The Telegraph: Guul darrada Trump ee dagaalka Bariga dhexe waa guusha Erdogan

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wargeyska Ingiriiska kasoo baxa ee The Telegraph oo si dhow ula socday dhacdooyinka ka socda Turkiga iyo sida madaxweynaha dalkaas, Recep Tayyip Erdoğan uu uga faa'iidaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan ayaa warbixin dheer ka qoray.

Warbixin uu cinwaan uga dhigay "Erdogan waa guuleystaha dhabta ah ee dagaalkan", wargeysku wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu cadaadis ku hayo mucaaradka gudaha dalka, iyadoo arrintaas aan si weyn looga warqabin dunida inteeda kale.

Sido kale, wargeysku waxa uu aad uga faallooday sida dad badan ay uga hadleen dhacdadii ay booliiska Turkigu ku weerareen xarunta xisbiga mucaaradka ugu weyn ee dalka Republican People's Party, iyagoo jebiyay albaabbada xafiisyada xisbiga isla markaana adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, hadana kama noqon mid shaac baxda.

Qoraaga warbixinta ayaa yiri: "Tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan, cidina si dhab ah ugama warqabto waxa ka socda Turkiga. Erdogan wuxuu ka faa'iidaysanayaa xaaladaha ka dhacaya dunida si uu danihiisa ugu hormariyo gudaha iyo dibaddaba."

Sagaal maalmood oo keliya ayey ahayd ayuu socday dagaalka Iiraan iyo Maraykanka markii uu Erdogan markale dib u furay dacwadda ka dhanka ah Ekrem İmamoğlu, duqa magaalada Istanbul, kaas oo loo aaminsan yahay mucaaradka ugu weyn ee Erdogan.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa wajahaya eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo hoggaaminta koox burcad ah, eedeymahaas oo uu si cad u beeniyay.

Majiro dal Yurub ama Galbeed ah oo cambaareeyey, kana hadlay arrintaa, xitaa xisbiyada ay xiriirka dhaw lahaayeen.

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa soo xigtay Gonul Tol, agaasimaha Machadka Bariga Dhexe ee Washington, iyadoo tiri: "Jawiga hadda jira waa mid aad u anfacaya Erdogan, wuxuuna ka faa'iidaysanayaa xaaladda taagan si uu u sameeyo waxa uu doonayo".

Dhanka kale, Turkiga ayaa ka faa'iidaystay iibinta hubka, iyadoo Ciraaq ay iibsatay 20 nidaam oo difaac cirka ah. Sidoo kale Indonesia ayaa Turkiga ka iibsatay in ka badan 20 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), halka Burtaqiiska la filayo inuu Turkiga ka helo laba markab oo dagaal.

Tan iyo sannadkii 2023, Turkiga wuxuu la daalaa dhacayay sicir-barar sare, waxaana hoos u dhacayay taageerada shacabka ee Recep Tayyip Erdogan, iyadoo doorashooyinka guud la filayo sannadka 2028, inkasta oo ay hogaamintiisa ay sii socotay, isaga oo taageero ka helayey waddamo kale.

Haddii yoolalka Trump ay hoos u dhacaan, wuu guuldarraynsan karaa

Wargeyska The Guardian ayaa maqaal uu qoray ku iftiimiyey heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iraan, wuxuuna xusay in mowqifka Donald Trump uu noqday mid ka jilicsan sidii hore.

Sida wargeysku sheegay, ad-adaygii hore ee Trump waxaa xaddiday xaqiiqooyinka ka jira xaaladda hadda taagan adduunka iyo bariga dhexe, kaas oo noqon waayey sidii uu filayey ka hor dagaalkii bilowday 28-kii Febraayo ee sanadkaan.

Ku adkaysiga Trump ee furitaanka marinka badda ee Hormuz ayaa muujinaya sida Iraan u kasbatay saameyn dheeraad ah iyo fursad ay kula gorgortanto Maraykanka iyada oo aan adeegsan hub.

Dad badna oo ka faallooda arrimahaan ayaa qaba in isbeddelka mowqifka Trump uu yahay calaamad muujinaysa guuldarro ka dhalatay dagaalka.

Xubno badan oo ka tirsan Republican Party ayaa ka walaacsan in Trump uu Iraan la gaari karo heshiis la mid ah kii uu hore ula galay Barack Obama, heshiiskaas oo Trump burburiyay intii lagu jiray muddadiisii ugu horreysay ee madaxweynenimo, dabacsanaantaas faraha badan ayey dadka qaar u arkaan in ay Erdogaan u tahay fursad weyn oo uu kusii wadi karo guulaha uu gaari karo