You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow gantaalka qaaradaha isaga gudba ee Turkiga oo guuxiisa ka dheereeya 25 jeer
Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa soo bandhigtay gantaalkii ugu horreeyay ee qaaradaha isaga goosha ee dalkaasi samaysto, kaas oo loo bixiyay "Yıldırım Han".
Gantaalka Yıldırım Han ayaa maalintii ugu horreysay lagu soo bandhigay xuska caalamiga ah ee SAHA Expo ee magaalada Istanbuul, kaas oo bilaabmay 5-ta May islamarkaana socon doona ilaa 9-ka May.
Dhinac ka mid ah gantaalka waxaa ku sawiran astaanta Suldaankii Cusmaaniyiinta Bayezid I, halka qaybtiisa sare ay ku taallo astaanta Mustafa Kemal Atatürk.
Bayaan uu soo saaray wasiirka difaaca qaranka Turkiga, Yaşar Güler, ayuu ku sheegay in kani yahay gantaalkii ugu horreeyay ee dalka oo ku shaqeeya shidaal dareere ah, isla markaana leh astaamaha gantaallada hypersonic-ga.
Waxa uu sidoo kale sheegay in kani uu yahay gantaalkii ugu masaafada fogaa ee ay Turkigu abid sameeyaan.
Maxaan ka og nahay gantaalkan?
Ilaa hadda, xogta farsamo ee la heli karo ee ku saabsan gantaalkan waa mid xaddidan.
Sida ku qoran jaantus la dhigay agagaarka gantaalka lagu soo bandhigay, gantaalka "Yıldırım Han" wuxuu gaadhi karaa masaafo dhan 6,000 kiiloomitir. Waxa ku rakiban afar matoor, wuxuuna ku jari karaa xawaare 25 jeer ka dheereeya guuxa.
Gantaalkan waxa uu isticmaali doonaa shidaal dareere ah.
Gantaallaha ballistic-ga ee uu Turkigu leeyahay
Sanadihii u dambeeyay, warshadaha difaaca ee Turkiga ayaa soo jiidatay dareenka caalamka sababtoo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo nidaamyada gantaallada riddada dheer.
Bishii July ee sannadkii hore, intii lagu jiray bandhigga warshadaha difaaca ee lagu qabtay Istanbuul, Turkigu wuxuu soo bandhigay gantaalka ballistic-ga ah ee "Tayfun Block 4", kaas oo dhererkiisu yahay 10 mitir miisaankiisuna yahay 7,200 kiilogaraam.
Gantaalkan waxaa lagu tilmaamay "gantaalka ballistic-ga ah ee Turkiga ugu riddada dheer."
Sida ay sheegtay shirkadda sameysay gantaalka ee Roketsan, noocyada kale ee gantaallada Tayfun waxay leeyihiin ugu yaraan jaraan masaafo dhan 280 kiiloomitir, halka la qiyaasayo in Tayfun Block 4 uu gaadhi karo bartilmaameedyo fogaantoodu dhan tahay 1,000 kiiloomitir.
Intaa waxaa dheer, gantaal kale oo riddadiisu dhexdhexaad tahay oo ay sameysay Roketsan, laguna magacaabo "Cenk", ayaa la filayaa in uu gaadhi karo masaafo dhan 2,000 kiiloomitir.
Heshiisyada caalamiga ah ayaa xaddidaya soo saarista iyo dhoofinta gantaallada ballistic-ga ah ee riddada dheer, waxaana Turkigu saxiixay dhowr ka mid ah heshiisyadaas.
Sannadihii u dambeeyay, Ruushka ayaa adeegsaday gantaallo riddadoodu dhexdhexaad tahay si ay u beegsato bartilmaameedyo ku yaalla Ukraine. Sidoo kale, Iiraan ayaa ku weerartay Israa'iil gantaallo noocaas la mid ah.
Qaar ka mid ah khubarada ayaa aaminsan in mararka qaarkood si looga fogaado xayiraadaha caalamiga ah ay tahay in loo sheego in gantaalladu leeyihiin masaafo ka gaaban tan dhabta ah.
Maxay yihiin gantaallaha qaaradaha isaga goosha?
Gantaallada qaaradaha isaga goosha waa hub loo naqshadeeyay in lagu beegsado bartilmaameedyo aad u fog.
Hal gantaal ayaa lagu rakibi karaa dhowr madaxyo oo qarxa kuwaas oo awood u leh in ay isku mar beegsadaan bartilmaameedyo kala duwan.
Ruushka, Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka leh gantaallada qaaradaha isaga goosha.
Waxaa sidoo kale tiro kooban oo gantaalladan ah leh Ingiriiska, Faransiiska, Hindiya, Kuuriyada Waqooyi, Israa'iil iyo Iiraan.
Qaar ka mid ah gantaallada qaaradaha isaga goosha waxay qaadi karaan madaxyo nukliyeer ah, hase yeeshee isla gantaalladaas waxaa sidoo kale lagu isticmaali karaa walxo qarxa oo caadi ah.
Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya gantaallada ballistic-ga caadiga ah iyo kuwa qaaradaha isaga goosha waa masaafada iyo xawaaraha ay ku socdaan.
Gantaalka ballistic-ga caadiga ah wuxuu gaadhi karaa masaafo u dhexeysa 300 kiiloomitir ilaa 5,500 kiiloomitir, halka gantaallada qaaradaha isaga goosha ay gaadhi karaan masaafo ka badan 10,000 kiiloomitir.