Hadallada kulul ee ay hawada isku mariyeen Cirro, Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus.

"Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno," ayuu yiri.

Guddoomiyaha oo mar kale hadlay ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro inuu marar badan kasoo horjeestay shirar hore loo galay.

"Shalay waxay ka soo horjeedeen MOU-gii Madaxweyne Muuse galay, iyagoo leh waxaanan ogayn taageeri mayno. Waxay ka soo hor jeeddeen heshiisyadii la galay ee ay ka mid ahayd DP World, iyagoo mucaarid ah."

Mar uu baaq ujeediyay madaxweynaha ayuu yiri: "Mudane Madaxweyne, annnaga badheedhahayagu wuu cad yahee, waxaan ku leennahay adiga iyo madaxda kugu xeerran ka badheedha inaad ka tanaasusheen ku dhaqanka dastuurka Qaranka, ka badheedh inaad ka tanaasusheen ilaalinta muqadasaadka diinta ummaddan." Ayuu yiri.

Maxamuud Xaashi

Xigashada Sawirka, Xisbiga Kaah

Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi

Madaxweyne Cirro oo dhowaan ka hadlay aqoonsigii ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay go'aanka safaaradda ay ka fureen magaalada Qudus.

"Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furanno, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go'aan sax ah, waa go'aan aan ka noqosho lahayn," ayuu yiri madaxwaynaha Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku andacooday in goobta ay safaaradda ka fureen ee Qudus ay tahay goob "Carabtu u aqoonsan yihiin dhul ay Israa'iil leedahay".

"Safaaraddu waxaanu ka furnay galbeedka Qudus oo ah dhul ay dalalka Carabta u aqoonsan yihiin dhul ay Israa'iil leedahay".

Somaliland

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda goonni isu-taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu hadallo u soo gudbiyay, taas oo uu doonayo inuu ka jawaabo.

Qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Cirro shirkii Golaha Dhexe ee xisbigiisa ka sheegay "inuu Muuse labo jeer ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea Conakry iyo Itoobiya."

"Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay," ayuu yiri.

"Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiiyey," ayuu intaa raaciyay.

"Odaygu wuxuu sheegay in aanan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada Somaliland hadalkii aan ka jeediyayna waa kan: "Ictiraaf waynu u baahnayn, lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u ek tahay maahmaahdii ahayd "Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta koowaad ee dalkeenna JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeenna khilaaf uga iman", ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Facebook-ga.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan sidoo kale ku taliyay in laga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli ay caalamka ka dhacayaan isbedello siyaasadeed oo waaweyn.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Muuse Biixi ku yiri: "Waxaa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga, waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa'iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doona".

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA SOMALILAND

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Talaadadii ka hadlayay Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga talada

"Saaxiibkey Muuse, Muuse wuu dadaalay. Waxaan u qirayaa inuu dadaalay. Wuxuu tegay meel la yidhaahdo Guinea Conakry, wuxuu yidhi waxaan ka keenay ictiraaf, hase eyeshee weli waa qabto ictiraafta, waxaa ka dambeysay Itoobiya, Itoobiyana weli waa qabyo, waxaan leeyahay saaxiib ictiraafkii aad dooneysay waxaa ku guuleystay aniga oo maanta madaxweyne ah,".

"Waad soo dhoweysay, waana kaaga mahad-naqayaa. Adoo beertaada joogaa laguu soo sheegay. Beertii waad kasoo cararatay." Ayuu yiri isagoo qoslaya.

Sababta ay muran u dhalisay aqoonsiga ay Israa'iil u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan

Israa'iil

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Israa'iil ayaa dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore waxay qaadatay go'aan muran dhaliyay oo ah inay Somaliland u aqoonsato qaran madax-bannaan, taasoo dhalisay cambaareyn ka timid dalal badan oo kale.

Israa'iil waxay noqotay tii ugu horreysay adduunka ee sidaas sameysa, in ka badan 30 sano ka dib markii ay ku dhawaaqday inuu ka madax-bannaan tahay Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu horumarka ku tilmaamay "waqti taariikhi ah", laakiin Soomaaliya si cad ayay u diidday tallaabada Israa'iil iyadoo ku tilmaamtay weerar ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Tan iyo markaas, daraasiin waddan iyo ururro ah oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay ku dhawaaqista lama filaanka ah.

Shiinuhu ayaa sidoo kale kasoo horjeestay, iyadoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Lin Jian uu u sheegay wariyeyaasha: "Ma jiro waddan dhiirrigelin kara ama taageeri kara xoogagga gooni-goosadka gudaha ee waddamada kale danahooda gaarka ah."

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa ku difaacay go'aanka Israa'iil fadhi degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka yeeshay arrinta, isagoo sheegay in jawaabta ay ka soo horjeeddo go'aankii ay qaateen tiro ka mid ah waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay si ay u aqoonsadaan dawlad Falastiin ah horraantii sanadkii hore - tallaabo Mareykanku si xooggan uga soo horjeeday.