You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Ivanka, na dhaaf': Gabadha Trump iyo ninkeeda oo buuq dhexda uga jirta dalka Albania
- Author, Kaine Pieri
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Dibad-baxayaashu waxay socod dheer ku marayeen magaalada Tirana ee caasimadda Albania maalmo, iyagoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo dalbanaya in la joojiyo horumarinta dalxiiska raaxada ee lagu eedeeyay Ivanka Trump iyo Jared Kushner.
Waxaa jira calamada Albania iyo halku dhigyo ka dhan ah musuqmaasuqa oo ay wateen dibad baxayaashu, laakiin sidoo kale sawirro badan oo ah gabadha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo flamingo basali ah oo ifaya, oo qeyb ka ah ololaha sii kordhaya ee ka dhanka ah gabadha iyo ninkeeda, Kushner, kaa oo ay dadku ugu baaqayaan "inay wadankooda aadaan".
Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada booliska iyo dadka banaanbaxa dhigaya ee ayaa ahaa kuwo aad u baahsan, waxaana dadka ay ku dhawaaqayeen " baabi'iya mashruuca" waxaana ay siteen boorar ay ku qoran yihiin "Albania iib ma ahan".
$1.6bn oo doolar ayaa lagu wadaa in laga hormariyo jasiiradda iyo dhul kale oo ku yalla xeebta Albania oo u dhow guri lagu ilaaliyo flamingaha, humbuburada iyo diidiin badeedka.
Raiisel wasaare Edi Rama ayaa taageeraya qorshaha, wuxuuna ku tilmaamay 4 bilyan oo Yuuro aragti gobolka u fiican taasoo keeni doonta shaqo iyo horumarka kaabayaasha labadaba.
Jasiiradda soo jiidatay indhaha Ivanka Trump
Jasiiradda Sazan ee aan la degganayn oo dhan 5.7 kiiloo mitir oo laba jibbaaran ayaa ku taal badda Adriatic ee xeebta Vlora, oo ah magaalo ku taal koonfur-galbeed Albania.
Jasiiraddu waxay ahaan jirtay saldhig millatari oo istiraatiiji ah intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo markii dambe noqotay qayb ka mid ah shabakaddii difaaca ee Midowgii Soofiyeeti sannadihii 1950-aadkii, waxayna sii ahaan jirtay xarun si adag loo ilaaliyo xitaa ka dib markii Albania ay ka go'day USSR.
Kumanaan dhufayso ah, godad dhulka hoostiisa mara jasiiradda, iyo tiro badan oo hub aan qarxin ah ayaa weli ku firirsan badda gunteeda iyo xeebta dhagxaanta lehba.
Iyadoo hadlaysa muuqaal looga duubay Maraykanka, Ivanka Trump waxay sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay si kama ah ula dhaceen jasiiradda.
"Waxaan saarnayn doon saaxiibkeen leeyahay, waxaana u istaagnay dabaal." ayay u sheegtay David Senra podcast. "Waxaan keenay fursad aan aan ku muujinayno awoodeeda oo aan ku bedelayno iyada dhan, laakiin waxay u baahan tahay xakamayn iyo daryeel badan sababtoo ah dhulku aad buu u qurux badan yahay."
Tani waxay soo jiidatay dad badan oo faallooyin ka bixiyay muuqaalka sida "Albania iib maaha!" ama "Fara nagala bax" oo ay weheliyaan emojis calanka Albania ah.
Maxay dadka deegaanku uga soo horjeedaan horumarka?
Bishii Jannaayo, 40 ururo deegaan ah ayaa ku baaqay in la joojiyo qorshayaasha dalxiiska, iyaga oo ka digayay waxyeello aan laga soo kaban karin oo soo gaari karta noolaha deegaanka.
"Waxaan rabnaa in dhammaan dhismuhu istaago oo mashiinnada culus laga saaro aagga la ilaaliyo," ayuu yiri Joni Vorpsi, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga deegaanka oo ka tirsan ururka PPNEA-BirdLife Albania oo la hadlayay Reuters.
"Waxay gabi ahaanba burburin doontaa duurjoogta gobolkaas."
Mudaaharaadyadii ugu horreeyay ayaa billowday dabayaaqadii bishii May ee sanadkan kaddib markii la rakibay silig lagu wareejiyay meelaha laga galo xeebta Zvernec, oo ah meel ka mid ah dhul xeebeedka ka soo horjeeda jasiiradda Sazan oo u dhow goobaha xayawaanka lagu ilaaliyo.
Dhismaha hoteello qaali ah iyo guryo fillo ah ayaa qayb ka ahaa qorshayaashii maalgashi ee uu ku dhawaaqay wiilka uu soddogga u yahay Trump sannadkii 2024-kii.
"Waxaan maanta halkan u joognaa sababtoo ah waxaan rabnaa inaan aadno dhulkeena Zvernec," ayuu yiri Stavros Balli, oo ka mid ahaa dhowr boqol oo mudaaharaad ka dhigay bannaanka xeebta Zvernec.
