You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaan ka ognahay waxa ka dhacay gudaha Hotel Elite?
Ciidamada amaanka ee gobolka banaadir ayaa gudaha hotel Elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay galabta hub iyo saanad kale oo ay sheegeen in ay ka dhex heleen huteelka.
Sida ka muuqata sawiro lagu daabacay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda, hubka ayaa waxaa ka mid ah qoryaha Ak-47, BKM iyo daroono, kuwaa oo aan la cadayn in hub ahaan loo isticmaalo iyo in kale.
Balse sida uu sheegay Booliska gobolka Banaadir hubka laga soo bixiyay hotelka ayaa isugu jira; diyaarado daroono ah, qoryaha shiishka, BKM, jabshayaal iyo AK-47.
Ciidamada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay howlgallo ka wadeen degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka guuray gurigii uu dhawaan ka dagay degmada Cabdicasiis.
Kadib iska horimaad dhex maray ciidamada ilaalada u ah Shariif Sheekh Axmed iyo ciidamada ammaanka ayaa waxaa ka dambeeyay wadahadalo dhexmaray labada dhinac kuwaas oo ugu dambeyntii keenay in uu guri uu horey u adaganaa ku laabto Shariif.
Shariif ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ka dhawaajiyay in ay u tartamayaan madaxweynenimada Soomaaliya, kuwaa oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Mamaxuud 'in uu doorashada ka dhigayo mid aan hufnayn'.
Ciidamada ammaanka ayaa waxay ku sugnaayeen gudaha huteelka tan iyo maalintii Sabtida, waxaana uu mulkiilaha iska leh huteelku sheegay in "ciidamo hubeysan si sharci-darro ah ugu sugan yihiin gudaha Hoteelka Elite".
Mahdi Cumar Muumin oo ah taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa ku sharaxay sababta ay ilaa sabtidii u joogeen huteelka: "Waxaa keentay in la daaho, qol buruuf ah oo xirnaa oo in la jabiyo laga baaqsanayay. Markii dambana furihii ayay soo dhiibeen, maamulihii huteelka furihii ayuu soo dhiibay. Waa la furay, dad odayaal ah oo uu soo diray ayaa goobjoog ka ahaa markii hubkaas laga soo bixinaayay".
Mulkiilaha huteelka, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xubnaha mucaaradka oo saaka qadka taleefanka kula hadlay wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahin Maxamed Aadan, ayaa waxa uu sheegay in "si sharci darro ah lagu haysto huteelkiisa, sidoo kalana la boobay hanti tiilay".
Waxa uu intaa ku daray in ay tirakoob ku samayn doonaan hantida taalla huteelka kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan.
"Waxaana la burburiyay qaybo ka mid ah hoteelka, sidoo kalena waxaa la bililiqeystay hanti taallay gudaha hoteelka, faah faahinta hantida maqanan waana la wadaagi doonaa bulshada," ayuu ku Cabdullaahi war qoraal ah oo goordhow soo dhigay bartiisa Facebook.
Cabdullaahi ayaa dhawaan iska calisay xilka lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena horay xilalka uga soo qabtay xukuumadihii Soomaaray dalka.
Horey waxa uu u soo noqday wasiirka amniga Soomaaliya iyo agaasimaha hay'adda Tubsan ee dhaqan celisa xubnaha ka soo goosta ururada xagjirka ah.
Elite ayaa ah mid kamid ah hoteelada ugu waawayn caasimadda Muqdisho ee saaran xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Ciidmada ayaa sidoo kale afartii bisha iyo lixdii bisha waxa ay soo bandhigeen hub ay sheegeen in uu "sharci darro ahaa" oo ay ka soo aruuriyaan degmooyin ku yaalla gobolka Banaadir, in n kasta oo Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Sheekh Axmed, ay labaduba beeniyeen in ay hubkaas wax ku lahaayeen.
Afartii bishaan ayaa waxaa isfahan laga gaaray dagaal dhexmaray ciidamada ammaanka iyo ciidamo ilaalo u ahaa Xasan Cali Kheyre oo ah siyaasi iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaaliya, haatana ka mid ah dadka u sharraxan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Iska horimaadyada iyo howlgallada ayaa imaanaya iyada oo uu muran ka taagan yahay doorashooyinka Soomaaliya, iyo muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo ugu yaraan labo kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in 'waqtigii xil-haynta ee madaxwaynaha uu ku ekaa 15-kii May ee sanadkaan', halka madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhawaajiyay munaasabad lagu xusay maalinta dhallinyarada Soomaaliya in "xil-hayntiisu ay ku egtahay 15-ka May ee sanadka 2027 ka".
Muranka xil haynta ayaa salka ku haya wax ka badalka dastuurka Soomaaliya ee ay sameeyeen baarlamaanku kadibna uu madaxweynuhu ansixiyay kaa oo dhigaya in mudada xilhaynta madaxweynuhu ay tahay muddo 5 sano ah, tallaabo ay ka horyimaadeen mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar.