Maraykanka iyo Iran ma waxay ku dhow yihiin heshiis nabadeed mise waxay dib u bilaabayaan dagaal?

Madaxwayne rump iyo wasiirkiisa gaashaandhigga

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Xabbad-joojinta "aan cagaha adag ku taagnayn" Geeddi-socod diblomaasiyadeed oo "horumar samaynaya." Madaxweyne "aan ku qanacsanayn." Iyo qaraxyo laga maqlayo hareeraha Khaliijka.

Maxaa laga fahmi karaa xaaladda hadda ee jahawareersan ee xiriirka Mareykanka iyo Iran — ma nabad ayaan u dhow nahay mise dib ayaan ugu sii siqeynaa dagaal?

Toddobaadkan ayaa si weyn u tijaabiyay xabbad-joojinta, taas oo dhaqan gashay 8-da April, haddana socotay muddo ka dheer wejigii dagaalka tooska ahaa ee ka horreeyay.

Iran ayaa ka jawaabtay weerarradii ugu dambeeyay ee Mareykanka — kuwaas oo ay Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ku tilmaameen "goob kantarool dhulka ah" oo ku taal magaalada dekedda leh ee Bandar Abbas ee koonfurta Iran — iyadoo digniin bixisay in "gardarrada aan jawaab la'aan looga gudbi doonin."

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa markaas sheegay inay weerareen saldhig ciidan oo Mareykan leeyahay. Ma aysan sheegin halka uu ku yaal, balse Centcom ayaa markii dambe sheegtay in gantaal ballistic ah lagu qabtay hawada Kuwait, halkaas oo Mareykanku ku leeyahay dhowr saldhig.

Iyagoo adeegsanaya ereyo la mid ah kuwa Tehran, Centcom ayaa weerarka ku tilmaamay "xadgudub weyn oo ka dhan ah xabbad-joojinta."

Wax walba waxay u muuqdaan kuwo cabsi leh, balse tani wali aad ayay uga fog tahay weerarradii kululaa ee lagu arkay shantii toddobaad iyo barkii ugu horreeyay ee colaaddan.

Inta lagu jiray muddadaas, Mareykanka iyo Israa'iil waxay kumannaan weerar cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyo ku kala yaal guud ahaan Iran, halka Tehran ay kaga jawaabtay duqeymo diyaarado drone ah iyo gantaallo ballistic ah oo lala beegsaday saldhigyada Mareykanka, dalalka Khaliijka iyo Israa'iil.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay inuu soo riday shan diyaaradood oo drone ah oo Iran ay leedahay kuwaas oo "khatar ka abuurayay agagaarka marin-biyoodka Hormuz", taasoo muujinaysa in maraakiibta — ganacsi ama ciidan — ay mar kale noqdeen arrin walaac laga qabo.

Inta ay arrimahan oo dhan socdaan, geeddi-socod diblomaasiyadeed oo adag, kana qaybgalayaan dhinacyo badan, ayaa daaha gadaashiisa ka socda.

Mararka qaar ayaan helnaa tilmaamo yar-yar oo ku saabsan geeddi-socodkaas, balse waa kuwo kooban oo si dhaqso leh u qarsooma.

Arbacadii, warbaahinta dowladda Iran ayaa soo bandhigtay qaybo ka mid ah waxa ay ku tilmaameen nuqul aan rasmi ahayn oo ah heshiis is-afgarad ka kooban 14 qodob.

Warbixintaas waxaa ku jiray wax kasta oo Tehran ay jeclaan lahayd inay aragto: in Mareykanku qaado cunaqabateynta iyo go'doominta badda ee dekedaha Iran, in ciidamada Mareykanku ka baxaan "deegaannada u dhow Iran", iyo in dib loo soo celiyo isu-socodka maraakiibta aan militari ahayn ee mara Hormuz, iyadoo Iran iyo Cumaan ay maamulayaan hagidda iyo socodsiinta maraakiibta.

Waxa si weyn uga maqnaa warbixinta ayaa ahaa wax tanaasul ah oo Iran ay smaeynayso, gaar ahaan arrinta ugu muhiimsan ee nukliyeerka.

Aqalka Cad ayaa soo saaray war kooban oo adag, isagoo ku tilmaamay qoraalka la sheegay "gabi ahaan-ba been-abuur ." Markii dambe, intii lagu jiray shirkii golaha wasiirrada ee laga sii daayay telefishanka Aqalka Cad, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan wali ku qanacsanayn soo jeedimaha heshiiska.

Dadaalka diblomaasiyadeed, oo Pakistan hormuud ka tahay, waa mid aad u adag.

Arrimaha labada dhinac kala qaybinaya waa kuwo qoto dheer: barnaamijka nukliyeerka Iran, maamulka mustaqbalka ee marin-biyoodka Hormuz, qaadista cunaqabateynta, iyo sii deynta hantida la xannibay.

Ujeeddada degdegga ah — in la gaaro heshiis is-afgarad ah oo soo afjara dagaalka isla markaana dejinaya khariidad waddo oo loogu talagalay wadaxaajoodyada diblomaasiyadeed ee adag ee xigi doona — ayaa noqotay mid adag in la helo.

Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in saacadaha ama maalmaha soo socda ay muujin doonaan in horumar la samayn karo iyo in kale.

Inkasta oo ay jiraan cadaadisyo gudaha ah oo labada dhinacba saaran iyo jawiga kacsan ee ka jira gudaha iyo hareeraha Khaliijka, haddana Iran iyo Mareykanka midkoodna uma muuqdo inuu doonayo inuu dib ugu laabto dagaal.

Inkasta oo muuqaalka dibadda uu sidaas u egyahay, haddana xabbad-joojinta — oo hadda jirsatay in ka badan 7 toddobaad wali way sii socotaa.