Nin iska baarayay dhalmo la'aanta oo ilmo-galeen laga helay - xaalad aad u naadir ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wiil 26 jir ah oo ku nool magaalada Delhi ee dalka Hindiya, oo laba sano aroos ah balse aan wali ubad helin, ayaa u tagay dhakhtar si loo baaro sababta dhalmo la'aantiisa. Intii baaritaanka lagu guda jiray ayay dhakhaatiirtu ogaadeen in gudaha jirkiisa ay ku jiraan ilmo-galeen iyo tuubooyinka ku xiran ilmo-galeenka.
Hase yeeshee, dhakhtarkii daweeyay bukaanka ayaa sheegay in muuqaalka dibadda ee ninkan uu u eg yahay ragga caadiga ah, islamarkaana uu leeyahay dhammaan astaamaha jirka ee ragga. Waxaa intaa dheer, ma jirin wax calaamado ah oo dibadda ka muuqday oo lagu ogaan karay xaaladdan caafimaad.
Dr. Sushil Kharbanda, oo ah madaxa dhakhaatiirta kaadi-mareenka ee isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal Delhi, isla markaana ah dhakhtarkii daweeyay bukaankan, ayaa sheegay in xilligii la baarayay sababta dhalmo la'aanta lagu ogaaday inuu leeyahay ilmo-galeen iyo tuubooyinkiisa.
Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, tani waa xaalad uu qofku ku dhasho oo marar dhif ah dhacda, magaceedana loo yaqaanno 'Persistent Mullerian Duct Syndrome' (PMDS). Adduunka oo dhan ilaa hadda waxaa laga diiwaan-geliyay wax ka yar 300 kiis oo noocan ah.
Warbixin lagu daabacay joornaalka 'Nature Reviews Urology' ayaa lagu sheegay in qofka qaba xaaladda 'Persistent Mullerian Duct Syndrome' uu leeyahay koromosoomka '46XY' oo uu jir ahaan u koro sida ragga caadiga ah, hase yeeshee xubnaha ka abuurma Mullerian Duct-ka sida ilmo-galeenka iyo tuubooyinkiisa ay ku haraan gudaha jirka.
Sida lagu sheegay warbixin bishii Janaayo 2026 lagu daabacay majalladda 'Global Journal of Surgery and Case Reports', nin 48 jir ah oo kaadidiisa iyo manidiisaba dhiig si joogto ah uga imaanayay, markii CT Scan lagu sameeyay ayaa waxaa lagu arkay xubin u eg ilmo-galeen.
Intii uu qalliinku socday ayaa laga soo saaray xubin laba qeybood ka kooban oo ku dhegan qanjirka prostate-ka, waxaana baaritaanka unugyada lagu xaqiijiyay inay tahay unug ilmo-galeen ah. Jir ahaan koritaankiisu wuxuu la mid ahaa kan ragga caadiga ah.
Warbixin kale oo la daabacay 2019-kii ayaa sheegtay in ilmo 18 bilood jir ah jirkiisa gudihiisa laga helay ilmo-galeen, tuubooyinka ilmo-galeenka iyo ugxan-yari.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddaba, sidee ayay ku suurtagaleysaa in qof leh muuqaalka jirka ragga uu haddana yeesho ilmo-galeen iyo tuubooyinkiisa? Maxaa sababa xaaladdan, sideese loo ogaadaa?
Si looga jawaabo su'aalahan, BBC-da waxay la xiriirtay Dr. Sushil Kharbanda oo ah dhakhtarkii daweeyay bukaankan, waxayna weydiisay su'aalahan soo socda:
Maxaa kasoo baxay kiiskan, sideese luqadda caafimaadka loogu sharxi karaa?
Jawaabtu waxay tahay, ninkan 26 jirka ah wuxuu guursaday laba sano. Xagga galmada wuxuu ahaa mid aad u firfircoon, wuxuuna lahaa dhammaan astaamaha qaan-gaarnimada ee ragga.
Baaritaankii loo sameeyay si loo ogaado sababta dhalmo la'aantiisa ayaa lagu ogaaday in labadiisa xiniinyood aysan ku jirin booskoodii caadiga ahaa.
Baaritaanka hoormoonnada sida Testosterone, FSH (Follicle Stimulating Hormone) iyo LH (Luteinizing Hormone) ayaa heerkoodu wuxuu ahaa mid caadi ah.
