Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo war ka soo saaray colaada kala dhaxaysa Ukriane

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine ay ku dhowdahay dhammaad, isagoo la hadlayay weriyeyaasha kadib bandhig ciidan oo kooban oo ka dhacay Moscow, kaas oo lagu xusayay guushii Midowgii Soofiyeeti ee dagaalkii labaad ee adduunka.
"Waxaan u maleynayaa in arrintu ay ku dhowdahay dhammaad," ayuu yiri, isagoo tixraacaya waxa Ruushku ugu yeero "hawlgalka gaarka ah ee militari" ee Ukraine, isla markaana cambaareeyay taageerada reer Galbeedku siiyaan dowladda Kyiv.
Bandhigga sanadlaha ah ee Ruushka ma lahayn muuqaalkii caadiga ahaa ee taangiyada iyo gantaallada, sababo la xiriira walaacyo amni, maadaama mas'uuliyiintu ka cabsi qabeen in Ukraine ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarto Fagaaraha Cas ee Moscow.
Xabbad-joojin daqiiqadihii ugu dambeeyay la gaaray oo u dhexeysay Moscow iyo Kyiv, taas oo uu dhexdhexaadiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa yareysay khatarta weerar kasta, waxaana bandhiggu ku dhammaaday si nabad ah oo aan wax dhacdo ah dhicin.
Hadallada Vladimir Putin ayaa yimid saacado yar kadib markii uu khudbaddiisa Maalinta Guusha ku difaacay dagaalka.
Khudbaddaas ayuu ku sheegay in Ruushku uu wado dagaal "caddaalad ah", wuxuuna Ukraine ku tilmaamay "xoog gardarro ah" oo ay "hubeynayaan isla markaana taageerayaan dhammaan xubnaha ururka NATO."
Markii dambe, intii lagu jiray shir jaraa'id, markii la weydiiyay taageerada Reer Galbeedku siiyaan Ukraine, Putin wuxuu yiri: "Waxay Reer Galbeedku ballanqaadeen gargaar, kadibna waxay bilaabeen inay hurinayaan iska horimaad ka dhan ah Ruushka oo ilaa maanta socda. Waxaan u maleynayaa in arrintu ay ku dhowdahay dhammaad, laakiin waa arrin culus."
Ciidamada Ruushka ayaa qabsaday gobolka Crimea iyo qaybo ka mid ah bariga Ukraine sanadkii 2014, kadibna waxay bilaabeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah Ukraine bishii Febraayo 2022.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Vladimir Putin ayaa sheegay inuu la kulmi doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo keliya marka heshiis nabadeed oo waara la gaaro.
"Shir lagu qabto waddan saddexaad sidoo kale waa suurtagal, laakiin kaliya marka heshiisyada ugu dambeeya laga gaaro heshiis nabadeed oo leh aragti taariikheed oo muddo dheer ah, si looga qayb galo dhacdadan loona saxiixo heshiiska, balse waa inuu noqdaa tallaabada ugu dambeysa," ayuu sii raaciyay.
Putin wuxuu sheegay inuu maqlay in Zelensky uu diyaar u yahay kulan gaar ah, balse wuxuu intaa ku daray: "Ma aha markii ugu horreysay ee aan maqalno hadallo noocan ah."
Putin ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay wadaxaajood ku saabsan nidaamyo amni oo cusub oo Yurub ah, wuxuuna sheegay in qofka uu doorbidayo inuu la xaajoodo uu yahay Raysal Wasaarihii hore ee Jarmalka Gerhard Schröder.
Hoggaamiyihii hore ee Jarmalka ayaa muddo dheer saaxiib la ahaa Putin, waxaana muran dhaliyay shaqadiisa shirkadaha tamarta ee dowladda Ruushka leedahay.
Qayb ka mid ah heshiiskii xabbad-joojinta ee uu Mareykanku hormuudka ka ahaa dhammaadkii toddobaadka, Kyiv iyo Moscow waxay ku heshiiyeen is-weydaarsi min 1,000 maxbuus oo dal walba ah. Laakiin Putin ayaa Sabtidii sheegay in Ruushku aanu weli wax jawaab ah ka helin Ukraine oo ku saabsan is-weydaarsigaas.
Markii ugu horreysay ku dhowaad labaatan sano gudahood, wax qalab militari ah laguma soo bandhigin dabaaldegga Fagaaraha Cas ee Moscow, halkaas oo Kremlin-ku caadiyan ku soo bandhigo awoodda militari ee Ruushka si uu ugu muujiyo caalamka.
Waxaa sidoo kale aad u yaraa saxafiyiintii ka qeybgalayay munaasabadda, iyadoo hay'ado badan oo warbaahinta caalamiga ah aan loo oggolaan inay galaan ama tabiyaan dhacdada.












