'Rabshaduhu waa kuwo aan laga fiirsan': Sida dunidu uga falcelisay dagaalka Muqdisho

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
- Author, Kauthar Mohamed
- Role, BBC, Somali
- Reporting from, Nairobi
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho iyo dagaalka ka dhacay ayay si weyn uga digeen beesha caalamku, iyagoo sheegay in tani tahay wax laga baaqsan karay saamayn baaxad lehna ku yeelanaysa mustaqbalka Soomaaliya.
"Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan." Ayaa lagu yidhi qoraal ay daabacday Safaaradda Maraykanka ee caasimadda Soomaaliya.
"Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhammaan dhinacyada waxay leeyihiin mas'uuliyad ka saaran ilaalinta xasilloonida, isla markaana ay khilaafaadka ku xalliyaan si nabadeed"
Warkaas oo lagu daabacay barta X ayay dowladda Maraykanku ku tidhi in talaabooyinka la qaado maalmaha soo socda ay saamayn ku yeelanayaan mustaqbalka Soomaaliya.
"Tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda waxay yeelan karaan cawaaqib waara oo saameeya amniga, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya." Ayaa lagu gunaanaday baaqa Maraykanka.
Dhinaca kale bayaan wadajir oo ay soo saareen Austria, Belgium, Wakiilka Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, iyo UNTMIS ayaa walaac ka muujiyay xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.
"Waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan wada-hadal, isla markaana ay si degdeg ah u gaaraan heshiis ku saabsan qorshaha doorashooyinka, si waafaqsan danta shacabka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yidhi bayaankaas wadajirka ah.
"Beesha caalamka waxay diyaar u tahay inay ka taageerto wada-hadallo ay hogaaminayaan Soomaalidu, haddii la codsado" ayay warsaxaafadeedkaas lagu sheegay dhanka kale.
Afrika
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Midowga Afrika ayaa isna war kasoo saaray xaaladda Muqdisho.
"Guddiga Midowga Afrika ayaa si qoto dheer uga walaacsan xaaladaha amni ee laga soo sheegay Muqdisho, oo ay ka mid yihiin iska horimaadyo hubeysan oo ka dhacay deegaanno ay dad rayid ah ku nool yihiin"
Midowga Afrika waxuu sheegay in uu "dhiirrigelinayo sii wadista dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhammaan ciyaartoyda siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta wada-hadal qaran, dib-u-heshiisiin iyo dhisidda is-afgarad lagu gaaro xasillooni siyaasadeed."
Waxayna xuseen in si dhow ay ula socon doonaan xaaladda, iyagoo xaqiijinaya in Midowga Afrika, oo adeegsanaysa Hawlgalkeeda Taageerada iyo Xasillinta ee Soomaaliya, ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada buuxda ee lagu soo celinayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Urur Goboleedka IGAD ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay wararka la xidhiidha rabshadaha ka dhacay Muqdisho, isagoo uu ururku ka digay in xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ay khatar gelin karaan xasilloonida Soomaaliya.
"Xilligan muhiimka ah, ilaalinta nabadda, xasilloonida, midnimada qaranka iyo guulaha laga gaaray dhismaha dowladnimada Soomaaliya waa arrin mudnaan gaar ah leh. IGAD waxay ku boorrinaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay danaha shacabka Soomaaliyeed hormariyaan, isla markaana ay xalalka ku raadiyaan wada-hadal iyo is-afgarad," ayuu yidhi Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu.
IGAD waxay sheegtay in Soomaaliya ay weli door muhiim ah ku leedahay nabadda, amniga iyo horumarka Geeska Afrika, iyadoo intaas ku dartay inay diyaar u tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka, isku duubnida qaranka iyo xasillooni waarta.
Muddada xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ekayd 15-ka May, balse waxaa lagu kordhiyay hal sano oo dheeraad ah. Mucaaradku waxay sheegeen in tani ay tahay mid ka hor imanaysa dastuurka, waxayna ku baaqeen bannaanbaxyo la qabto maalinimadan Khamiista ah.
Waxaa la soo weriyay in rasaas laga maqlay dhowr xaafadood oo caasimadda ah, taas oo sii socotay habeenkii oo dhan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa war qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in ciidanku ku hawlan yihiin soo afjaridda hawl-gal uu ku sheegay in ay wadaan Hay'adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda".
Xaaladda Muqdisho ayaana ka deggan maanta sidii ay shalay galab iyo xalay ahayd.
Digniinahaan beesha caalamka ayaana imanaya xili ay Soomaaliya wajahayso hubanti la'aan ku aadan nooca doorashooyinka ee la qaban doono iyo siday wax noqon doonaan haddii aan heshiis rasmi ah laga gaadhin ismariwaaga taagan.
Goor dambe oo Arbacadii shalay waxaa degmooyinka qaar ee Muqdisho laga maqlay rasaas xooggan, taas oo ka dhalatay kadib markii ay isku dhaceen ilaalada qaar kamid ah mucaaradka iyo ciidamada dowladda.
Goobaha iska hor imaadka uu dhacay waxaa kamid ah agagaarka guriga ra'iisulwasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Labadooduba waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay awood isticmaaleyso, halka warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda lagu sheegay in koox af duuban oo ay maleeshiyo ku sheegtay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag sida lagu yiri warsaxaafadeedka














