TOOS, Iiraan oo wacad ku martay in aysan ogolaan doonin in kiimikada Nukliyeerka laga qaado gudaha dalkeeda.
Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “Xitaa hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga bixin doonin Iraan”.
Trump: Waa inaan go'aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan
Tebin toos ah
Abiy Axmed oo digniin adag u diray Eritrea
Xigashada Sawirka, Office of the Prime Minister/Ethiopia
Qoraalka sawirka, Abiy Ahmed
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso nabad ay la yeelato Eritrea, isla markaana ay rabto inay noqoto lamaane dhanka horumarka ah; hase yeeshee, wuxuu xusay in Eritrea "ay la kulmi doonto cawaaqib xun haddii ay sii waddo ku tiirsanaanta ciidamo kale, oo ay ku sii socoto waddadeeda burburka ah."
Trump oo sheegay in Ilhaan Cumar ay “xabsi geli karto”,
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ilhan iyo Trump
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga isla markaana si weyn u dhaliisha, ay “xabsi geli karto”,.
Hadalka madaxwaynaha ayaa imanaya xilli ay baaritaan lagu hayo dukumentiyadeeda socdaalka ee Mareykanka.
Bartamihii bishan ayay ahayd markii mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykankaay baaritaan ku sameeyeen guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".
Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.
Ka dib markii gurigeeda la baaray, Ilhaan ayaa barta X (Twitter-kii hore) ku soo qortay: "Waan fiicanahay. Ha isku khaldina arrintan: waa isku day lagu beegsanayo cadowga siyaasadeed, iyadoo la adeegsanayo awoodda sharci fulinta ee federaalka".
Iran oo sheegtay inaysan Mareykanka la hadli doonin ilaa laga fuliyo shuruudaheeda
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezizkian oo Tehran kula kulmay Field Marshal Asim Mounir
Iran ayaa taliyaha ciidamada Pakistan u sheegtay inaysan wada-hadallo la geli doonin Mareykanka ilaa laga fuliyo shuruudaha ay dejisay.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Masoud Pezeshkian, uu magaalada Tehran kula kulmay taliyaha ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayna ka wada hadleen dadaallada socda ee wada-xaajoodka iyo xaaladaha gobolka.
Pakistan ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysa dhexdhexaadinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.
Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed ayaa horseeday is-afgarad hordhac ah bishii Juun ee sannadkii hore, balse heshiiskaasi wuxuu burburay toddobaadyo kaddib markii ay mar kale xoogaysteen xiisadaha u dhexeeya labada dal.
Munir ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf.
Bayaan ay Iran soo saartay oo ku saabsan kulanka ayaa lagu sheegay in Tehran aysan dib u heli doonin kalsoonida Washington ilaa Mareykanku fuliyo toddobada shuruudood ee Iran ay bishii hore u dejisay dib u furista marin-biyoodka Hormuz.
Shuruudahaas waxaa ka mid ah in Mareykanku qaado xayiraadaha saaran dekedaha Iran, uu joojiyo cunaqabateynta dhoofinta shidaalka Iran, isla markaana la soo afjaro colaadaha ka socda dhammaan jihooyinka gobolka.
Madaxa sirdoonka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa farriin la mid ah u gudbiyay Munir intii uu la hadlayay.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Tehran aysan wada-hadallo la geli doonin Washington ilaa laga fuliyo dalabaadkeeda.
Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan uranium-ka la kobciyay uu ku sii nagaan doono gudaha Iran. Hadalkiisa ayaa la jaanqaadaya mowqifka hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei, oo sheegay in uranium-ka la gaarsiiyay heer lagu samayn karo hub aan loo wareejin doonin dal kale.
Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay in la soo riday shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn
Isbahaysiga milatari ee uu hoggaamiyo Sacuudiga, ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku soo wajahnaa dhulka Sacuudiga.
Mid ka mid ah meelaha la sheegay in diyaaradahaasi bartilmaameedsanayeen ayaa ah gobolka Madiina.
Madiina, oo ay ku yaallaan Masjidka Nabiga iyo qabriga Nebi Muxammad, waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu barakaysan Islaamka, waxaana kaalintaas la wadaagta magaalada Maka. Xuutiyiinta ayaa hore u ballanqaaday inaysan weerari doonin labada magaalo.
Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa farriin uu ku baahiyay barta X ku sheegay in afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku soo wajahnaa Sacuudiga, la qabtay lana burburiyay.
Farriin kale ayuu ku sheegay in diyaaradahaasi lagu qabtay gobolka bariga Sacuudiga iyo gobolka Madiina.
Al-Maliki oo aan sheegin cidda ka dambaysay weerarrada ayaa markii dambe xaqiijiyay in diyaarad kale oo aan duuliye lahayn lagu qabtay gobolka bariga Sacuudiga.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Sacuudiga waxaa si joogto ah u bartilmaameedsanayay Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran.
