Obama oo difaacay Ilhaan Cumar, kana digay in hay'adaha federaalka loo adeegsado cadaadis siyaasadeed

OBAMA IYO ILHAN
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa si cad u difaacay xildhibaan Ilhaan Cumar, kaddib markii hay'adaha federaalka ay baaritaan ka sameeyeen gurigeeda ku yaalla Washington, isaga oo ka digay in awoodda hay'adaha sharciga loo adeegsado beegsiga dadka siyaasad ahaan ka aragtida duwan ay abuuri karto dhaqan khatar ku ah dimuqraadiyadda dalkaas.

Ilhaan Cumar, oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Maraykanka kana soo jeedda gobolka Minnesota, ayaa si adag u beenisay wax kasta oo khalad ah oo lagu eedeeyay. Waxay baaritaanka ku tilmaantay mid siyaasadeysan oo loogu talagalay in lagu cabsi-geliyo dadka dhaliila maamulka.

Obama ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay tahay mabda' aasaasi u ah dimuqraadiyadda Maraykanka in dowladda aysan qof u beegsan karin aragtidiisa siyaasadeed ama hadalladiisa, haddii aysan ku jirin dhibaato iyo colaad hurin.

"Taasi waa dhab ahaan waxa maamulka Trump uu ku sameynayo xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota," ayuu yiri Obama.

Obama ayaa sidoo kale, qoraalkiisa ku sharraxay taariikhda Ilhaan Cumar, isaga oo sheegay in ay Maraykanka timid iyadoo 12 jir ah, ayna la socotay aabbaheed, kaas oo shan sano kaddib qaatay dhalashada Maraykanka. Wuxuu sheegay in Ilhaan ay iyaduna si toos ah ku heshay dhalashada dalkaas, maadaama ay markaas jirtay 17 sano.

Waxa uu intaas ku daray Ilhaan Cumar in markii dambe ay ka qalin-jabisay jaamacad, waxayna ka shaqeysay abaabulka bulshada, ka hor intii aysan noqon qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah ee loo doorto xil sharci dejin oo dadweyne gudaha Maraykanka ay doorteen. Waxay sidoo kale ku guuleysatay kursi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Obama ayaa sheegay in Ilhaan ay ka mid tahay dadka sida adag u dhaliila maamulka Trump, arrintaas oo uu sheegay inay sababtay in madaxweynaha Maraykanku marar badan si gaar ah u beegsado xildhibaannadda.

Wuxuu intaas ku daray in maamulka Trump uu hadda isku dayayo in dalka laga masaafuriyo Ilhaan Cumar, isaga oo sheegay in arrintaasi u muuqato mid ku saleysan tuhun aan la xaqiijin oo ku saabsan da'deeda xilligii aabbaheed qaatay dhalashada Maraykanka.

12-kii Bishaan Oktoober saraakiisha wakiillada federaalka ayaa baaritaan ku sameeyay guriga xildhibaanadda, waxayna la wareegeen dukumentiyo gaar ah iyo taleefankeeda, iyaga oo isku dayaya inay helaan caddeymo la xiriira dhacdo la sheegay inay dhacday 20 sano ka hor, in kasta oo aysan si cad uga hadlin arrinta dhacday waqtigaas iyo waxa ay ahayd.

Madaxweynihii hore ayaa tallaabooyinkaas ku tilmaamay kuwo walaac leh, isaga oo sheegay in awoodda dowladda federaalka oo dhan loo adeegsanayo xildhibaan dadweyne oo la doortay, sababta oo ah inay ku dhiiratay inay dhaliisho madaxweynaha.

Obama ayaa sidoo kale sheegay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee maamulka Trump uu tallaabooyin sharci ka qaado dadka uu u arko inay yihiin siyaasiyiin ka soo horjeeda. Wuxuu xusay in dacwado hore oo lala xiriiriyay dad uu madaxweynuhu u arkayay mucaaradkiisa ay hakad galeen ama la laalay sababo la xiriira sal sharci oo la'aan ah.

Falcelinta Ilhaan Cumar

ASKARI
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Trump ayaa dhowr jeer soo jeediyay in Ilhaan dalka laga masaafuriyo, isagoo ku boorriyay inay "ku laabato" Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Ohio todobaadkii hore, Trump wuxuu ka hadlay baaritaankii lagu sameeyay gurigeeda, wuxuuna yiri: "Ma garanayo waxa ay ka wadaan, laakiin waxaan idiin sheegi karaa tan: iyadu waa musiibo."

Trump ayaa sidoo kale si guud u dhaleeceeyay Soomaalida ku nool Mareykanka, taas oo dadkii goobta joogay ay kaga jawaabeen iyagoo ku dhawaaqaya erayo ku baaqaya in la masaafuriyo.

Ka dib markii gurigeeda la baaray, Ilhaan ayaa barta X (Twitter-kii hore) ku soo qortay: "Waan fiicanahay. Ha isku khaldina arrintan: waa isku day lagu beegsanayo cadowga siyaasadeed, iyadoo la adeegsanayo awoodda sharci fulinta ee federaalka".

"Muddo toban sano ah, Trump wuxuu ila beegsanayay been aan sal iyo raad lahayn iyo ololeyaal la igu sumcad dilayo," ayay sii raacisay. "La ima aamusin doono."

Trump ayaa sheegay in baaritaanka lagu hayo Ilhaan uusan "wax xiriir ah la lahayn isaga".

Waqtiga baaritaanka federaalka ayaa ka hor imaanaya tallaabada waaxda caddaaladda ee ah inaysan wax tallaabo ah ka qaadin mas'uuliyiinta u tartamaya xilka xilli doorasho soo dhowdahay.

Baaritaanka lagu galay gurigeeda ayaa dhacay iyadoo doorashadii dhexe ee Nofeembar ay ka harsan tahay toddobaadyo, taasoo cambaareyn kala kulantay qaar ka mid ah asxaabteeda Dimuqraadiga ee Ilhaan, kuwaas oo sheegay inay la kulantay "weeraro shaqsiyadeed oo fool xun iyo eedeymo aan sal lahayn".

Muux ka digayaa Obama?

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ka digay in baaritaannada noocan ahi ay saameyn weyn ku yeelan karaan nolosha dadka la beegsanayo, iyaga oo ku khasbaya inay waqti iyo dhaqaale ku bixiyaan difaacooda halkii ay ka gudan lahaayeen waajibaadkooda dadweyne.

Waxa uu sidoo kale, ka digay in haddii hab-dhaqankaasi caadi noqdo, aysan jirin wax dammaanad qaadaya in lagu ekaan doono Ilhaan Cumar, ama in madaxweynayaasha mustaqbalka, iyaga oo ka tirsan labada xisbi ee waaweyn ee Maraykanka, aysan isla habkaas u adeegsan doonin dadka ay siyaasadda isku hayaan.

Obama ayaa ugu dambeyn sheegay in isku day kasta oo lagu cabsi-gelinayo qof sababo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed ay tahay arrin ay tahay inay ka caraysiiso dhammaan dadka Maraykanka ah, iyada oo aan loo eegin sida ay uga aragti duwan yihiin siyaasadda Ilhaan Cumar.