TOOS, Kooxda Xuutiyiinta oo sheegay in duqeyn Sacuudigu ka geystay Yemen ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tobannaan qof

Ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay inay dileen afar khabiir oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo ay ku sheegeen inay ku takhasuseen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Adeegyo muhiim ah oo la sheegayo in dunida ay ka sii yaraanayaan

    .

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.

    Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.

  2. War deg deg ah, Khuburo Iiraaniyiin ah oo la sheegay in lagu dilay Yemen iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Yemen

    Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay gobolka Taiz ay ku dhinteen toddoba qof, 40 kalena ku dhaawacmeen, iyagoo ku eedeyay Sacuudiga.

    Dhanka kale, dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay inay duqeysay xero ciidan iyo gaadiid ay Xuutiyiintu leeyihiin.

    Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 72 saacadood gudahood lagu dilay ama lagu dhaawacay kumannaan dagaalyahanno Xuutiyiin ah iyo afar khabiir oo Iiraaniyiin ah.

    Afarta nin ee u dhashay Iran ayaa ahaa kuwa ku takhasusay sameynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaallada.

  3. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada BBCSomali, oo halkaan idinkugu soo gudbin toonta wararkii caalamka kuwoodii ugu dambeyay.