Natiijooyinkan oo kale waxaa lagu arkaa bukaannada ay xiniinyahoodu ku haraan gudaha jirka oo aysan gaarin halkii ay caadiga ahaan ku jiri lahaayeen. Xaaladdan luqadda caafimaadka waxaa loogu yeeraa Cryptorchidism ama xiniinyaha oo aan hoos u degin.
Hase yeeshee, baaritaanka MRI-da waxaa kasoo baxday wax aan caadi ahayn. Waxaa lagu arkay ilmo-galeen iyo tuubooyinkiisa oo ku xiran xiniinyaha.
Xubnaha ku jira gudaha jirka si buuxda ayey u koren, qaabkooduna wuxuu la mid ahaa kan xubnaha taranka ee dumarka sida caadiga ah looga helo.
*Xaaladdan ma waxay jiri kartay tan iyo dhalashadii?*
Marka ilmuhu ku jiro caloosha hooyadiis, koritaankiisa jinsiga waxaa saameeya koromosoomyada iyo hoormoonnada. Caadi ahaan raggu waxay leeyihiin koromosoomka '46XY', dumarkuna '46XX'.
Inta uu uurku socdo, jirku wuxuu soo saaraa hoormoonka loo yaqaano Anti-Mullerian, kaasoo joojiya koritaanka xubnaha taranka gudaha ee sida caadiga ah aan ragga ugu samaysmin.
Haddii qofku leeyahay koromosoomka '46XY', koritaankiisu wuxuu u dhacaa sidii nin. Xilligaas jirkiisu wuxuu soo saaraa hoormoonka Anti-Mullerian. Hoormoonkan Anti-Mullerian wuxuu hor istaagaa in ay soo baxaan xubno sida ilmo-galeenka iyo tuubooyinkiisa.
Hase yeeshee xaaladda loo yaqaanno Persistent Mullerian Duct Syndrome, ama hoormoonkan ma jiro, ama waxaa cilad ka jirta meesha uu ku shaqeeyo ee loo yaqaanno reseptor-kiisa. Sidaas darteed, xubno sida ilmo-galeenka iyo tuubooyinkiisa ayaa ku haraya gudaha jirka.
Tani waxay keeneysaa in qaab-dhismeedka xubnaha taranka ee gudaha uu noqdo mid ka duwan kan caadiga ah, balse muuqaalka jirka ee dibadda uu u ekaado midka ragga. Xubinta taranka ragga iyo astaamaha kale ee ragga waxay u koraan si caadi ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qofkan ma wuxuu lahaa xiniinyo iyo ugxan-yar isku mar?
Jawaabta su'aashan waxaa lagu sheegi karaa in bukaankan jirkiisa labada dhinac uu ku lahaa ilmo-galeen iyo tuubooyinka ilmo-galeenka, laakiin ma lahayn ugxan-yari.
Meesha ugxan-yarida ay ku jiri lahayd ayuu ku lahaa xiniinyo. Xiniinyaha iyo ugxan-yariyadu waa qanjirro taran, kuwaas oo ku kala duwan ragga iyo dumarka. Labada qanjir ee taranka ee bukaankan waxay ahaayeen xiniinyo, ma ahan ugxan-yari.
Maxaa baaritaan caafimaad hore loogu ogaan waayay?
Jawaabta su'aashan ayaa ah in markii bukaanku noo yimid labadiisa xiniinyood aysan ku jirin meeshoodii caadiga ahayd. Sidaa darteed baaritaanka hoormoonada waxaa wehliyay baaritaanka manida. Baaritaannadan waxaa ka soo baxay 'Azoospermia', taas oo ah in manida aysan ku jirin shahwo.
Kadibna MRI ayaa la sameeyay, taas oo lagu arkay ilmo-galeenka, tuubooyinkiisa iyo xiniinyaha ku xiran.
Kadibna waxaa la sameeyay falanqeynta koromosoomyada, taas oo lagu xaqiijiyay koromosoomyada '46XY'. Si loo xaqiijiyo xaaladdan, baaritaannada aasaasiga ah waxay ahaayeen MRI iyo falanqeynta koromosoomyada.
Ma aha in xaaladdan guud ahaan aan la ogaan ilaa da'da 26 jirka. Haddii scan waqtigeeda la sameeyo, xaaladdan waa la ogaan karayay hore. Bukaankan markii hore ma ogeyn in labadiisa xiniinyood aysan ku jirin meeshoodii caadiga ahayd.