Weerarradaas waxaa ka mid ahaa weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyaad, kaas oo lagu tilmaamay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Sacuudiga ku dhaca sannadihii u dambeeyay.
Dastuurka Turkiga ayaa dhigaya in heshiisyada caalamiga ah laga ansixiyo baarlamaanka dalkaas ka hor inta aysan dhaqan gelin.
Turkiga ayaa hadda dib u eegaya baaxadda iyo qaab-dhismeedka sharci ee taageerada milatari ee uu siin karo dowladda Sacuudiga, taas oo ku salaysan heshiiskan.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa isagoo ka hadlayay baaxadda heshiiska sheegay in Turkigu uusan ciidamadiisa u diri doonin gudaha dal kale si ay halkaas uga hawlgalaan, isla markaana uusan weerarro ka fulin doonin dhulka dal kale.
Sacuudiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay weerarro sii kordhaya oo ay Xuutiyiintu ka fulinayaan Yemen.
Turkiga ayaa ka fiirsanaya suurtagalnimada inuu Sacuudiga siiyo taageero milatari, isaga oo ku salaynaya heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.
Wax ka ogow daawadan laga yaabo in aad u cuntid gaas, laakiin loo adeegsado ilma iska soo xaaqidda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dawo gaas
Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.
Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.
Araqchi oo Talaadadii wareysi siiyay telefishinka Al-Ikhbariya ee Ciraaq ayaa sidoo kale ku adkeystay in marin-biyoodka Hormuz uusan ahayn marin-biyood caalami ah, balse uu ku yaallo biyaha dhuleed ee Iran iyo Cumaan.
“Biyaha marin-biyoodka Hormuz ma aha biyo caalami ah,” ayuu yiri wasiirku.
Araqchi ayaa sheegay in Tehran iyo Muscat ay heshiis ka gaareen faahfaahinta isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
“Waxaa la diyaariyay khariidad gaar ah oo muujinaysa marinnada maraakiibta, waxaana la cayimay lana sawiray isku-duwayaashooda juqraafiyeed, Sidaas darteed, haddii maalin uun dib loo furo marin-biyoodka Hormuz, waddada ay Iran iyo Cumaan ku heshiiyeen ayaa noqon doonta marinka rasmiga ah ee la isku raacsan yahay ee maraakiibtu isticmaali doonaan, ee ma aha waddo kale,” ayuu yiri Araqchi.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Iran ay weli xiriir iyo wada-hadallo la leedahay Mareykanka, iyada oo loo marayo Qatar iyo Pakistan, si loo gaaro heshiis lagu soo afjarayo colaadda milatari.
Trump: Waa inaan go’aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan u baahnayn wax caawimaad ah si uu Iran uga adkaado.
Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashadiisa ah in Mareykanku uu si weyn uga gacan sarreeyo Iran dagaalka u dhexeeya labada dal.
“Sidii aad la socotaan, si wanaagsan ayaan u wadnaa dagaalka Iran. Waxa keliya ee ay tahay inaan go’aamiyo waa sida aan guusha ku gaari doonno; ma waxaan rabnaa inaan si wanaagsan u guuleysanno mise si adag oo aan naxariis lahayn?” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo Talaadadii fiidkii ka dhacay Aqalka Cad.
“Si kastaba ha ahaatee, si wanaagsan ayaan u soconnaa, mana u baahnin cid naga caawisa,” ayuu raaciyay.
Isagoo ka hadlayay sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xayiraadaha saameeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, ayuu Trump yiri dadka ayaa ka cabanaya qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
“Ma doonayo inaan hadal aan macno badan lahayn ku dhawaaqo, balse dhab ahaantii waa qiimo yar oo la bixinayo si looga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu la xiriiray hoggaamiyeyaasha dalal dhowr ah si uu u ogaado kuwa diyaar u ah inay Mareykanka ka caawiyaan dagaalka.
Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ay u sheegeen inaysan diyaar u ahayn inay caawiyaan.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ama faahfaahinta wada-hadallada uu la yeeshay.
Hadalka Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu baahiyay muuqaal laga duubay wada-hadal taleefoon oo uu la yeeshay Trump.
Trump ma taageeri doonaa J.D. Vance si uu ugu tartamo madaxtinnimada Mareykanka sannadka 2028?
Xigashada Sawirka, Joe Raedle/Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay
in ay xilli hore tahay in laga hadlo qofka beddeli doona marka uu dhammaado
muddo xileedkiisa madaxtinnimo.
Trump ayaa hadalkan sheegay isaga oo su’aalo uga jawaabayay
wariyeyaasha gudaha Xafiiska Oval-ka ee Aqalka Cad. Waxaa la weydiiyay inuu
taageeri doono madaxweyne ku-xigeenkiisa, J.D. Vance, haddii uu u tartamo xilka
madaxweynaha doorashada 2028-ka.
