You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo sheegay in Mareykanka uu hakinayo howlgalkii lagu hagayay maraakiibta marinka Hormuz

Rubio wuxuu sheegay in Trump uu hadda doorbidi doono inuu heshiis la gaaro Iiraan oo ay ku jiraan heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan sida si buuxda loogu furi karo marin biyoodka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iiraan iyo Sacuudiga oo telefoonka ku wada hadlay

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, oo ku sugan caasimadda Shiinaha, ayaa Beijing ka soo wacay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Faisal bin Farhan.

    Barta Telegram ee Mr. Araqchi ayaa lagu sheegtay in wicitaankan, labada dhinac "ay ku nuuxnuuxsadeen sii socoshada waddada diblomaasiyadda iyo iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka si looga hortago soo ifbaxa iyo sii kordhinta xiisadda.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan taleefankan lama shaacin.

    Shiinaha ayaa ah dhexdhexaadiyaha xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Sacuudi Carabiya, kaasoo go'ay muddo toddobo sano ah ka dib weerarkii safaaradda Sacuudiga ee Tehran oo ay geysteen arday Basij ah.

    Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ee Shiinaha ayaa ku soo beegantay ka hor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo dalkaas.

    Sidoo kale akhri

  2. Faransiiska oo sheegay in mid kamid ah maraakiibtiisa lagu weeraray Hormuz

    Kooxda maraakiibta Faransiiska ee CMA CGM ayaa saaka ku dhawaaqday in mid ka mid ah maraakiibteeda, San Antonio, la bartilmaameedsaday xilli ay marayeen marin biyoodka Hormuz Talaadadii, 5-tii Maajo, taasoo keentay burbur soo gaaray markabka marka laga soo tago dhaawaca qaar ka mid ah shaqaalaha.

    Shirkaddu waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in shaqaalihii ku dhaawacmay weerarka laga wareejiyay markabka isla markaana la siiyay daryeel caafimaad.

    Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu ma aysan cayimin cidda mas'uulka ka ahayd weerarkii San Antonio, laakiin Iiraan ayaa hore u shaacisay inay beegsan doonto maraakiibta iyada oo aan ogolaansho ka haysan Ilaalada Kacaanka ee ku sugan Gacanka Hormuz.

    Sidoo kale akhri

  3. Sheekh caan ah oo ka digay guurka haweenka badan

    Imaamka ugu sarreeya jaamacadda Islaamiga ah ee dalka Masar ee Al-Azhar ayaa sheegay in guurka haweenka badan uu "Caddaalad darro ku noqon karo dumarka iyo carruurta".

    Sheekh Axmed al-Tayeb oo ah mas'uulka ugu sarreeya dariiqada Sunniga ayaa sheegay in badanaa guursiga haweenka badan ee la isla kulmiyo, oo dabcan ku eg ilaa 4, ay sabab u tahay "Khalad laga fahmay ayaadda qur'aanka ah ee qodobkaas ku saabsan".

    Hadalkan ayuu sheekhu ku shaaciyay barnaamij isbuucle ah oo uu Telefishinka ku leeyahay iyo barta Twitterka.

    Hase yeeshee, ka dib markii uu muran badan dhaliyay dhawaaqa kasoo yeedhay Sheekh Axmed, maamulka Jaamacadda Al-Azhar ayaa caddeeyay in Sheekha ujeeddadiisu aysan ahayn in la mamnuuco isla guursashada haweenka badan.

    Wuxuu Sheekh Axmed al-Tayeb mar kale ku celiyay in guursashada 1 dumar ah ay tahay sharciga guud, balse in dumar hal ka badan la isla guursado ay tahay qodob gooni ah oo ay shuruudo ku xidhan yihiin.

    "Dadka dhaha in haween badan la isla guursado waa qodob waajib ah, kulligood way khaldan yihiin", ayuu yidhi.

  4. War deg deg ah, Israa'iil oo amaro iyo digniin u dirtay 12 magaalo

    Ciidanka Israa'iil ayaa soo saaray digniin degdeg ah, iyagoo ku boorriyay dadka deggan 12 magaalo iyo tuulooyin ku yaal koonfurta Lubnaan inay ka baxaan guryahooda.

    Digniinta weerarka cirka ee Israa'iil waxaa ka mid ah meelaha waqooyiga ka xiga Webiga Litani.

    Digniinta ayaa lagu sheegay in Xisbullah ay jebisay heshiiskii xabad joojinta.

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee u dhow ciidamada ama xarumaha Hezbollah ay halis ku jiraan.

    Waxay imaneysaa iyadoo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay in Mareykanka uu hakinayo howlgalkii lagu hagayay maraakiibta marinka Hormuz.

