UK oo soo saartay sharci cusub oo qabanaya qaxootiga iyo magan-galyo doonka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Sima Kotecha
- Role, Wariye Sare oo qaabilsan Boqortooyada Midowday (UK)
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Dadka lagu siiyo magangelyo gudaha Boqortooyada Midowday (UK) waxaa laga doonayaa inay dib u bixiyaan qiyaastii £10,000 oo ku baxday kharashka hoygooda iyo taageeradii la siiyay, marka ay bilaabaan inay dakhli helaan, sida ay dowladdu ku dhawaaqday.
Dadka waaweyn ee leh dhaqaale ku filan waxaa laga codsan doonaa inay lacagtaas si tartiib tartiib ah u bixiyaan, iyadoo loo marayo xeerar cusub oo ku jira Sharciga Socdaalka iyo Magangelyada ee soo socda, kaas oo Talaadada la horgeyn doono Baarlamaanka.
Shuruuddan waxay khusayn doontaa dadka magangelyo-doonka ah ee xaqa u leh inay ka shaqeeyaan UK, waxaana khasab ku noqon doonta inay dhammeeyaan bixinta lacagtaas ka hor inta aysan u qalmin inay helaan deggenaansho rasmi ah oo joogto ah.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Shabana Mahmood, ayaa sheegtay in isbeddelladani ay muujinayaan in "taageerada magangelyadu ay tahay xuquuq, balse sidoo kale ay tahay mas'uuliyad."
Waxaa intaas ku dartay: "Marka dadku awoodaan inay wax ku biiriyaan oo ay dib u bixiyaan deeqsinimadii shacabka Ingiriiska, waxaan filaynaa inay sidaas sameeyaan."
Qorshayaashan cusub waxay ka dhigan yihiin in muhaajiriinta shaqeeya ee hela dakhli gaaraya heer ay dowladdu go'aamiso laga doonayo inay bixiyaan lacag go'an, taas oo la filayo inay noqoto £10,000.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha wali ma aysan go'aamin inta uu qofku u baahan yahay inuu kasbado ka hor inta aan laga bilaabin lacag-bixinnada billaha ah.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha wuxuu yeelan doonaa awood uu mustaqbalka ku beddeli karo qadarka lacagta la bixinayo iyo heerka dakhliga lagu bilaabayo bixinta, si loo hubiyo in nidaamku u noqdo mid caddaalad u ah canshuur-bixiyeyaasha isla markaana aan qof muhaajir ah loogu horseedin saboolnimo ba'an.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka codsiyadooda magangelyada la diido ayaa sidoo kale laga doonayaa inay dib u bixiyaan kharashaadka haddii dakhligoodu gaaro heerka ay dowladdu dejisay.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, qiyaastii £4 bilyan oo lacagta canshuur-bixiyeyaasha ah ayaa sanadkii hore lagu bixiyay taageerada magangelyo-doonka.
Celceliska kharashka lagu dejiyo hal magangelyo-doon hal habeen guri ay dowladdu leedahay waa £23.25, halka hoteel lagu dejiyana uu gaarayo £144 habeenkii. Lacagta masruufka toddobaadlaha ah ee qof walba la siiyana waxay u dhexeysaa £9.95 ilaa £49.18.
Golaha Qaxootiga ayaa sheegay in qorshayaashan ay yihiin kuwo "aan caddaalad ahayn oo aan la hirgelin karin", isla markaana ay u dhigmaan "canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay qaxootiga", taasoo ka dhigaysa mid ku adkaanaysa qoysaska inay dib u dhistaan noloshooda oo ay isku filnaadaan.
Agaasimaha arrimaha dibadda ee ururkaas, Imran Hussain, ayaa yiri:
"Sababta ay dad badan ugu baahan yihiin taageerada magangelyada waa in Home Office lafteedu ka mamnuucdo magangelyo-doonka inay shaqeeyaan inta codsiyadooda la baarayo."
Wuxuu sii raaciyay: "Taageerada magangelyada waxaa la siiyaa oo keliya dadka halis ugu jira saboolnimo ba'an, sidaas darteed culayskan dhaqaale ee cusub wuxuu waxyeello u geysanayaa dadka dalka yimaada iyagoo aan waxba haysan."
Migration Observatory ee Jaamacadda Oxford ayaa su'aal ka keentay inta lacag ah ee ay dowladdu dhab ahaan dib uga soo celin karto nidaamkan, iyadoo tilmaantay in heerka shaqada iyo dakhliga qaxootigu uu hooseeyo.
Dr Madeleine Sumption ayaa tiri: "Tusaale ahaan, sannadkii 2023 waxaa lagu qiyaasay in 13% oo keliya dadka shan sano ka hor la siiyay aqoonsiga qaxootinimada ay kasbanayeen ugu yaraan £20,000 sanadkii. Inta kale ama ma shaqaynayn ama waxay lahaayeen dakhli ka hooseeya."
Waxay intaas ku dartay: "Xogtu waxay muujinaysaa in haddii aan heerarka dakhliga si weyn looga dhigin kuwo ka hooseeya mushaharka ugu yar, qayb yar oo keliya oo dadka magangelyada la siiyo ayaa heli doonta dakhli ku filan oo ay wax ku biiriyaan qorshahan."
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, rubuc (25%) dadka da'doodu u dhexeyso 16 ilaa 64 jir ee magangelyada la siiyay intii u dhexeysay 2015 iyo 2023 ayaa shaqo helay isla sannadkaas.
Tiradaas waxay kor u kacday 50% laba sano kadib markii la siiyay aqoonsiga qaxootinimada.
Kuwa shaqaynayay siddeed sano kadib markii ay heleen aqoonsiga qaxootinimada, 37% waxay hayeen shaqo waqti-buuxa ah, iyadoo celceliska dakhligoodu ahaa £23,000 sanadkii. Kaliya 40% ayaa kasbanayay wax ka badan mushaharka ugu yar ee sharcigu dhigayo.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee mucaaradka, Chris Philp, ayaa sheegay in Xisbiga Labour uu "qaatay siyaasad kale oo ka timid Xisbiga Conservative-ka." Wuxuu yiri: "Qorshahan saxda ah annaga ayaa soo jeedinnay annagoo wax-ka-beddel ku darnay Sharciga Socdaalka sannadkii hore, laakiin Labour ayaa hor istaagtay."
Wasiirradu waxay rajeynayaan in Sharciga Socdaalka iyo Magangelyada uu dhaqan gelin doono qorshayaal lagu dhisayo nidaam magangelyo oo adag balse caddaalad ah, isla markaana yareyn doona waxyaabaha dadka ku dhiirrigeliya socdaalka sharci-darrada ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaybo ka mid ah sharciga ayaa la filayaa inay la kulmaan mucaaradad uga timaadda qaar ka mid ah xildhibaannada Labour-ka oo diidan qaar ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee uu sharcigu xambaarsan yahay.
Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay shaacisay inay qorsheyneyso inay isticmaasho xeryo militari oo hore si loogu dejiyo kumannaan magangelyo-doon kadib markii la xiray 20 hoteel oo kale oo ku yaalla England.
Waxay sidoo kale sheegtay in sharciga cusub ee socdaalka uu ku jiri doono qorshe lagu abuurayo waddooyin sharci iyo ammaan leh oo xaddidan oo qaxootigu ku iman karaan UK, iyadoo jaamacado, kooxo bulsho iyo shirkado ay kafaala qaadi doonaan dadka imaanaya si loo yareeyo kharashaadka ku baxa canshuur-bixiyeyaasha.














