Wadahadalladii Putin iyo ergadii Trump oo soo dhammaaday kaddib in ka badan saddex saacadood

Ruushka

Xigashada Sawirka, EPA

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wadahadalladii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo ergada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ayaa ku soo dhammaaday Kremlin-ka, kaddib kulan socday saddex saacadood iyo 10 daqiiqo, kaas oo diiradda lagu saaray dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Kaaliyaha Madaxweynaha Ruushka Yuri Ushakov ayaa wadahadallada ku tilmaamay kuwo "wax-ku-ool ah, wax-dhisaya, si buuxdana u daacad ah oo ku dhisnaa kalsooni", isagoo sheegay in laga hadlay xaaladda Ukraine iyo sidoo kale arrimo kale oo u dhexeeya Moscow iyo Washington.

Putin ayaa billowgii kulanka sheegay in xiriirrada iyo wada-xaajoodyada Maraykanka ay "mar walba yihiin kuwo wax-ku-ool ah", wuxuuna ammaanay dadaallada Trump ee lagu gaarayo xal lagu soo afjaro dagaalka. Dhanka kale, Witkoff ayaa guddoonsiiyay salaanta Madaxweynaha Maraykanka, wuxuuna Putin uga mahadceliyay tallaabooyinka uu qaaday ee lagu xaqiijinayo ammaanka wafdiga.

Sidoo kale, Putin wuxuu ciidamada Ruushka faray inay ka fogaadaan bartilmaameedsiga Kyiv muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo saqda dhexe ee Sabtida, xilli labada ergey ee Maraykanku ay isu diyaarinayaan inay u safraan caasimadda Ukraine.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka fogaado weerarrada lagu qaado Moscow illaa dhammaadka Isniinta, isagoo Ruushka ugu baaqay inuu tallaabo la mid ah ka qaado Kyiv.

Wuxuu yiri: "Laga bilaabo hadda illaa dhammaadka Sabtida, iyo sidoo kale Axadda iyo Isniinta, Ukraine waxay diyaar u tahay inay ka fogaato duqeymaha lagu qaado Moscow, waxaana filaynaa in Ruushkuna sidaas oo kale ka yeelo Kyiv."

Moscow ma aysan shaacin inay oggolaatay xabbad-joojin saddex maalmood ah oo ka ballaaran intii hore.

Zelensky wuxuu intaas ku daray inuu la hadlay labada ergey ee Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay inay "horeyba u bilaabeen wada-shaqaynta dhinaca Ruushka", isagoo xaqiijiyay in Kyiv ay diyaar u tahay "wadahadallo dhab ah" marka wafdiga Maraykanku uu Axadda yimaado caasimadda Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa wakaaladda wararka rasmiga ah ee TASS u sheegay in go'aanka lagu hakiyay weerarrada uu qayb ka yahay "diyaargarowga wada-xiriirrada ay Maraykanku Kyiv kula yeelan doonaan."

Waxaa la qorsheeyay in Witkoff iyo Kushner ay Axadda u safraan Kyiv si ay ula kulmaan Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, kaddib markii ay soo gabagabeeyeen wadahadalladii ay Moscow kula yeesheen Putin.

Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada ergey ay wataan "soo-jeedin lagu soo afjarayo dagaalka", balse faahfaahin kama uusan bixin waxa ay soo-jeedintu ka kooban tahay.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka, Kirill Dmitriev, ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Vnukovo ee magaalada Moscow ku soo dhaweeyay labada ergey ee gaarka ah ee Maraykanka, Jared Kushner iyo Steve Witkoff, markii ay Sabtidii gaareen Moscow, Ruushka

Witkoff iyo Kushner ayaa dhowr jeer booqday Moscow tan iyo markii Trump uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, balse booqashadooda la filayo ee Kyiv waxay noqon doontaa tii ugu horreysay.

18-kii bilood ee la soo dhaafay, wafdiyo ka socday Ukraine ayaa ka qaybgalay wareegyo wada-xaajood oo uu martigeliyay Maraykanka, hase yeeshee dadaallada Maraykanka ilaa hadda kuma guuleysan in heshiis laga dhex gaaro Moscow iyo Kyiv.

Ruushka

Xigashada Sawirka, EPA

Duqeymo ka horreeyay go'aanka Putin

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Go'aanka Madaxweynaha Ruushka ee ah in si ku-meelgaar ah looga fogaado bartilmaameedsiga Kyiv ayaa yimid xilli ay socdeen is-dhaafsi iyo muran ku saabsan xabbad-joojin ay Ukraine soo jeedisay oo laga hirgeliyo dhammaan jiidda hore ee dagaalka, iyadoo ay socdaan booqashada iyo wada-xaajoodyada ergada Maraykanka.

Peskov ayaa xaqiijiyay in Moscow loo gudbiyay ogeysiiska hindisahan, isagoo sheegay in "xogtan ay horeyba uga timid dhinaca Ukraine." Hase yeeshee, Kyiv ayaa ciidamada Ruushka ku eedeysay inaysan u hoggaansamin xabbad-joojinta, iyadoo sheegtay in weerarradu ay habeenkii sii socdeen.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa Sabtidii subaxdii sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadday weerarro lagu beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla dhowr gobol oo Ukraine ah, oo ay ku jirto gobolka Kyiv.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamadeedu habeenkii Jimcaha ay fuliyeen "weerar ballaaran", iyagoo adeegsanaya hub dhulka laga soo rido oo si sax ah u beegsada iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo weerar oo riddadoodu dheer tahay.

Waxay intaas ku dartay in weerarradu ay bartilmaameedsadeen warshado biraha soo saara oo ku yaalla gobolka Dnipropetrovsk, kuwaas oo ay sheegtay inay sahay siiyaan xarumaha warshadaha milatariga Ukraine, iyo sidoo kale xarumo saadka iyo saldhigyo koronto oo ku yaalla magaalada Mykolaiv iyo gobollada Mykolaiv iyo Odesa.

Bayaan kale oo ay soo saartay, wasaaraddu waxay sheegtay in difaaca cirka Ruushku uu qabtay oo burburiyay 53 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ukraine ah, kuwaas oo ahaa nooca baalasha go'an, laguna qabtay hawada sare ee gobolka Moscow, Krasnodar iyo goobo kale.

Dhanka kale, Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay qaadeen weerarro uu ku tilmaamay "is-muujin" oo lagu beegsaday garoomada diyaaradaha Kyiv iyo Boryspil, wax yar ka hor booqashada wafdiga Maraykanka.

Madaxweynaha Ukraine wuxuu aaminsanaa in weerarradu ay jawaab u ahaayeen wada-hadallada iyo diyaar-garowga ku saabsan suurtagalnimada in labada ergey ay diyaarad ku tagaan Ukraine, isla markaana ay ku degaan mid ka mid ah labada garoon.

Zelensky ayaa horey u ballanqaaday inuu xaqiijin doono badqabka hawada Ruushka inta ay Witkoff iyo Kushner ku sugnaanayaan Moscow, isagoo Ruushka ugu baaqay inuu bixiyo dammaanad la mid ah inta ay booqanayaan Kyiv.

Ilaa hadda ma cadda sida ay labada ergey ee Maraykanka uga safri doonaan Moscow una tagi doonaan Kyiv, iyadoo hawada Ukraine ay xiran tahay tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaankiisa buuxa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.