Saddex waxyaabood oo aad ku yarayn karto gabowga maskaxda

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Maskaxdeennu waxay horumar ku samaysaa deegaannad caqabadaha leh; laakiin sidaas oo ay tahay, wax kastaa uma baahna in ay noqdaan hawl adag si loo helo faa'iidooyinka caafimaadka.

Halkan waxaa aan idiinku soo gudbin doonnaa saddex hab oo fudud oo xiiso leh oo lagu ilaalin karo maskaxdeenna marka aan duqoobayno.

Haddii laguu siiyo fursad aad ku qabato laba hawlood, mid fudud iyo mid adag, tee ayaad dooran lahayd?

Waxaa jirta suurtogalnimo weyn oo ah in ay u dhowdahay in aad doorato hawsha fudud sabab wanaagsan awgeed.

Qaadashada waddooyinka gaagaaban ee maskaxda waa wax dabiici ah oo ka dhasha nidaamka bayoolojiga, waana xeelad la socota isbeddelka dabiiciga ah ee loogu talagalay in lagu kaydiyo tamarteenna.

Tiknoolajiyadu waxay kaliya kor u qaadday awoodda. Waana tan keenta qaadashada waddooyinka gaagaaban iyo in aan hawlaha ku dhammaystirno iska-caabinta ugu yar ee suurtogalka ah.

Laakiin, haddii ay tani horseeddo hoos u dhac ku yimaada dadaalka maskaxda, waxay saameyn ku yeelan kartaa nolosheena iyo caafimaadkeenna guud.

Sida laga soo xigtay cilmi-baaris, mar kasta oo ay dadku cimri dheeraadaan, dhibaatooyinka caafimaad waxay u muuqadan in ay kordhayaan.

Samaynta hawlo maskaxda caqabad ku noqda waxay gacan ka geysataa dhismaha waxa loo yaqaan "kaydka garashada", kaas oo difaac u noqda maskaxda islamarkaana taageera nolol dheer oo caafimaad leh. Diktoor Cilmi-nafsiga bartay oo la yidhaahdo Alan Gow ayaa sheegay in da' kasta ay jiraan waxyaabo kordhin kara awoodda garashada. Sidoo kale looma baahna isbeddel weyn oo nololeed; isbeddello yaryar oo tartiib tartiib ah oo dhinacyada jirka, bulshada iyo maskaxda ah ayaa ku filan ilaalinta maskaxda qofka bani aadanka ah.

1. In aad ogaato meesha aad u socoto adigoon isticmaalin khariidad

Mid ka mid ah siyaabaha looga hortagi karo hoos u dhaca garashada ee la xidhiidha da'da waa in diiradda la saaro qayb gaar ah oo maskaxda ka mid ah.

Hippocampus-ka oo ah qaybta maskaxda muhiimka u ah ee qaabilsan hagidda iyo aqoonsiga goobaha ayaa la rumeysan yahay in ay tahay meesha ugu horreysa ee uu saameeyo cudurka Alzheimer's disease, sannado badan ka hor inta aysan calaamaduhu muuqan.

Dhakhtarka neerfaha Dennis Chan ayaa sheegay in dadka qaba Alzheimer ay inta badan jahawareeraan, taas oo badanaa ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee cudurka. Waxa uu sidoo kale sheegay in ogaanshaha hore uu muhiim yahay, maadaama tallaabooyin degdeg ah la qaadi karo marka hoos u dhaca garashada la ogaado xilli hore.

Sidaas darteed, ilaalinta qaybtan maskaxda ayaa laga yaabaa in ay ka caawiso ka hortagga ama dib u dhigista calaamadaha cudurka. Tusaale ahaan, daraasado dhowr ah ayaa muujiyay in darawallada ambalaasta iyo tagaasida ay leeyihiin heerar hoose oo dhimasho la xiriirta Alzheimer marka loo eego shaqooyin kale, sababtoo ah waxay si badan u isticmaalaan maskaxdooda dhinaca garashada iyo aqoonsiga deegaan cusub. Sidoo kale muddo dheer ayaa la ogaa in darawallada tagaasida ee sannado badan xafida qaabka waddooyinka magaalada iyaga oo aan adeegsan khariidado ay leeyihiin awood garasho oo sarraysa.

Waxaa ina la gudboon in aan kobcinno awoodda maskaxdeenna, si la mid ah tan darawallada ambalaasta iyo tagaasida, annagoo ka qayb qaadanayna ciyaaro iyo hawlo ku lug leh akhrinta khariidadaha iyo qaadista culeysyada.

Ka fikiridda sida loo gaaro meesha aad u socoto adigoon isticmaalin khariidadda taleefanka gacanta ayaa sidoo kale faa'iido yeelan karta, iyadoo la sheegayo in isticmaalka GPS-ka uu saameyn ku yeelan karo xusuusteenna.