Waxa xusid mudan in Vance uu taagnaa dhabarka Trump markii
su’aashan la weydiiyay.
Trump ayaa ammaanay Vance, isaga oo ku tilmaamay qof “aad u
karti badan” iyo “qof aad u wanaagsan”. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in aanay
ahayn waqtigii ku habboonaa in laga hadlo arrimaha siyaasadeed ee mustaqbalka.
“Weli waa xilli hore. Waa inaan marka hore ka gudubnaa
doorashooyinka dhexe ee Mareykanka. Intaas kaddib, waxaan arki doonnaa sida
xaaladdu tahay,” ayuu yiri Trump.
Waxaa xusid mudan in J.D. Vance uu wareysi uu siiyay wariye
Mark Halperin ku sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu u tartami doono
doorashada madaxtinnimada.
Si kastaba ha ahaatee, Vance ayaa muujiyay rajada ah in
Trump uu taageeri doono haddii uu go’aansado inuu doorashada galo.
Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in ay weli aragtiyo iyo farriimo is-weydaarsanayaan Mareykanka, iyaga oo adeegsanaya Qatar iyo Pakistan.
Araqchi, oo wareysi siiyay shabakadda Al-Ikhbariya ee Ciraaq Talaadadii, ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay: “Marinka Hormuz ma aha marin-biyood caalami ah, wuxuu ku yaallaa biyaha dhuleed ee Iraan iyo Cumaan. Biyaha marinkani ma aha biyo caalami ah".
Wasiirka arrimaha dibadda Iraan ayaa Al-Ikhbariya u sheegay in Tehran iyo Muscat ay heshiis ka gaareen maraakiibta isaga kala gudbaysa Marinka Hormuz.
“Waxaa la diyaariyay khariidad gaar ah oo muujinaysa waddooyinkan, waxaana la go’aamiyay lana calaamadeeyay isku-duwayaasha juqraafiyeed ee marinnadaas. Sidaas darteed, haddii maalin uun Marinka Hormuz dib loo furayo, waddada ay Iraan iyo Cumaan ku heshiiyeen ayaa noqon doonta waddada rasmiga ah ee la isla oggol yahay in maraakiibtu maraan, mana noqon doonto waddo kale,” ayuu yiri Araqchi.
Iiraan oo beenisay in wafdi ka socda Qadar uu u safray dalkeeda
Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa beenisay wararka sheegaya in wafdi ka socda Qatar uu u safray Iran, iyadoo qortay: “Ma jiro wafdi ka socda Qatar oo u safray Iran".
Magaalada Tehran ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay booqashooyinka diblomaasiyadeed ee madaxda gobolka.
Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa booqday Tehran, taas oo ahayd booqashadiisii ugu horreysay tan iyo dagaalkii ay Israa’iil iyo Mareykanku la galeen Iran.
Saacad kaddib markii uu Lavrov ka baxay Tehran, taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, guddoomiyaha baarlamaanka, Mohammad Baqer Qalibaf, iyo Mohsen Rezaei.
Qatar iyo Pakistan ayaa door firfircoon ka ciyaarayay dhexdhexaadinta wada-hadallada u dhexeeya Iraan iyo Maraykanka
Mohsen Rezaei: "Walxaha nukliyeerka lagama saari doono Iiraan"
Xigashada Sawirka, ISNA
Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa kulan uu la yeeshay Asim Munir, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, ku sheegay: “In aysan ogolaan doonaa in hal qurub oo ka mid ah walxaha nukliyeerka ee la kobciyay laga saaro Iiraan”.
Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in aanay jiri doonin wax wadaxaajood ah ilaa Mareykanku dhiso kalsooni ama wax la isku halleyn karo. Wuxuu intaas ku daray in tallaabada ugu horreysa ee kalsoonida lagu dhisi karo ay tahay in la fuliyo shuruudaha Iraan.
Dhankiisa, Munir ayaa carrabka ku adkeeyay in la xalliyay dhibaatadii ka jirtay xuduudaha Iraan iyo Pakistan, isla markaana dhammaan goobihii laga gudbi jiray ee xuduudaha labada dal dib loo furay subaxnimadii maanta.
Taliyaha ciidamada Pakistan ayaa hadalkan ka sheegay wararka iyo sawirrada labadii maalmood ee la soo dhaafay la baahiyay, kuwaas oo ku saabsanaa xiritaanka xuduudda labada dal.
Saacado ka hor, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan, Esmail Baghaei, ayaa xiritaanka xuduudda sabab uga dhigay “arrimo farsamo."
Intii uu safarkan ku joogay Tehran, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, Mohammad Baqer Qalibaf.