You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dab kakacay hoteel ay Soomaali degan tahay oo ku yaalla Hindiya oo dilay 21 ruux
- Author, Nikita Yadav
- Reporting from, Delhi
- Author, Dilnawaz Pasha
- Role, BBC Hindi
- Reporting from, Delhi
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu qabsaday dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla koonfurta Delhi, sida ay sheegeen booliska caasimadda Hindiya.
Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa ajaaniib - oo ay ku jiraan Soomaali - kuwaas oo u safray Hindiya si ay u helaan daaweyn ama ay u raacaan qaraabadooda oo xanuunsan.
Dadka ayaa ku dhaawacmay dhacadadaan iyaga oo isku dayay in ay ka baxsadaan markii uu dabku ka kacay.
"Gabar iyo wiilkeeda oo ka yimid Nairobi ayaa ku jiray", ayay BBC da u sheegtay Salmo Jamaal oo turjubaanka ka ah magaalada Delhi.
"Qaybta afaraad ayay ka soo boodeen. Wiilka xoogaa jug ah ayaa gaaray laakiin gabadhu waa ay jajabtay oo ilaa iyo dhabarka ayay ka jabtay. ICU ayay ku jirtaa hadda", ayay tiri Salmo.
Dhanka kale waxay sheegtay in ay jireen hooyo da'ah iyo wiil la socday oo ilaa iyo haatan la la' yahay raqr iyo ruux.
"Waxaa loo badinaa in loo qaaday isbitaalka dowladda, sababtoo ah dadka aad u liita isbitaalkaas ayaa loo aruurinaayay" ayay raacisay hadalkeeda.
Dhismahan oo ku yaal aagga Malviya Nagar ayaa la sheegay inuu u shaqaynayey sidii hoteel oo kale oo ay daganaayeen dadka bukaannada ah iyo qaraabada kuwaa oo lagu daweynayo isbitaal gaar loo leeyahay oo u dhow agga.
In ka badan 40 qof ayaa la soo badbaadiyay kuwaas oo loo qaaday isbitaal. Ma cadda tirada ku jirtay dhismaha markii uu dabku kacay. Sababteeda ilaa hadda lama oga.
Dabka ka kacay aagaan ayaa ah mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee sanadihii u dambeeyay ka dhaca caasimadda Hindiya.
"Dabka goor hore ayaa la xakameeyay - si degdeg ah ayaa loo xakameeyay. Hadda waannu nadiifinnay dhismaha oo aan u furnay booliiska," ayuu yiri sarkaalka dab-damiska ka tirsan.
Wasiirka Delhi Ashish Sood ayaa sheegay in mas'uuliyiintu ay baarayaan in dhismuhu uu haysto ogolaanshaha lagama maarmaanka ah si uu u noqdo goob hotel ah, isagoo intaa ku daray in kuwa lagu helo inay mas'uul ka yihiin xadgudub kasta ay wajihi doonaan tallaabo laga qaado.
Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa wuxuuna ku dhawaaqay magdhow gaaraya 200,000 rupees ($2,088; £1,552) qoysaska kasta oo ka mid ah dadkii ku dhintay iyo 50,000 rupees oo ah kuwa dhaawacmay.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac ka kacaya dhismaha iyadoo dadku ay isugu soo baxeen meel u dhow goobta. Muuqaalo ay baahiyeen kanaalada wararka Hindiya ayaa muujinayay goobta bannaankeeda oo si xun u gubtay iyadoo shaqaalaha gurmadka ay baarayaan goobta.
Goob joogayaal iyo dad deegaanka ah oo ku sugnaa goobta uu dabku ka kacay ayaa BBC Hindi u sheegay in markii ay gudaha u galeen dhismaha ay arkeen dad badan oo miyir daboolan -qaar ayaa jiifay sariiraha hoostooda ee qolalka hoteelka.
Goob-jooge kale ayaa sheegay inay CPR ku sameeyeen dhowr dhibane oo miyir beelay ayna ku guuleysteen inay soo nooleeyaan qaarkood.
Dhowr qof ayaa ka booday dabaqyada sare qaarna waa badbaadeen, ayuu yiri.
Maamulka ayaan weli soo saarin liiska buuxa ee dadka dhintay ama si rasmi ah loo aqoonsaday inay dhinteen. Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa mas'uuliyiin iyo ilo kale ayaa lagu sheegay in dadka dhintay qaarkood ay ahaayeen dad ajaaniib ah.