Ciyaaraha muuqaalka ah ayaa sidoo kale caawin kara haddii loo sameeyo qaab tayo ku habboon leh. Tusaale ahaan, daraasad yar oo lagu sameeyay dad waayeel ah ayaa lagu ogaaday in dad ciyaaray ciyaar muuqaal ah oo ku saabsan hagidda hawada sare ay heleen horumar dhinaca xusuusta ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wanaagsan in la ogaado in ciyaartan si gaar ah ay u sameeyeen cilmi-baarayaal; sidaas darteed, tani macnaheedu ma aha in ciyaar kasta oo muuqaal ah oo aan jecel nahay ay naga caawin doonto hagaajinta xusuusteenna.

2. Dhexgalka iyo la macaamilka dadka kale

Daraasado badan ayaa muujinaya in ka qayb qaadashada howlaha bulshadu ay ka caawiso xoojinta awoodda maskaxda ee dhinaca xusuusta. Tusaale ahaan, dadka boqol jirrada ah ee bulshada la falgala waxay leeyihiin caafimaad maskaxeed oo wanaagsan, halka kuwa xiriirkaas sii waday xilligii da'da dhexe ay yeesheen awood garasho oo sare marka ay gaboobaan.

Cilmi-baaris weyn ayaa sidoo kale muujisay in dadka bulshada si badan ula falgala xilliga da'da dhexe iyo waayeelnimada ay 30% ilaa 50% yareeyeen halista cudurrada maskaxda. Daraasad lagu sameeyay 1,923 qof oo waayeel ah ayaa lagu ogaaday in kuwa aan lahayn nolol bulsho oo firfircoon ay cudurrada maskaxda ku dhaceen shan sano ka hor kuwa bulshada la falgala. Waxaa la rumeysan yahay in nolol bulsho oo wanaagsan ay yareyso walbahaarka islamarkaana qofka ka caawiso u adkeysiga caqabadaha nolosha.

"In la dhexgalo qoyska iyo saaxiibbada, islamarkaana lagu yeesho wada sheekeysi fikir isweydaarsi leh, waxay sidoo kale hagaajin kartaa caafimaadka maskaxda," ayay sheegtay Pamela Almeida-Meza.

Marka aan la falgalno dadka kale, waxaan kicinnaa qaybo badan oo maskaxda ah, laga bilaabo kuwa la xiriira luuqadda iyo xusuusta ilaa kuwa ka shaqeeya qorsheynta mustaqbalka.

Alan Gow ayaa sheegay in uu sidoo kala baraarujiyo dhinaca garashadu ee maskaxda, taasina ay kor u qaadi karto caafimaadka maskaxda, halka xiriirrada bulsho ee wanaagsan ay sidoo kale yareeyaan dhibaatooyinka nafsaaniga ah.

3. Faa'iidada Waxbarashada ee Maskaxda

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee saadaaliya gabow caafimaad leh waa tirada sannadaha uu qofku waxbarashada ku qaato. Dadka waqti badan ku bixiya waxbarashada waxay leeyihiin halis hoose oo cudurrada maskaxda ah. Barashada joogtada ah ee nolosha oo dhan ayaa sidoo kale gacan ka geysan karta faa'iidooyin la mid ah oo difaac caafimaad leh.

Maskaxdeennu waxay ku horumartaa caqabado iyo waxyaabo cusub, maadaama ay waxyaabahaasi xoojiyaan qaybaha maskaxda ee u nugul gabowga. Waxaa la tilmaamay in maskaxda oo firfircoon la geliyo ay yareyso hoos u dhaca garashada. Sababta ugu weyn ayaa ah in barashadu ay dhaliso neerfayaal cusub islamarkaana ay xoojiso kuwa jira, taas oo difaac ka noqon karta gabowga iyo dhimashada unugyada.

Dhammaanteen waxaan kordhin karnaa kaydkeenna garashada marka aan sii duqoobaynno. Daraasad muddo dheer socotay oo daba socotay ka qaybgalayaal laga soo bilaabo carruurnimada ilaa dhammaadka da'da 60-meeyada ayaa Pamela Almeida-Meza iyo kooxdeedu ku ogaadeen in kaydka garashadu ku kordho waxbarashada iyo hawlaha madadaalada ee maskaxda kobciya. Dadkii sii waday hawlahaas waxay muujiyeen hoos u dhac xusuus oo yar, xitaa kuwa dhibco hoose ka helay tijaabooyinka garashada xilligii carruurnimada.

Inkasta oo faa'iido laga heli karo da' kasta, arrintani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay da'da dambe, sababtoo ah marka aynu gabowno nolol maalmeedkeennu wuxuu noqdaa mid caadi ah, fursadaha waxbarashaduna way yaraadaan.

Waxaa jira siyaabo kala duwan oo taas lagu gaari karo, sida beer-falasho, ku biiridda naadiyada buugaagta ama la doodista saaxiib waxa aad akhrido. Ugu dambayn, waxa cad in hawl kasta oo maskaxda kicisa ay faa'iido u leedahay caafimaadka guud, ha noqoto doorashada waddo cusub oo lagu socdo, akhriska buugaagta, ama in mudnaanta la siiyo xiriirrada bulshada.