Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay guriga ku dumay xaafadda Eastleigh?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Dhisme dabaqyo badan ka koobnaa oo dhismihiisu weli socday ayaa galabta oo Jimce ah ku dumay Waddada 9-aad ee xaafadda Eastleigh, ee magaalada Naiqobi.
Hawlgallo samatabixin ah ayaa durba billowday ka dib markii dhismahaas oo ka koobnaa dhowr iyo toban dabaq uu dumay, iyadoo wararku sheegayaan in dad dhowr ah laga cabsi qabo inay ku xayiran yihiin gudaha.
Guddoomiyaha Nairobi Johnson Sakaja iyo Taliyaha Booliska Gobolka Nairobi Ciise Maxamuud ayaa hadda ku sugan goobta ay wax ka dhaceen.
Dhacdada ka dib, ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha ayaa ku qasbanaaday inay adeegsadaan sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadka deegaanka oo xiray waddooyinka soo gala goobtaas.
Muuqaallo la isla dhex marayay baraha bulshada ayaa muujinaya xilliga guriga uu soo dumayay, kaasoo la sheegay in qeybta hoose ay ka furnaayeen dukaamo.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Cumar Axmed oo ah isku duwaha guddiga ganacstada xafaada Eastleigh oo ku sugan goobta dhismuhu ku dumay ayaa BBC-da u sheegay in dhismaha dabaqa ee dumay uu ka koobnaa ilaa dhowr iyo toban dabaq kaas oo la rajaynayey in dhawaan xarriga laga jaro.
Wuxuu intaas ku daray in qaybta hoose ee dhismaha oo dukaamo ahaa ay furnaayeen oo ay dad ku sugnaayeen
''Waxaa la maqlayey hooyo qaylinaysa oo ashahaadanaysa, wiil ayaa qaylinayey oo dhahayey walaalkay ayaa ku jiray" ayuu yiri Cumar.
Sidoo kale wuxuu xusay in dad doonayey inay guri dagaan ay eeganayeen qaybaha ay sidoo kale ku sugnaayeen dhismaha.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta basle saraakiisha badbaada ayaa goobta ku sugan.
Sheekadan waa mid isa soo tareysa. Wararka kusoo kordha waan idinla socodsiin doonnaa.























