Minnesota: Soomaali 54 jir ah oo kamid ah 17 qof oo Trump dhalashada kala noqonayo
Nin Soomaali ah oo 54 jir ah oo ku nool gobolka Minnesota ayaa ka mid noqday 17 qof oo maamulka Trump uu ku bartilmaameedsaday ololahiisa cusub ee dadka lagala noqonayo dhalashada Maraykanka.
Xeer-ilaaliyaha Maraykanka ee gobolka Minnesota ayaa dacwad madani ah ku soo oogay Abdikadir Kadiye Arbacadii, dacwaddaas oo ku saabsan kala noqoshada dhalashada. Waxaa lagu eedeeyay dhowr qodob, oo ay ku jiraan ku helitaanka dhalasho ee si sharci-darro ah iyo helitaanka dhalashada isaga oo qarinaya xaqiiqo muhiim ah.
Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Kadiye uu isku dayay inuu dalkaasi galo sanadkii 1997 isagoo adeegsanaya laba aqoonsi oo kala duwan. Markii hore waxa uu sheegay in magaciisu yahay Liban M. Degel, isagoo sheegtay inuu guursaday balse aan carruur lahayn. Kadib markii garsoore socdaal uu diiday codsigiisa, waxa uu 1998 gudbiyay codsi labaad oo uu ku isticmaalayo magaca Kadiye, sida ku cad dacwadda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegay in Kadiye uu u sheegay sarkaal ka tirsan Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha Maraykanka inuu horay u isticmaalay laba aqoonsi intii lagu jiray nidaamka codsiga.
Sharciga federaalka ayaa u oggolaanaya dowladda inay ka xayuubiso dhalashada muwaadiniinta Maraykanka ee ku dhashay dibadda haddii ay aaminsan yihiin in muwaadinkaasi khiyaano ku helay dhalashada.
Si kastaba ha ahaatee, habkan adag ee taariikh ahaan la adeegsado marar kooban ayaa la fuliyay; inta u dhaxaysay 1990 iyo ilaa 2017, Wasaaradda Cadaaladda waxay celcelis ahaan sanad walba gudbisay 11 dacwadood oo sharci ah oo lagu doonayay in lagu baabi’iyo dhalashada muwaadiniinta Maraykanka, sida ay muujinayso xogta taariikhiga ah. Bishii hore, mas’uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen in ay gudbiyeen 12 dacwadood oo cusub oo la xiriira dhalasho ka xayuubinta.