    Wali ma helin jawaab rasmi ah oo ka timid mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Iiraan oo ku aaddan “joojinta Trump ee howlgalka Mareykanka ee lagu hagayo maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz.

    Laakiin dhowr warbaahin oo Iiraaniyiin ah ayaa ku dhawaaqay in tallaabada u uku dhawaaqay Mareykanka uu yahay guul u soo hoyatay Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  5. 6 dawo oo awoodda ragga hoos u dhigta, Soomaaliduna aad u isticmaasho

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

    Xanuun-baabi'iye

    Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

    Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

    Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

    Daawada walwalka

    Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada.

    Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

    Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.

  6. Haween lala xiriirinayo koox ka dagaalanta Soomaaliya oo dalkooda dib loogu soo celinayo

    Dowladda Australia ayaa xaqiijisay in saddex iyo toban muwaadiniin Australian ah oo lala xiriirinayay xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Daacish ay ka soo laabanayaan Suuriya.

    Bayaan ay soo saartay, wasiiradda arrimaha gudaha (Tony Burke) ayaa lagu sheegay in dowladdu aysan caawin doonin kooxda ka kooban afar haween ah iyo sagaal carruur ah.

    Taliyaha booliiska federaalka, Krissy Barrett, ayaa sheegtay in qaar ka mid ah haweenka la xiri doono laguna soo oogi doono dacwado marka ay yimaadaan Khamiista berri, iyadoo ku dartay in qorsheynta hawlgallada soo laabashadooda ay socotay tan iyo 2015-kii.

    Ms Barrett waxay sheegtay in carruurta loo sameyn doono barnaamijyo is- dhexgal bulsho, isla markaana la siin doono taageero la-talin ah.

    Sidoo kale akhri

  7. Xabiibo Xasan waxay toddobo sano biileysay nin aabbeheed iska dhigay, oo xitaa nin ku mehriyay! - warbixin hore

    Xabiibo Xasan waxay ku dhalatay magaalada Qoryooley sannadkii 1981. Waxay curad u aheyd qoys danyar ah.

    Aabbeheed Xasan Aadan wuxuu shaqaale ka ahaa beer ku taallay duleedka Qoryooley. Hanad iyo Xaawo oo ahaa lammaane ladan oo Muqdisho ku noolaa ayaa 1989-kii waxay dalxiis u tageen beertii uu Xasan Aadan ka shaqeynayay.

    Hanad ayaa la sheekeystay Xasan Aadan, wuxuuna ogaaday duruufta adag ee Xasan iyo qoyskiisu ku nool yihiin.

    Hanad wuxuu Xasan Aadan u sheegay in ay u joogaan carruur yaryar, ayna u baahan yihiin gabar guriga ka shaqeysa oo carruurtana u heysa, oo ay sidoo kalena wax u baraan. Xasan Aadan wuxuu qoyskii soo siiyay Xabiibo oo 8 jir ah, waxayna ku soo laabteen gurigoodii oo ku yaallay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan.

    Labo sano ka dib, 199-dii waxaa Muqdisho ka qarxay dagaalladii sokeeye, qoyskii Hanad ee Xabiibo la nooleedna waxay u qaxeen xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, halkaas oo ay uga sii gudbeen Mareykanka.

    Xabiibo waxay mar kasta isweydiin jirtay halka ay ku dambeeyaan waalidkeed iyo walaalaheed, waxaase adkaatay in ay su’aashaas jawaab u hesho maadaama ay isgaarsiintu adkeyd. Xabiibo waxay Mareykanka ku dhammeysatay Dugsi Sare 2001, ka diba waxay shaqo ka heshay warshad digaagga lagu qalo.

  8. Markii Kim Jong-un dilay adeerkiis ninkii lacagta u keeni jiray muxuu sameeyay

    Dabeecadihii hore ee ku saabsanaa qarinta sirta wali kama aysan dhammaanin Kim Kuk-song.

    Dhowr isbuuc ayay qaadatay inaan helno si aan wareysi ula yeelanno, walina waxa uu ka walwalayaa cidda dhageysan doonta. Waxa uu xiran yahay okiyaale madoow oo uu kaga gabbaday kaamirada, labo qof oo ka mid ah shaqaalaheenna oo kaliya ayaana yaqaanna waxa aan u maleyneyno inuu yahay magaciisa dhabta ah.

