Xiritaanka xafiiska siyaasadda QM ee Soomaaliya, guul mise guuldarro?

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee QM António Guterres
    • Author, Ibraahim Maxamed Aadan
    • Role, BBC Somali
    • Reporting from, Muqdisho
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Hawlgalka Kaalmaynta Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo afjaray shaqadiisii 31-kii Oktoobar 2026.

Tallaabadani waxay soo gebagebaysay in ka badan soddon sano oo Qaramada Midoobay ay hawlgal siyaasadeed ku lahayd wadanka Soomaaliya.

Hawlgalku wuxuu si buuxda u joojiyay shaqadiisa 31-kii Oktoobar 2026, ka dib xaflado sagootin iyo wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho dabayaaqadii bishaas.

Xiritaankan wuxuu ku yimid qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu ahaa 2753 ee soo baxay 2024 iyo 2809 ee soo baxay 2025, kuwaas oo dajiyay qorshaha kala-guurka labada sano ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in la soo afjaro hawlgalka siyaasadeed ee gaarka ah, si hay'addaha dowladdu ay ula wareegaan mas'uuliyaddaha maamulka iyo siyaasadda.

Xiritaanka Hawlgalka Kaalmaynta Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu ka dhigan yahay cutubtkii ugu dambeeyay ee taageerada siyaasadeed ee joogtada ah ee Xafiiska Siyaasadda Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxeysa ee Soomaaliya ee soo bilaabatay 1995-kii, markaas oo magaca uu ku bilowday uu ahaa UNPOS, waxaana badalay 2013-kii hawlgalkii UNSOM, isagana waxaa badalay 2024-kii hawlgalka UNTMIS.

Xilligan ma u dan baa Soomaaliya xiritaanta Xafiiska Siyaasadda QM?

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Wakiilkii ugu dambeeyay QM ee Soomaaliya James Swan

Soomaaliya waxay gashay isbeddel qoto dheer tan iyo horraantii 1991-kii, markii ay burbureen hay'addihii dawladda isla markaana u qarxay dagaalkii sokeeye oo horseeday tobannaan sano oo xasilooni darro ah iyo qulqulka qoxooti dibadda u hayaamay iyo barakac gudaha ah.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageeraysay soddon kii sano ee la soo dhaafay safarkeeda dhismaha nabada iyo dawladnimada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dawladda Federaalka iyo madaxdii Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee la xiray ayaa aaminsan in Soomaaliya soo gaartay marxalad hay'addaheedu sii wadi karaan, hannaanka dawlad dhiska iyo siyaasad loo dhan yahay.

Madaxii ugu dambeeyay ee hawlgalkan oo sii haye ka ahaa xafiiska, Raisedon Zenenga ayaa sheegay in Soomaaliya tobankii sano ee u dambeeyay ay muujisay ka go'naanshaheeda dawlad dhiska.

"Soomaaliya maanta waxay leedahay hay'addo qaran oo federaal ah, kuwaas oo aan jirin markii uu bilaabanayay hawlgalka siyaasadda ee Qaramada Midoobay. Horumar ayaa laga sameeyay dawlad dhiska, siyaasadda loo dhan yahay, hannaanka dastuuriga ah, xuquuqda aadamaha iyo in horey loo dhigay in Soomaalidu hoggaamiso go'aannada dawlad dhiska" ayuu yiri Raisedon Zenenga oo ahaa sarkaalkii ugu dambeeyay ee hoggaaminayay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Ra'isul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa rumeysan in xiritaanka xafiiskan muddo soddon sano ah ka dib uu muujinayo in Soomaaliya gashay marxalad cusub.

"Xiritaanka xafiiskan waxay tilmaan cad u tahay duruufta ay Soomaaliya gashay, inay tahay dal dastuur leh oo dastuurkaa isku xukumaya, in dalkeenu yahay federaal, in aynu nahay dal dimoqoraadiyad hiigsanaya oo hannaanka dimoqaraadiyadda isku xukumaya, dadka talada u celinaya, dal guud ahaan inta ugu badan amnigiisa isagu gacantiisa ku haysta, dal masiirkiisa iyo madaxbannaanidiisa leh ayay tilmaan u tahay" ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.

Ma la oran karaa xiritaanka Xafiiska Siyaasadda QM, waa billowga in dunidu ka sii jeesato Soomaaliya?

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan oo hadal ka jeedinaya Golaha Guud ee QM

In dhawaallaba waxaa taagnaa walaac ku aaddan in dunidu ka sii indha xiranayso Soomaaliya oo waxaa meello badan is dhimay kaalmadii la siin jiray. Waxaa sanadka soo socda loo diyaar garoobayaa in guud ahaan Soomaaliya ay isaga baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika oo muddo ka badan 20 sano wadanka joogay, xili xaaladda amnigu wali aanay cago badan ku taagnayn.

Siyaasiga weyn ee mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, marna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xiritaanka xafiiska, isagoo ku tilmaamay in tani ay muujinayso, sida caalamku uga niyad jabsan yahay dibu dhacyada dhinacyada siyaasadda iyo amniga ee ka jira Soomaaliya.

"Maanta waxaan kor taaganahay in aduunkii naga quustay oo naga tagaayo, la leeyahay xafiiskii siyaasadda Qaramada Midoobay waa la xiray, waa aduunkii oo naga tagay, xafiiskii kale ee UNSOS ayaa la xirayaa, waa xafiiska taageerada siiya ciidamada dalka jooga, ciidamadii ayaa sanad loo qabtay inay dalka ka baxaan" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

In kastoo markii horeba xafiiskan loo aasaasay in uu qayb ku yeesho xalinta khilaafaadka siyaasiga ah ee Soomaalida dhexdooda iyo ka saarista wadanka nidaamka kumeel gaarka ah, ayaa haddana loo sii baahday markii Soomaaliya ka baxday nidaamka kumeel gaarka ah 2012.

Waxaa sii jiray loollanka awoodda ee hoggaamiyayaasha Soomaalida, taasina waxay dhalisay in uu xafiiskan sii shaqeeyo si la isugu soo jiid jiido madaxda, hayeeshee ugu dambeyn dawladda hadda jirta ayaa dalbatay in la soo gabagabeeyo hawlgalka.

Prof Maxamed Xuseen Ciise oo sharciga ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa qaba in wali uu jiro khilaafka madaxda Soomaalida.

"Ma jiraa khilaafaadkii siyaasiga ahaa oo wali ma sii socdaa, haa oo iyadu haddii ay joogto waxa dhici kara in ay qayb ka qaadan lahayd laakiin waxaa muhiim ah in waqtigaas kumeel gaarka ah loogu talagalay" ayuu yiri Prof Maxamed Xuseen.

Hadda waa la soo gabagabeeyay hawlglka siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, haddana Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxeysa waxay xaqiijisay balanqaadkeeda joogtada ah ee ay u hayso dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagu hormarinayo nabada, xasiloonida iyo horumarka waara.

Hay'adaha kale ee Qaramada Midoobay (UN Country Team) ayaa sii wadi doona taageerada dhinacyada horumarka iyo gargaarka bini'aadantinimo ee ay siiyaan Soomaaliya.