Maxaan ka ognahay weerarrada cusub ee ay isku qaadeen Mareykanka iyo Iiraan?

    • Author, Jaroslav Lukiv
    • Author, Toby Mann
    • Role, BBC News
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeen duqeymo ay ku tilmaameen "is-difaacid" oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana ay soo rideen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu weeraray maraakiib iyo dalalka Khaliijka.

Duqeymaha lagu qaaday Jasiiradda Qeshm, oo ku taalla Marinka Hormuz, ayaa la sheegay inay ahaayeen "jawaab ku aaddan weerarro ay Iiraan isku dayday inay ka fuliso guud ahaan Bariga Dhexe," sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay saldhigyo iyo diyaarado qumaatiga u kaca oo Mareykanku leeyahay kuna yaalla "dal ka tirsan gobolka," taasoo ay ku tilmaantay aargoosi. CENTCOM ayaa sheegtay in Tehran ay labo gantaal ku ridday Kuwait iyo saddex kale oo ku wajahan Baxrayn, kuwaas oo dhammaantood hawada ku kala jabay ama la qabtay ka hor intaysan gaarin bartilmaameedkooda.

Weerarradan ugu dambeeyay ayaa imaanaya xilli ay hakad ku jiraan wada-hadalladii xabbad-joojinta, kadib markii wadahadalladii heshiis lagu soo afjari lahaa dagaalka socday muddo bilooyin ah aysan wax horumar ah samayn dhammaadkii usbuuca.

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntii lagu qaaday Jasiiradda Qeshm ay beegsatay xarun dhulka ku taalla oo ay ciidamada Iiraan u adeegsadaan hagidda iyo maamulidda hawlgallada milatari. Waxaa kale oo ay sheegeen in ciidamada Mareykanku soo rideen saddex diyaaradood oo weerar ah oo Iiraan u dirtay dhinaca maraakiib rayid ah oo si sharci ah uga gudbayay biyaha gobolka.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in "qalqal gelinta amniga Marinka Hormuz ay ku kacayso qiimo culus oo ay bixin doonaan ciidamada gardarrada ah ee Mareykanka."

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan ay ridday "dhowr" gantaal oo ballistic ah oo ku wajahnaa dalal ku yaalla gobolka. "Labo gantaal oo Iiraan ka soo ridday kuna wajahnaa Kuwait ayaa gaari waayay bartilmaameedkoodii ama hawada ku kala jabay intii ay socdeen, halka saddex gantaal oo loo diray Baxrayn ay si degdeg ah u qabteen ciidamada difaaca cirka ee Mareykanka iyo Baxrayn."

Iiraan ayaa marar badan weerarro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Baxrayn iyo Kuwait, halkaas oo ay ku yaallaan saldhigyo ciidan oo Mareykanku leeyahay.

Horaantii, CENTCOM ayaa sheegtay inay weerartay oo hawl-gab ka dhigtay markab shidaal sida oo aan wax xamuul ah sidin, kaas oo ku sii jeeday Iiraan. Tani waxay qayb ka ahayd go'doominta badda ee Washington ka waddo Marinka Hormuz, taas oo bilaabatay 13-kii Abriil.

Waxay sheegeen in diyaarad Mareykan ah ay gantaalka Hellfire ku dhufatay qolka matoorka ee markabka M/T oo wata calanka Botswana, kadib markii shaqaalihiisu "iska dhega tireen digniino isdaba joog ah."

CENTCOM ayaa sidoo kale baahisay muuqaal ay sheegtay inuu muujinayo xilligii markabka la beegsanayay maalintii Talaadada.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu toddobaadkan u sheegay dadka dhaliila inay "iska nastaan oo dejiyaan," isaga oo sheegay in Iiraan "si dhab ah u rabto heshiis, isla markaana uu noqon doono heshiis wanaagsan oo u faa'iideeya Mareykanka."

Warbaahinta Mareykanka ayaa hore u sheegtay in Trump uu codsaday wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobbada heshiis nabadeed oo suurtagal ah, kadib kulan uu la yeeshay la-taliyayaashiisa sare si ay uga wada hadlaan ballaarinta qaab-dhismeedka xabbad-joojinta.

Sida ay werisay CBS News, isbeddellada la soo jeediyay waxay khuseeyeen Marinka Hormuz, ka saarista uranium-ka aadka loo hodmiyay ee Iiraan, iyo sidoo kale dejinta hannaan dib loogu bilaabi karo wada-hadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Isniintii, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa beeniyay in arrimahaas ay miiska saarnaayeen, isagoo ku daray in Washington ay "si joogto ah u beddesho mowqifkeeda isla markaana mar walba soo bandhigto dalabyo cusub ama is-khilaafsan."

Bayaankeedii ugu dambeeyay, CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanku ay dhaqan-geliyeen tallaabooyinka go'doominta ka dhanka ah markabka shidaalka ee M/T Lexie, oo sita calanka Botswana, xilli uu marayay biyaha caalamiga ah kuna sii jeeday Jasiiradda Kharg.

Waxay sheegtay in shaqaalaha markabkaasi ay ku guuldarreysteen inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada Mareykanka marar badan muddo 24 saacadood ah.

Guud ahaan, CENTCOM ayaa sheegtay in lix markab oo ganacsi la hawl-gab ka dhigay tan iyo markii go'doomintu bilaabatay, halka 122 markab oo kale loo leexiyay jihooyin kale.

BBC-da ayaa sheegtay inay la xiriirtay dowladda Botswana si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan.

Isku dhaca ugu dambeeyay ayaa yimid xilli Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu markii ugu horreysay si rasmi ah uga hor muuqday Kongareeska tan iyo markii dagaalku billowday.

Diblomaasiga ugu sarreeya ee Mareykanka ayaa markhaati ka bixiyay in wada-hadallada Mareykanka aysan Iiraan u soo bandhigin in cunaqabateynta laga qaado si ay dib ugu furto Marinka Hormuz.

"Waqtigan xaadirka ah, wax kasta oo laga wada hadlay iyaga waxay ku saleysan yihiin in cunaqabateyn kasta oo laga qaadayo ay ku xirnaan doonto shuruudo gaar ah. Taas macnaheedu waa in tallaabo kasta oo noocaas ah lagu beddelayo wax ka qabashada sababtii markii hore cunaqabateynta loo saaray, taas oo ah barnaamijkooda nukliyeerka," ayuu yiri.

Wareysi kale oo kulul oo uu la yeeshay mid ka mid ah senatarrada, Rubio wuxuu sheegay: "Dagaalku wuu dhammaaday."

Xildhibaannada guddiga ayaa su'aalo adag ka keenay istaraatiijiyadda Mareykanka ee lagu soo afjarayo colaadda, iyagoo weydiinayay sida maamulka uu u qorsheynayo in la xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilloonida gobolka.