    Mr Kim waxa uu 30 sano kasoo shaqeynayay hay'adda awoodda badan ee sirdoonka Kuuriyada Waqooyi, taasoo uu darajooyin sare ka gaaray muddadaas. Laamaha sirdoonka waxay ahaayeen "indhaha, dhagaha iyo maskaxda hoggaamiyaha ugu sarreeya,", ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay inuu soo ilaaliyay sirtooda, dad wax dilana uu u adeegsaday inay soo khaarijiyaan shakhsiyaadka dhaliila iyaga, sidoo kalena uu dhisay shirkad daroogada sameysa oo ka caawisa dhawaalaha "kacaanka".

    Hadda, korneylkan hore ee darajada sare ahaa waxa uu go'aansaday inuu sheekadiisa la wadaago BBC-da. Waa markii ugu horreysay ee sarkaal xil sare kasoo qabtay militariga xukuumadda Pyongyang uu wareysi siiyo warbaahin wayn.

    Mr Kim waxa uu ahaa "ninka ugu cad kuwa cad cad", sida uu ku sheegay wareysiga khaaska ah. Waxa uu ahaa nin daacad u ah shaqada uu u hayay dowladda hantiwadaagga ah.

  9. Sida warbaahinta Iiraan ay u fasirteen tallaabada Mareykanka

    Wali ma helin jawaab rasmi ah oo ka timid mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Iiraan oo ku aaddan “joojinta Trump ee howlgalka Mareykanka ee lagu hagayo maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz.

    Laakiin dhowr warbaahin oo Iiraaniyiin ah ayaa ku dhawaaqay in tallaabada u uku dhawaaqay Mareykanka uu yahay guul u soo hoyatay Iiraan.

    Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa qortay in "Trump uu dib u gurtay" iyo in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayay "inuu qariyo fashilka" hawlgalka.

    Iyadoo wakaaladda wararka ee IRNA ee dowladda Iiraan ay ku tilmaantay "jabkii Mareykanka" waxayna sheegtay in Trump uu isticmaalay "kaarkiisii ​​ugu dambeeyay".

    Sidoo kale akhri

  10. Trump oo soo saaray war ka duwan kii hore

    Sida aan horey u soo sheegnay, Trump ayaa Talaadadii soo dhigay bartiisa Twitter-ka inuu joojinayo howlgalka milatari, oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay Axaddii, kaas oo lagu hagoyo maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz.

    Waa kan qoraalkiisa oo dhammaystiran:

    Iyada oo lagu saleynayo codsiga Bakistaan ​​iyo Dalal kale, Guusha Militari ee baaxadda leh ee aan ka gaarnay Ololaha ka dhanka ah Dalka Iiraan iyo, sidoo kale, xaqiiqda ah in Horumar Weyn laga gaaray Heshiis Dhammaystiran oo kama dambays ah oo lala galay Wakiillada Iiraan, waxaan si wadajir ah isugu raacnay in, in kasta oo Go'doominta ay sii ahaan doonto mid si buuxda u dhaqan gasha, Mashruuca Xorriyadda (Dhaqdhaqaaqa Maraakiibta ee Maraya Marinka Hormuz) la hakin doono muddo gaaban si loo arko in Heshiiska la dhammaystiri karo oo la saxiixi karo iyo in kale. Madaxweyne DONALD J. TRUMP

    Trump wuxuu sheegay in "Mashruuca Xorriyadda", oo bilaabatay maalmo ka hor, lagu joojin doono "heshiis labada dhinac ah" sababtoo ah "horumar weyn" ayaa laga gaaray heshiis lala galay Iiraan, ayuu yiri Trump.

    Warbaahinta dowladda Iiraan tallaabadan ku tilmaantay guul, iyagoo sheegay in hakadku uu muujiyayo in Trump uu "dib uga laabtay" ka dib "ku guuldarreysiga joogtada ah" ee dib u furida marin biyoodka muhiimka u ah maraakiibta caalamiga ah.

    Sidoo kale akhri

  11. Rubio oo sheegay in 'Operation Epic Fury' uu dhammaaday

    Kahor inta uusan Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqin in Mareykanku uu joojin doono "Mashruuca Xorriyadda", Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa warbixin kooban ka jeediyay Aqalka Cad isagoo xaqiijiyay in "Howlgalka Cajiibka ah" - oo loo bixiyay weerarkii ugu horreeyay ee Mareykanka iyo Israa'iil ay ka geysteen Iiraan - uu dhammaaday.

    "Howlgalka Epic Fury waa la soo gabagabeeyay. Waxaan gaarnay ujeeddooyinka hawlgalkaas," ayuu yiri Rubio, isagoo intaa ku daray in marxaladdii weerarka ee dagaalka Iiraan ay "dhammaatay".

