Nin ayaa baabuurkiisa jiirsiiyey dad lugeynayay hareeraha wadada magaalada
Modena ee waqooyiga Talyaaniga, isagoo dhaawacay siddeed qof, afar kamid ahna
dhaawacoodu aad ayuu u culus yahay, sida ay sheegeen masuuliyiintu.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah haweeney la sheegay in
labada lugood burrbureen..
Kadib markii gaarigu ku istaagay daaqadda dukaan, darawalkii
ayaa kasoo degay isagoo sita mindi, wuxuuna dhaawacay qof waddada marayay oo
isku dayay inuu cayrsado, kahor inta aan tuhmanaha la qaban oo la xakamayn.
Tuhmanaha oo 31 jir ah ayaa masuuliyiintu ku sheegeen inuu
yahay muwaadin Talyaani ah oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco.
Ra’iisul Wasaaraha Giorgia Meloni ayaa dhacdadan ku
tilmaantay “mid aad u daran.”
Dhacdadan ayaa dhacday abaaro 16:30 (14:30 GMT), markii
gaariga oo ku socday xawaaraha sare uu
dadka lugaynayay ku jiiray jidka Via Emilia oo ku dhow kaniisadda caanka ah ee
Modena, oo dhanka koonfur-bari ka xigta magaalada Milan.
"Waxaan arnayn gaariga oo soo dhowaanaya, wuxuuna ku
socday dhanka cidhifka wadada," ayuu yiri qof goobjooge ah.
"Si kedis ah ayuu xawaaraha u kordhiyay, wuxuu ku
socday ugu yaraan 100km Saacadii)."
"Waxaan arnayn dad hawada u duulaya," ayuu
goobjoogei u sheegay warbaahinta Talyaaniga.
Duqa magaalada Modena, Massimo Mezzetti, ayaa sheegay inay u
muuqato in darwalku "uu si ula kac ah gaariga u mariyay dhabaddii dadka
lugaynayay, isagoo jiiray dhowr qof, ka dibna ku dhacay daaqadda dukaan."
"Ka dib wuxuu ka soo degay gaarigiisii, wuxuuna la soo
baxay mindi," ayuu yiri Mezzetti.