Muuqaalo laga soo duubay mudaharaadka ayaa muujinayay ilaaladii goobta oo dadka ka soo jiidaya aagga iyo sidoo kale dad la ildaran dhaawacyo la sheegay in uu ka dhashay basbaas lagu sayriyay, taasoo keentay in maamulka uu shatiyada kala noqdo labo shirkadood oo kuwa gaarka loo leeyahay ah, shaqadana laga joojiyo dhowr askari oo boolis ah.
Laakin dhamaan dadku kama shakisna mashruucaan, sida nin kamid ah dadka deegaanka, Brian Negatorre oo ka shaqeeya dalxiiska.
"Qof walba wuxuu ogaan doonaa hadda Albania waa uun sanadaha soo socda, waa wax aan dhammaanteen aan ku riyoonay."
Waxa uu la kulmay ina Trump markii ay booqatay gobolka Vlora bishii Janaayo, iyadoo ay weheliyaan naqshadeeyayaasha iyo maalgashadayaasha, wuxuuna ku martigeliyay iyada iyo Ra'iisul Wasaare Rama labadaba goobta dalxiiska ee qoyskiisa.
Yaa ka dambeeya mashruuca?
Dabayaaqadii 2024, dawladdu waxay siisay 'maalgalin istiraatijiyadeed' 'Atlantic Incubation Partners', oo ah shirkad xiriir la leh Kushner.
Heshiiska ayaa siinaya shirkadda marin u helida hababka maamul ee degdega ah iyo taageerada wasaaradaha dowladda, sida ku cad dukumeenti ay aragtay AFP.
Mar ay BBC-da wax ka weydiisay in ay faallo ka bixiso, shirkadda Kushner ganacsiga la wadaagta, Asher Abehsera, ayaa sheegtay in mashruucu uu diiradda saarayo "maamulis masuuliyad wadata" iyo horumarinta deegaanka, iyo sidoo kale abuurista shaqooyin iyo in qiimaha bulshooyinka maxalliga ah uu siyaado.
BBC waxay la xiriirtay Trump Organization si ay faallo uga bixiso, laakiin wax jawaab ah kama helin.
Raiisal wasaare Edi Rama ayaa difaacay mashruuca wuxuuna sheegay in aysan jirin "fursad" horumarku uu ku joogsanayo inta uu hogaamiye ka yahay dalka.
Waxa uu sheegay in uu u furan yahay in uu kala hadlo "qof kasta oo wax tabanaya" wuxuuna ku casuumay dibadbaxayaasha in ay doortaan ergo ka kooban 20 qof si ay ugala hadlaan xalalka suurtagalka ah. Soo jeedintan ayaa waxaa ku gacan seyray qaban qaabiyaasha dibadbaxa, kuwaasoo hadda ku baaqaya inuu iscasilo.
Hay'adda la dagaalanka musuq-maasuqa ee gobolka Albania ayaa xaqiijisay inay furtay baaritaan la xiriira mashruucan, balse ma aysan shaacin faahfaahinta.
Kushner waxa uu mashaariic horumarineed oo la mid ah ka waday dalalka Balkans-ka. Mashruuc dalxiis oo loo soo jeediyay Serbia ayaa noqoday mawduuca muran ka taagan yahay gaar ahaan heerka dhaxalka ee goobta. Xariga wasiir ka tirsan dawladda oo ku takri-falay xafiiska oo la xiriira mashruucan ayaa ugu dambayntii Kushner ku kalifay in uu isaga baxo horaantii sanadkan.
Taariikhda Albania ee muranka dhulka
Dawladdu waxay sheegtay in dhulka loo qoondeeyay mashruuca uu yahay mid si gaar ah loo leeyahay - gaar ahaan xeebta Zvernec - laakiin sheegashooyin is khilaafaya ayaa soo baxay oo su'aal ka keenaya gaar-ahaanshiyaha, nooc ka mid ah muranka sharci ee caadiga ah ayuu yiri Vladimir Karay, oo ah saxafi maxalli ah oo ka tirsan Shabakadda the Balkan Investigative Reporting Network.
"Khilaafka hantida waa mid ka mid ah iskahorimaadyada ugu waaweyn ee dalka. In ka badan 10 sano ka hor, ugu yaraan saddex meelood meel kiisaska dilka ee Albania waxay la xiriireen iskahorimaadyada hanti ku saabsan welina waxaa jira kiisas ugu yaraan hal ama laba jeer sannadkii, sannad kasta," ayuu yiri.
Kadib dhicitaankii dawladii shuuciga ahayd ee Albania - oo ay hoos imanaysay dhamaan hantidii ay dawladu lahayd - wadanku waxa uu galay isbadal qasan oo lahaanshaha dhulka gaar ah ku saabsan sagaashamaadkii, iyada oo sheegashooyinka is haysta ay sababeen rabshado.
"Bilowgiiba waxay abuurtay colaado, xataa tuulooyin yar yar, tuulo ilaa tuulo, guri ilaa guri, dadku waxay dhihi jireen dhulkani waa dhulkii aabbahay laga qaatay, mana yeelayno."