    Rubio wuxuu sheegay in Trump uu hadda doorbidi doono inuu heshiis la gaaro Iiraan oo ay ku jiraan heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan sida si buuxda loogu furi karo marin biyoodka Hormuz.

    "Waa wadada uu doorbidayo. Taasi ilaa hadda ma aha wadada ay Iiraan dooratay," ayuu yiri Rubio.

    Sidoo kale akhri

  12. Maxay dadka dheer yihiin raggan ay dumarku u doontaan uurka?

    Haweeney Jarmal ah ayaa tagtay magaalada Ladakh waxayna maalmaheedii ku qaadatay inay la sheekaysato nin u dhashay deegaanka.

    Waxay halkaa u tagtay oo keliya inay uur yeelato, haddaba maxay tahay sababta ku kalliftay in ay dalkeeda kasoo safarto si ay xiriir ula sameyso nin kale oo ajinabi ah?

    Sababta ayaa ah dadka deegaanka Brokpa.

    Dooxada Indus ee magaalada Ladakh waxaa ku yaal tuullooyin lagu magacaabo Biama, Dah, Hanu iyo Darchik. Ilaa 5000 oo qof oo ka mid ah bulshada Brokpa ee deegaankan ku nool ayaa isku haysta inay yihiin 'dad nadiif ah'.

    Kor u qaadista iyo faafinta xogtooda lagu baahiyay baraha bulshada ee macluumaadka ku saabsan dadkan Brokpa, ayaa gaaray meel kasta oo adduunka kamida. Waxaa la sheegay in haweenka ka yimaada dalalka caalamka ay halkaas u tagaan 'dalxiiska uurka'.

    Haddaba haween ajaanib ah ayaa halkaas u taga iyagoo damacsan inay uur qaadaan, si ay u dhalaan carruur ka dhalatay qowmiyaddan loo yaqaanno Aryan-ka, iyagoo xiriir la sameynaya ragga deegaanka.

  13. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Iiraan oo ku kulmay Beijing.

    Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa Arbacadii la kulmay dhiggiisa Iiraan, Cabbas Araghchi, si ay wadahadallo ugu yeeshaan Beijing, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Araghchi ayaa lagu waday inuu "kala hadlo xiriirka labada dhinac iyo horumarka gobolka iyo kan caalamiga ah" Wang, sida ay hore u sheegtay wakaaladda wararka ee Fars ee Iiraan.

    Safarka Araghchi wuxuu ka hor imaanayaa booqasho uu Donald Trump ku tagi doono Shiinaha toddobaadka soo socda, kaasoo la filayo inuu la kulmo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

    Trump ayaa dib u dhigay safarkiisa ka dib markii maamulkiisa iyo Israa'iil ay weerar ku qaadeen Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  14. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay tallabo ay Iiraan guul u aragto

    Hawlgalkii Mareykanka ee lagu hagi lahaa maraakiibta ku xayiran marin biyoodka Hormuz ayaa la hakin doonaa "muddo gaaban", sida uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay fiidnimadii Talaadada.

    Trump wuxuu sheegay in "Mashruuca Xorriyadda", oo bilaabatay maalmo ka hor, lagu joojin doono "heshiis labada dhinac ah" sababtoo ah "horumar weyn" ayaa laga gaaray heshiis lala galay Iiraan, ayuu yiri Trump.

    Warbaahinta dowladda Iiraan tallaabadan ku tilmaantay guul, iyagoo sheegay in hakadku uu muujiyayo in Trump uu "dib uga laabtay" ka dib "ku guuldarreysiga joogtada ah" ee dib u furida marin biyoodka muhiimka u ah maraakiibta caalamiga ah.

    Ku dhawaaqista madaxweynaha Mareykanka ee arrintan ayaa timid iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu sheegay in weerarkii ugu horreeyay ee Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan - Hawlgalkii Epic Fury - uu dhammaaday ka dib markii uu gaaray yoolkiisii.

    Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Trump wuxuu ku sheegay inuu go'aanka gaaray "iyadoo lagu saleynayo codsiga Pakistan", oo ahayd dhexdhexaadiye u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan. Wuxuu intaas ku daray in xayiraadda Mareykanka ee dekedaha Iiraan ay sii jiri doonto.

    Ku dhawaaqista Trump ayaa laga yaabaa inay dad badan la yaabaan. Waxay hoos u dhigaysaa farriin maalinle ah oo ka timid Rubio, xoghayaha difaaca Pete Hegseth iyo guddoomiyaha Joint Chiefs Gen. Dan Caine - dhammaantoodna waxay wacad ku mareen in hawlgalku uu xaqiijin doono xorriyadda marin-haweedka iyo ganacsiga ee Gacanka Hormuz iyo Gacanka Faaris.

