas oo ka badan kala bar dhammaan kharashaadkeedii wareeggii 2019–2022.
Runtii, tirooyinka la heli karo waxay muujinayaan in ururku uu si weyn hoos ugu dhigay, marka loo eego saamiga guud, qaar ka mid ah mudnaantiisii ugu muhiimsanaa ee maalgelinta.
Wareeggii 2023–2026, miisaaniyadda loo qoondeeyay tartamada ayaa ka korortay 2.45 bilyan oo doollar ilaa 5.62 bilyan oo doollar, taas oo ah koror ku dhow 130%. Dhanka kale, miisaaniyadda horumarinta ayaa korortay oo keliya 44%, halka saamigeeda dakhliga miisaaniyadda ku jira uu hoos uga dhacay 44% ilaa 36%.
FIFA waxay ku doodi kartaa in dakhliga ugu badan loo baahan yahay si loo daboolo kharashaadka tartamada soo socda loona maalgeliyo horumarinta kubbadda cagta. Hase yeeshee, taasi ma aha arrinta keliya ee ay muujinayso miisaaniyadda FIFA ee muddada 2027–2030.
Miisaaniyaddan ayaa sidoo kale dhalinaysa su'aalo ku saabsan sida ururku u kala hormarinayo kharashaadkiisa, heerka hufnaanta maaliyadeed, iyo in kororka dakhliga si dhab ah loogu adeegsan doono horumarinta ciyaarta iyo taageeridda xiriirrada kubbadda cagta ee dunida oo dhan.