Xaaladdan sida caadiga ah ma laha calaamado gaar ah sida xanuun, matag ama qandho. Calaamad keliya ayaa noqon karta in xiniinyuhu aysan ku jirin meeshoodii caadiga ahayd.
Bukaanku dhibaatooyin nafsi ah oo noocee ah ayuu la kulmi karaa?
Ninkan 26 jirka ah markii uu si lama filaan ah u ogaaday in jirkiisa ay ku jiraan xubnaha taranka ee dumarka, wuxuu noqday mid walaacsan oo niyad-jab qaba. Wuxuu ka walwalsanaa mustaqbalkiisa.
Waanu la talinnay muddo dheer waxaanan u sharaxnay in tani ay tahay xaalad caafimaad oo naadir ah. Shaki la'aan waa xaalad naadir ah, laakiin macnaheedu maaha in tani ay isbeddel weyn ku keeni doonto nolosha bukaanka.
Waxay lagama maarmaan ahayd in xubnahan laga saaro sababtoo ah waxaa ku jiri kara halista kansarka. Hadda kadib markii xubnahan laga saaray, wuxuu u noolaan karaa nolol caadi ah.
Kiisaskan oo kale qalliin ama daaweyn mar walba ma lagama maarmaan baa?
Xaaladda bukaankan, qalliinku wuxuu ahaa lagama maarmaan. Ilmo-galeenka iyo tuubooyinkiisu si buuxda uma korin jirkana wax shaqo ah kuma lahayn.
Baaritaanka biopsy-ga ee qalliinka kadib ayaa sidoo kale lagu ogaaday in mid ka mid ah xiniinyaha uu lahaa isbeddello mustaqbalka keeni kara kansar. Sidaa darteed waxay lagama maarmaan ahayd in xubnahan laga saaro, qalliinkuna wuxuu ahaa qeyb ka mid ah daaweynta.
Qalliinka kadib caafimaadka bukaanka maxaa saameeyay maxaase mustaqbalka saameyn doona?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bukaanku wuxuu shaqada ku noqday toddobo maalmood kadib qalliinka.
Maadaama xiniinyuhu ay soo saaraan hoormoonka testosterone, kadib markii laga saaray jirkiisa testosterone ma soo saari doono. Wuxuu u baahan doonaa in saddexdii biloodba mar laga mudayo irbad testosterone ah.
Intaa waxaa dheer, looma baahna isbeddel weyn oo ku yimaada noloshiisa galmada ama bulshada.
Waxaan qalliinka ku sameynay habka Laparoscopy, taas oo ah iyadoo la adeegsanayo qalab u eg telescope-ka. Habkan looma baahna in jirka jeex weyn lagu sameeyo bukaankuna si degdeg ah ayuu shaqada ugu noqon karaa.
Waa maxay fikradaha khaldan ee caanka ah ee dadka ka haystaan arrimahan oo kale?
Kadib markii kiiskan la ogaaday, waxaa soo baxaya su'aalo ah in bukaanku uur yeelan karayay, in caado ka imaan jirtay ama in muuqaalkiisa dibadda uu u eg yahay haweeney.
Mid ka mid ah arrimahan sax ma aha. Jirkiisa waxaa ku jiray ilmo-galeen iyo tuubooyinkiisa, laakiin si buuxda uma korin uur qaadistuna suurtagal ma ahayn.
Jirkiisa sidoo kale ma lahayn nidaam hoormoon oo dumarka oo kale ah.
Dhakhtarku wuxuu sheegay in casharka laga baranayo kiiskan uu yahay in isbeddel kasta oo aan caadi ahayn oo jirka ku dhaca aan la iska indha tirin, sidoo kale aan laga xishoon.
Xaaladdan oo kale waa in si degdeg ah loola xiriiraa dhakhtar lagu kalsoon yahay. Haddii ilmaha dhashay lagu arko wax aan caadi ahayn qaab-dhismeedka jirka ama koritaanka xubin, waa in isla markiiba talo caafimaad la raadsadaa, maxaa yeelay baaritaanka waqtigii loogu talagalay wuxuu gacan ka geysan karaa in xaaladdan si wanaagsan loo maareeyo.

























