khudbaddii jimcaha ee laga jeediyay magaalooyin kala duwan oo Iran ah oo digniino loo jeedinayay Mareykanka iyo Israel

Xigashada Sawirka, wikipedia
Khudbadihii salaadda Jimcaha ee maanta laga jeediyay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Iran ayaa imaamyadu uga digeen Mareykanka iyo Israel suurtagalnimada weerar kale.
Magaalada Tehran, MaxamedJavad xaj Cali Akbari, oo ah imaamka ku meel gaarka ah ee salaadda Jimcaha ee caasimadda, ayaa isagoo la hadlayay Maraykanka iyo Israa’iil yiri: “Haddii aad sameysaan wax nacasnimo ah, markan waxaad arki doontaan Iran ka duwan, waxaana tijaabin doonnaa gantaallo cusub oo aydnaan waligiin ka fikirin.”
Axmad Alam-ul-Huda, oo ah imaamka Mashhad, ayaa sidoo kale digniino u diray Maraykanka iyo Israa’iil, isagoo yiri: “Mid ka mid ah saameyntii dagaalkii dhowaa waxay ahayd in tiknoolajiyadda jaban ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran ay awoodday inay la tartanto tiknoolajiyadda qaaliga ah ee Maraykanka, hadda qof walba wuxuu noqday macaamiil u ah warshadaha difaaca Iran. Maanta Iran waxaa dunida loogu aqoonsaday quwadda afraad ee ugu weyn.”
Cabdul Hossein Ghobishawi, oo ah imaamka Misaajidka Abadan, oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan shidaalka Iran, ayaa ka digay: “Ciidamada qalabka sida ma ixtiraami doonaan wax khadad cas ah haddii dagaal kale lagu qaado dalka.”
Mohammad Nabi Mousavifard, imaamka Ahvaz, caasimadda gobolka Khuzestan, ayaa ku hanjabay in dagaalka xiga ee suuragalka ah “aan dhulka la simi doonno Sacuudiga, imaaraadka, Kuwait, iyo Bahrain.”
Mojtaba Mirdamadi, oo ah imaamka misaajidka magaalada Isfahan, ayaa isna yiri: “Mustaqbalka ifaya ee gobolka Gacanka Faaris wuxuu ahaan doonaa mid aan Maraykan lahayn, mana laha meel ay kaga sugnaan karaan Gacanka Faaris marka laga reebo gunta biyihiisa.”














