Iiraan: "Haddii Maraykanka iyo Israa'iil ay weeraraan aaska Ayatollah Cali Khamenei waa ka jawaabeynaa"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan ayaa sheegtay in haddii Maraykanka, Israa'iil iyo xulafadoodu ay qaadaan tallaabo kasta inta lagu jiro aaska hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay ee dalka, Ayatollah Cali Khamenei, ay bixin doonto jawaab adag oo ku habboon.
Sida ay sheegtay BBC Monitoring, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan, ayaa uga digay Maraykanka, Israa'iil iyo xulafadooda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan ka hor aaska Cali Khamenei.
Cabdullaahi, oo ka tirsan taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, ayaa sheegay in munaasabadda aasku ay muujin doonto sida shacabka Iiraan uga go'an yihiin inay "u aargutaan" geerida Cali Khamenei.
Warkan waxaa 2-dii Luulyo baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee iyada oo loo marayo barteeda Telegram.
"Waxaan uga digaynaa cadowga awoodda leh ee Iiraan, gaar ahaan Maraykanka, maamulka Israa'iil, iyo xulafadooda gobolka iyo kuwa ka baxsan gobolka, inay ka fogaadaan wax kasta oo isfaham-darro ama xisaab khaldan dhalin kara," ayuu yiri Cabdullaahi.
Waxa uu intaa ku daray in hanjabaad kasta ama tallaabo gardarro ah oo lagu beegsado dhulka Iiraan ay la kulmi doonto "jawaab adag oo ay ka shallayn doonaan."
Sida uu sheegay Maxamed Amiin Tavakhlizadeh, oo ah ku xigeenka madaxa arrimaha dhaqanka iyo bulshada ee Dowladda Hoose ee Tehran, "Diyaargarow ayaa socda iyadoo la filayo inay caasimadda Tehran ka qayb galaan inta u dhaxaysa 15 milyan ilaa 20 milyan oo qof munaasabadda aaska Cali Khamenei, oo dhici doonta 4-ta ilaa 8-da Luulyo."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in dowladda Hindiya ay u dirtay Guddoomiyaha gobolka Bihar, Syed Ata Hasnain, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Pabitra Margherita, si ay 3-da Luulyo ugu safraan Iiraan ugana qaybgalaan aaska Ayatollah Cali Khamenei.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ayatollah Cali Khamenei, oo 86-sano jir ahaa, ahaana hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iraan, ayaa la dilay maalintii ugu horreysay ee duqeymaha ba'an ee diyaaradaha Mareykanka iyo Israa;iil ay ku bartilmaameedsanayaan Iiraan.
Wuxuu joogay xafiis awood leh -wuxuuna ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaas, iyadoo uu sidoo kale ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Iiraan.
Iiraan waxa ay lahayd labo hoggaamiye oo kaliya tan iyo 1979-kii Kacaankii Islaamiga ahaa. Sannadkii 1989-kii, Khamenei waxa uu beddelay Aayatullah Ruhollah Khomeini, geeridiisii kaddib, isaga oo 86 jir ah.
Dhalinyarada Iiraaniyiinta ah weligood nolol kuma soo marin isaga oo aan xil heyn.
Weerarkii lagu dilay hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ma dhicin habeen saq dhexe sidii la filayay, balse waxa uu dhacay xilli aroor ah.
Sababtu waxay ahayd Maraykanka iyo Israa'iil waxay go'aansadeen inay ka faa'iideystaan sirdoon muhiim ahaa oo la helay saacado ka hor dilkiisii.
Muddo bilo ah waxay daawanayeen daqiiqad fursad ah marka ay dhici karto in madaxda sare ee Iiraan ay kulmaan waxayna ogaadeen Khamenei inuu joogi doono xarun ku taal bartamaha Tehran.
Waxa kale oo ay hubsadeen halka ay isku mar ku shirayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka.
Muddo bilo ah Mareykanka iyo Israa'iil waxay la socdeen dhaq-dhaqaaqa hoggaamiyaha ugu sarreeya. Qaababka saxda ah ee ay isticmaaleen ayaa ah kuwo sir ah inkastoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uu si maldahan uga hadlay.












