Dagaalamayaal loo maleynayo Al Shabaab oo weeraray deegaan katirsan Gaarisa

Warbaahinta maxaliga ee dalka Kenya ayaa kusoo warrantay in dagaalamayaal loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab ay weerareen deegaanka Kamuthe ee katirsan ismaamulka Gaarisa.

Wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi Bari uu u xaqiijiyay weerarka, wuxuuna intaa raaciyay in ujeedka uu ahaa in ay burburiyaan anteenada isgaarsiinta.

Tuuladan oo qiyaastii 40 kilomitir u jirta magaalada Gaarisa ayaa wararku waxay sheegayaan in kooxihii halkaas soo weeraray ay batilmaameedsadeen macallimiin wax ka dhigayay deegaankaas, saldhig boolis, anteenada isgaarsiinta iyo dhakhaatiir halkaas ku sugnaa.

Wargeyska waxaa kale oo uu sheegay in saddex macallin lagu dilay weerarka.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu dhacay xalay saqdii dhexe, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas. Wuxuu imanayaa maalmo un kadib markii deegaanka Dadaab lagu dilay arday wax ka dhiganayay halkaas.