Wadahadalladii Iiraan iyo Mareykanka oo xog cusub laga helay

Wadahadallada ayaa soo dhamaaday sida la shaaciyay

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Majid Al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, ayaa ku dhawaaqay in ay soo geba-gaboobeen wada-hadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay wafdiyada Iiraan iyo Mareykanka ee ku sugnaa caasimadda Qadar.

Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa soo xigatay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar oo yiri:

"Dhinacyada wadaxaajoodka ayaa isku raacay inay sii wadaan wadatashiyada iyo wada-hadallada ku saabsan arrimaha weli harsan. Waxaa sidoo kale la go'aamiyay in sida ugu dhaqsaha badan loo cayimo taariikhda kulanka xiga."

Horey, iyadoo Donald Trump uu muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ee ka dhacay Qadar, isla markaana sheegay inay si wanaagsan u socdaan, Tehraan ayaa ku adkaysatay inaysan qorsheyn wax kulan ama wadaxaajood ah maalmahan.

Si kastaba ha ahaatee, Talaadadii waxaa la sheegay in wakiillo ka kala socday labada dal ay yeesheen wada-hadallo dadban oo ay dhexdhexaadinayeen Qadar iyo Pakistan. Sida aan hore u soo sheegnay, Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan Iiraan, isla markaana kulamadii dhowaan ka dhacay Qadar ay sidoo kale si wanaagsan u dhaceen.

Wax yar kadib, Kazem Gharibabadi, oo ah Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa sidoo kale caddeeyay in intii lagu jiray wada-hadalladii ka dhacay Doha maalintii Arbacada la isku raacay:

"In ugu dambeyn berri la sameeyo kanaalka isgaarsiinta degdegga ah ee kooxda kormeerka, isla markaana xadgudub kasta oo lagu sameeyo heshiiska is-afgaradka si rasmi ah loo diiwaangeliyo loona caddeeyo, ka dibna laga doodo, dib loo eego, lagana gaaro go'aan."

Wakiillada ka socda Mareykanka ee wadahadallada

Xigashada Sawirka, Reuters

Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa magaalada Doha kula kulmay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, iyo Jared Kushner, oo ah wiilka qaba gabadha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo ku saleysan heshiiska is-afgaradka ee ay labada dhinac kala saxiixdeen, iyo sidoo kale xaaladda Lubnaan.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Amiirka Qadar, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xabbad-joojinta si loo ilaaliyo midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Lubnaan.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Amiirka Qadar uu carrabka ku adkeeyay sii wadidda dadaallada dhexdhexaadinta ee uu dalkiisu wado, iyadoo ay ka qeyb qaadanayso Pakistan, iyo taageeridda dhammaan waddooyinka wada-hadalka ee ka dhashay heshiiska is-afgaradka.

Ujeeddada dadaalladan, sida bayaanka lagu sheegay, waa in la gaaro heshiis dhammaystiran oo waara, kaas oo xoojinaya amniga gobolka iyo nabadgelyada caalamka.

"Waa in uu jiraa yool si cad loo qeexay."

J.D. Vance, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

J.D. Vance, oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Donald Trump, ayaa sheegay in Trump uusan u janjeerin inuu dib u billaabo hawlgallo militari oo ka dhan ah Iiraan, haddii uusan jirin ujeeddo si cad loo qeexay.

Vance ayaa Arbacadii u sheegay wariyeyaasha:

"Waxa aan xaqiijin karo waa in Madaxweyne Trump uusan doonayn inuu ciidamadeenna mar kale u diro halkaas, haddii aysan khasab noqon."

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in isku day kasta oo ay Iiraan ku doonayso inay dib ugu dhisto barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay beegsato maraakiibta ganacsiga uu ku qasbi karo Washington inay beddesho istaraatijiyaddeeda.

Vance wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in wada-hadallada ka socda Doha ay "si wanaagsan u socdaan," isagoo xusay in maamulka Mareykanku uu weli wadaxaajoodyada u wajahayo "niyad wanaagsan," sida uu hadalka u dhigay.