Mareykanka ayaa ka digay in Itoobiya iyo Eritrea dagaallamaan

Xigashada Sawirka, US Africa Media Hub
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa kula taliyay hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea in ay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan tallaabooyinka sii kordhin kara dagaalka dhanka xadka ah, wuxuuna sheegay in taasi ay keeni karto dagaal.
Rubio wuxuu sheegay in uu si weyn uga walaacsan yahay wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militeri ee xadka labad adal. Wuxuu ka digay hadii ay sii socoto ciidamada la geynayo xadka in taasi ay sii kordhineyso khatarta dagaal halkaas ka qarxa.
Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigrayga ee dhacay 2020-kii, ciidamada Eritrea waxay taageereen ciidamada dowladda federaalka, waxayna ka qayb qaateen dagaalka ka dhanka ah Tigrayga.
Kaddib markii dagaalku ku dhammaaday heshiiskii Pretoria, waxaa soo ifbaxay khilaafaad u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.
Dhowr mas'uul oo sare oo Itoobiyaan ah, oo uu ku jiro Raysalwasaare Abiy Axmed, ayaa si cad uga hadlay baahida dalka uu u qabo in uu helo deked. Abiy ayaa ku adkaystay in Itoobiya, oo dadkeedu gaarayaan ilaa 130 milyan, dhaqaalaheeduna sii korayo, aysan sii ahaan karin dal aan si toos ah u helin badda.
Dhanka Itoobiya, waxaa Eritrea lagu eedeeyay in ay la kaashanayso xisbiga TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan oo dalka ku sugan, iyadoo ujeedadu tahay in Itoobiya la kala qaybiyo.
Rubio oo wariyayaasha la hadlayay ayaa sheegay, “ Waxaad arkaysaa ciidamo labada dhinacba ka imanaya oo u socda dhanka xuduudda. Xaalad sidan oo kale ah, marka aad aragto ciidamo labada dhinacba ka socda oo isugu ururaya xuduudda, waxaad ka walwalaysaa in xaaladdu ay isu beddeli karto iska horimaad ka sii weyn. Wuxuu intaas ku daray in dunida aysan dagaal kale u baahneyn.
Wararka kale ee dheeraadka















