"Iiraan waxay heysataa 48 saacadood" - Trump
Iiraan ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso soo jeedinta Maraykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka Gacanka, kadib warar sheegayay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis.
Warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa Arbacadii werisay in Aqalka Cad uu aaminsan yahay in uu ku dhow yahay heshiis is-afgarad ah oo ka kooban 14 qodob oo lala gaarayo Iiraan.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in uu jirto horumar iyo dardar ku saabsan wadaxaajoodyada uu dalkiisu ka caawinayo dhexdhexaadinta heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.
Shehbaz Sharif ayaa hadalkan sheegay kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu hakiyay hawlgal militari oo bilaabmay Isniintii la soo dhaafay, kaas oo qorshuhu ahaa in lagu furdaamiyo maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz Strait oo xiran Iran tan iyo 28 Febraayo ee sannadkan.
Mr Trump ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in dhabbaha loogu xaaro heshiis lala gaari karo Iiraan.
Wararka ayaa tilmaamaya in Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhow yihiin inay ku heshiiyaan in dagaalka la soo afjaro.
Sida laga soo xigtay wargeyska Mareykanka ee Axios, Aqalka Cad ayaa tilmaamay inuu ku dhow yahay inuu gaaro heshiis xabad joojin ah.
Sida laga soo xigtay warbixinta, soo jeedinta Aqalka Cad waa dukumeenti hal bog ah oo ka kooban 14 qodob.
Qaar ka mid ah dalabaadka ayaa ah in Iiraan ay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka, ay ka qaaddo cunaqabataynta, isla markaana ay furto marin biyoodka Hormuz.
Mashruuca nukliyeerka iyo furitaanka marin biyoodka Hormuz waa arrimo ay labada dal isku khilaafsanaayeen.
Sidoo kale akhri