    Waxa xiga ee dhici doona ma cadda. Maamulku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Project Freedom uu ahaa olole "kala duwan oo ka duwan" xayiraadda, kaas oo loogu talagalay in lagu cadaadiyo Iran dhaqaale ahaan.

    Sidoo kale akhri

  15. Maxaa ka jira in Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta ay duqeeyeen Suudaan?

    Kadib markii Suudaan ay sheegtay in uu jiro weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo ay fuliyeen Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, kaas oo lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Khartuum, Itoobiya ayaa si adag u beenisay eeddaas.

    Eedeynta ay Suudaan hadda soo bandhigtay ayaa lagu tilmaamay mid ujeedkeedu yahay in la sii xumeeyo faragelinta dalal shisheeye ee dagaalka ka socda Suudaan.

    Afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Suudaan, Sarreeye Guuto Caasim Cawaad Cabdilwahaab, ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay haysato "caddeymo ku filan" oo muujinaya in Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay si toos ah gacan uga geysteen weerarkaasi.

    Waxaa kale oo uu sheegay in weerarkaasi uu sababay in garoonka diyaaradaha Khartuum la xiro lana joojiyo adeeggiisii muddo 72 saacadood ah.

    Illaa iyo hadda wax jawaab ah kama bixin Imaaraadka Carabta eedeynta Suudaan, hase yeeshee Itoobiya waxay soo saartay bayaan ay si cad ugu beenisay eedahaasi.

  16. Markab Faransiis ah oo lagu weeraray meel u dhow Dubai

    Telefishanka CBS ee Maraykanka oo wada shaqayn ay kala dhaxayso BBC-da ayaa wariyay isaga soo xiganaya saraakiil Maraykan ah in markab xamuul ah oo ku sugan Gacanka Beershiya, meel u dhow Dubai, lagu la beegsaday gantaal la tuhunsan yahay in uu yahay cruise missile, kaas oo sababay dhaawacyada dhowr xubnood oo shaqaalaha markabka ah.

    Markabka Faransiiska leeyahay ee CMA CGM San Antonio ayaa la beegsaday habeenkii Talaadada goor dambe waqtiga maxalliga ah, sida ay saraakiishu sheegeen. Markabku wuxuu ku sugnaa meel u dhow Dubai ilaa duhurkii maalintaas, balse lama hubo inuu ka dhaqaaqay tan iyo markaas, sida ay muujinayaan xogta raadraaca maraakiibta ee dadweynaha.

  17. Maxay tahay ujeeddada booqashada Cabbaas Araghchi ee Shiinuhu?

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa gaadhay Beijing isagoo hoggaaminaya wafdi diblomaasiyadeed oo ka socda dalkiisa.

    Mr. Araghchi waxaa la filayaa inuu kulamo iyo wadahadallo la yeesho dhiggiisa Shiinaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan Beijing inta uu safarkan ku jiro.

    Booqashada Araghchi waxay imaanaysaa maalmo yar ka hor safarka taariikhiga ah ee Donald Trump uu ku tagayo dalkaas, halkaas oo hoggaamiyeyaasha labada quwadood ee ugu waaweyn dhaqaalaha dunida la filayo in ay si faahfaahsan uga wada hadlaan dagaalka Iiraan.

  18. Maxaa ka jira in uu is casilayo madaxweynihii Iiraan?

    Laba masuul oo sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Iran ayaa beeniyay jiritaanka khilaaf u dhexeeya Masoud Pezeshkian iyo taliyeyaashaKacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, iyo sidoo kale suurtagalnimada inuu iscasilo.

    Mehdi Tabatabaei, ku xigeenka agaasimaha isgaarsiinta iyo macluumaadka ee xafiiska madaxtooyada, ayaa u sheegay ISNA: “Iscasilaaddu kuma jirto dabeecadda dhakhaatiirta,” isagoo raaciyay, “Xaaladaha adag ee uu dalka wajahayo xitaa ma u oggolaanayaan inuu ka fikiro iscasilaad.”

  19. Arsenal oo dib u soo noolaatay tan iyo 2006-dii

    Dabaaldeg weyn ayay muujinayaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha Arsenal.

    Waxay gaadheen finalkoodii ugu horreeyay ee UEFA Champions League tan iyo 2006, waana markii labaad ee ay halkan soo gaadhaan taariikhdooda.

    Ciyaartu ma ahayn mid aad u qurux badan, laakiin Gunners muhiim ayay u ahayd.

  20. DHAMMAAD

    Arsenal ayaa iska xaadirisay dhammaadka Horyaalka Champions League-ga.