Xamaas oo xaqiijisay in taliye sare lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa'iil ay geysatay
Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Izz ad-Din al-Haddad, oo ahaa taliyihii garabka hubaysan ee kooxda, lagu dilay weerar cirka ah oo Israa'iil ay ka geysatay magaalada Gaza Jimcihii.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israa'iil Katz ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay in Haddad uu "mas'uul ka ahaa dilka, afduubka iyo dhaawaca kumanaan rayid ah oo Israa'iiliyiin ah iyo askarta IDF [Ciidamada Difaaca Israa'iil]".
Israa'iil waxay ku tilmaantay "mid ka mid ah naqshadeeyayaasha weerakii Oktoobar 7".
Dagaalkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee Israa'iil ay ka geysato Gaza inkastoo ay xabbad joojin la gashay Xamaas.