Ruushku ma doonayaa inuu dhamaado dagaalka Bariga Dhexe?

Xigashada Sawirka, Dmitry LOVETSKY / POOL / AFP via Getty Images /dig.watch
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, Isniintii, booqasho lama filaan ahayd oo aan lasii ogayn.
Araqchi ayaa u safray St Petersburg isaga oo ka tagay Islmadabad, halkaasi oo ay ka qabsoomayeen wadahadalo Maraykanka iyo Iiraan, in kasta oo wakiilada Maraykanka aysan u safrin wakhtigan dalka Pakistan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa go'aansaday in aanu u dirin wadaxajoodayaasha magaalada Islamabad.
Sida laga soo xigtay warbixino warbaahineed, Tehran ayaa u sheegtay dowladda Maraykanka inay furto marinka Hormuz, lana soo afjaro dagaalka iyo in dib loo dhigo wadahadalada barnaamijka nukliyeerka Iran ilaa ogaysiis dambe.
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa u arka barnaamijka nukliyeerka Iiraan arrinta ugu muhiimsan ee ay tahay in laga wadaxaajoodo.
Maxay tahay sababta uu wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu u booqanayo Ruushka? Ma waxaa la gaaray dhammaadka dagaalka? Yaa hadda hoggaaminaya Iiraan?
Kuwani ayaa ah qaar kamid ah su'aalaha ay laanta afka BBC Russia ay kala hadashay khabiir arrimaha Iiraan ah oo lagu magacaabo Nikita Smagin.
Ugu horrayn bbc waxa ay wax ka weydiisay waxa laga wadaxaajooday iyo waxa ilaa iyo hadda ay wada gaareen.
Nikita Smagin ayaa yiri ''haddii aynu eegno warbixinada soo baxay intii lagu guda jiray wadaxaajoodyada iyo ka dib, waxaynu caddeyn karnaa wax walba si toos ah''
''Ruushku waxa uu taageeraa Iiraan, waxa ay samaynayaan wax walba oo nabad lagu keeni karo, Putin waxa uu helay farriin ka timid hoggaamiyaha diimeed ee dalka. Isla arrintaasi ayaa dhab ka ah dhinaca Iiraan''
Waxa uu sheegay in wadahadal dhacay laakiin arrinta ugu muhiimsan aysan dhaafi karin kaaliye milatari ''Waxa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda dhiggiisa Ruushka iy Putin. Dhinaca kale waxaynu ognahay wax walba oo laga wadahadlay la ogaan doono. Laakiin arrinta ugu muhiimsan ma dhaafsiisanaan doono kaaliye milatari''

Xigashada Sawirka, Gavriil Grigorov / POOL / AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khabiirka ayaa BBC ay wax ka weydiisay in sida ay hadda wax u socdaan ay Ruushku faa'iido u tahay marka loo eego maraakiibtooda shidaalka oo si kumeel gaar ah aan qayb uga ahayn cunaqabataynta Maraykanka, ayna u muuqato inay ka faa'iideysanayaan waxa ka socda marinka Hormuz.
Nikita Smagin ayaa sheegay ''Dhab ahaanta kororka colaada ee gobolka gacanka ay qayb ahaan faa'iido u tahay Ruushka''
Waxaa uu intaa ku daray in xaaladda hadda taagan ay cadaadis xooggan saarayso qiimaha shidaalka ayna dalab u tahay shidaalka Ruushka. Xataa dalalku waxa ay joojiyen muddo iibsashada shidaalka Ruushka, sida Hindiya oo dalkaasi dib ugu laabanaysa.
''Hadda Ruushku waxa ay doonayaan inay kaalmo milatari siiyaan Iiraan. Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah Ruushku inay xooraan sirdoon siinayo Iiraan gaar ahaan dagaalka socda. Waxa kale oo jira caddeyn in Ruushkuu u daad-guraynayo ama qorshaynayo inuu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed ay daabulo''
Waxa kale oo uu sheegay khabiirku, labadii sano ee lasoo dhaafay Ruushku uu siinayay Iiraan hub loo adeegsan karo Maraykanka, Israa'iil iyo dalalka gacanka, sida helikobtaro, hub iyo gaadiidka aan xabaddu karin.
''Laakiin hubka noocaas ah ayay u badan tahay in loo isticmaalo howlgalada gudaha IIraan, sida xakamaynta dibad-baxyada ama kahortaga wax kasta oo halis ku ah kacdoonka, intii lagu wajihii lahaa Maraykanka iyo Israa'iil''.
Maxaa ku dhacay wadahadaladii socday?
Nikita Smagin oo ka jawaabayay wareysiga BBC ayaa sheegay ''Tani waxa ay noqon kartaa fikrada Trump. Wakhtigii hore, Iiraan waxa ay diiday ka qayb galka wadahadalada, xaalkuna waxa uu noqday mid beddelan. Labada dhinac mid koodna inuu tago 'wadahadalka' oo sugo''
Smagin ayay ula muuqataa in Maraykanku uu kasoo dabcay halkii uu horay u taagnaa, mana jiro xaal ka baxsan, marka laga reebo inay diirada saarayaan barnaamijka nukliyeerka.
''Tilmaamaha ayaa ah in dhamman waxa uu Maraykanku doonayo ay tahay in Iiraan ay joojiso soo saarista Yuraanyoomta ayna ku waafaqdo inay beddesho xarumaha kobcinta Yuraanyoomta, iyada oo la hakinayo arrimaha kale, ugu yaraan hadda.
Yaa hadda hoggaaminaya Iiraan?
Nikita Smagin ayaa sheegay kadib dilkii furihii hoggaamiyayaasha go'aan gaarista qaab dhismeedka awoodda dalka 'Iiraan' ay gashay waji cusub.
''Waxa soo baxay ayaa ah in kuwa ugu saamaynta badan hadda ay yihiin xooggaga kacaanka. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada naf-ahaantooda ma midaysna, waxaana jira furino iyo kooxo badan''
''Tani waxa ay soo jeedinaysaa in xaalku uusan deggenayn. Qaar kamid ah hoggaamiyayaasha sare oo uu ku jiro taliyaha IRGC, Ahmad Vahidi uu leeyahay xubnood oo golaha isaga u shaqaynaysa, in kasta oo faahfaahinada aysan xaqiijin, sidoo kale Mohammed Baqer Zolghadr, madaxa golaha ammaanka qaranka oo beddelay Ali Larijani uu yahay sarkaal xagjir ah. Waxa ay u muuqataa xagjiriinta ay yihiin kuwa ugu badan'' ayuu yiri Smagin.
Hadda ayuu sheegay in wax walba oo Iiraan ay samayso ay baahan tahay talada dhowr hoggaamiye oo sare, kahor go'aan qaadasho ama tallaabo qaadis, maxaa yeelay wax walba waa muhiim.









