Ma loo ogol yahay caruurta inay cunaan budada borotiinka?

.
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ben oo 12 jir ah ayaa aad u doonaya inuu tijaabiyo budada borotiinka, balse waxaa jirta hal dhibaato: dhibaatadaasina waa aniga, oo ah hooyadiis.

Wuxuu yiri, "Waxaan ku weydiistay ilaa labaatan jeer, laakiin mar walba waad diidaysaa!" Wuxuu ku doodayaa in budada borotiinku ay ka dhigi doonto mid "jir ahana ballaaran," wuxuuna sidoo kale sheegayaa in saaxiibbadiis kale oo wiilal ah ay isticmaalayaan.

Sanadihii ugu dambeeyay, tirada alaabada lagu suuqgeeyo inay leeyihiin "borotiin badan" ayaa si weyn u korortay; kuwaas oo ay ka mid yihiin caanaha, caano-fadhiya , rootiga, badarka, cuntooyinka tamarta bixiya iyo budada borotiinka.

Baraha bulshada ayaa waxaa ka buuxa xayeysiisyada kaabayaasha nafaqada ee kala duwan, gaar ahaan budada borotiinka.

Anigoo ah weriye ka hadasha arrimaha caafimaadka, shaki ayaan ka qabaa arrintan, waxaana aaminsanahay in da'dan oo kale uu borotiin ku filan ka heli karo cuntada uu maalin walba cuno.

Haddaba, khubaradu ma u arkaan inay ammaan u tahay carruurta yaryar iyo dhallinyarada inay isticmaalaan budada borotiinka, mise xabbad hilib ah oo weyn oo macaan ayaa iyaduna leh faa'iido la mid ah?

Wiilkayga, oo aad u xiiseeya ciyaaraha, isla markaana horeba u cuna cunto dheellitiran oo caafimaad qabta, ayaa marar badan i weydiiya su'aalo ku saabsan budada borotiinka.

.

Saaxiibkiis Louis, oo 12 jir ah, ayaa muddo ku dhow sannad isticmaalayay budada borotiinka—oo uu ku darayo cuntadiisa caadiga ah—hal ama laba jeer toddobaadkii, ka dib marka uu tababarka sameeyo. Waalidkiisna arrintan way ka warqabaan.

"Waxaan u malaynayaa inay i caawisay. Waxay i siisaa tamar badan, waxaana laga yaabaa inay gacan ka geysatay korriimadayda," ayuu yiri.

Laakiin saaxiibka kale ee Ben, Otis oo 13 jir ah, kuma raacsana fikraddan; wuxuuna aaminsan yahay inay jirto nooc cadaadis iyo saameyn ah oo lagu hayo dhalinyarada si ay u isticmaalaan cabitaannada borotiinka.

"Waxaa laga yaabaa inay si fudud u isticmaalaan iyagoon ka fikirin cawaaqibka ka dhalan kara, isla markaana aan tixgelinayn sida ay u saameyn doonto," ayuu yiri.

Maxaan ugu baahannahay borotiin?

Borotiinnada waxaa loo kala qaybiyaa amino acid-yo, amino acid-yadaasna waxay ka caawiyaan jirka inuu koro oo uu dhismo.

Laakiin jirku ma samayn karo dhammaan amino acid-yada uu u baahan yahay keligiis. Sidaa darteed, qaar kale, oo loo yaqaan amino acid-yada lagama maarmaanka ah, waa in laga helaa cuntada.

Sida laga soo xigtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS), qaadashada maalinlaha ah ee borotiinka ee loogu talagalay qof weyn oo miisaankiisu caafimaad qabo waa 0.75 garaam kiilo garaam oo miisaanka jirka ah.

Si fudud ayaa ah inaad cunto isla xaddiga borotiinka ah ee cunto kasta sida cabbirka calaacashaada.

Haddii aad jimicsi badan sameyso ama aad ka weyn tahay, baahiyahaaga borotiinku way kordhaan waxaana laga yaabaa inaad u baahato ilaa 2 garaam oo borotiin ah kiilo garaam oo miisaanka jirka ah.

.

Dhalinyaradu way u baahan yihiin

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Su'aashu soo baxaysa ayaa ah: haddii dhallinyaradu ay hore u cunayeen cunto habboon, caafimaad qabta, oo dheellitiran, ma u baahan yihiin budada borotiinka iyo borotiinka kale?

Sida laga soo xigtay Nicola Laddlemren, oo ah khabiir ku takhasusay nafaqada iyo cuntada, wiilasha iyo gabdhaha da'da yar, "dhammaan borotiinka uu jirku u baahan yahay waxaa laga heli karaa oo keliya cuntada."

Waxay ku nuuxnuuxsatay in gabdhaha da'da yar gaar ahaan ay tahay inay helaan bir iyo kaalshiyam ku filan, sidaa darteed waa inaysan aad diiradda u saarin borotiinka oo ay ilaawaan nafaqooyinka kale ee muhiimka ah.

Cuntooyinka borotiinka, budooyinka, iyo waxyaabaha kale waxay faa'iido u yeelan karaan dadka qaar, sida ciyaartoyda xirfadlayaasha ah iyo kuwa leh xasaasiyad cunto oo gaar ah, laakiin waa inaysan waligood beddelin cunto caafimaad leh oo dheellitiran.

Isticmaalka budada borotiinka waxay sidoo kale yeelan kartaa cawaaqib xumo iyo waxyeellooyin, sida:

Barar caloosha ah

Gaas

Xanuun caloosha ah

Shuban

Dadka qaba dhibaatooyinka caafimaad ee hore u jiray waa inaysan isticmaalin budada borotiinka iyo kaabisyada iyagoon la tashan dhakhtar.

Ladlamren sidoo kale wuxuu leeyahay suuqa budada borotiinka looma nidaamiyo sida dawooyinka.

"Haa, waxaa jira shirkado sumcad leh oo alaabadooda ay tijaabiyaan dhinac saddexaad oo madax-bannaan si loo hubiyo in macluumaadka ku yaal wax-soosaarkooda dhalada uu la mid yahay waxa ku jira gudaha, laakiin taasi had iyo jeer ma aha sida la wada sameeyo," ayay tiri.

"Ugu dambeyntiina, ma aha inaad cabto borotiin nuuca la-isku daray ah si ay muruqaha gacantaadu ay sii weynaadaan," ayay raacisay.

Budada borotiinka qaarkood waxay ka kooban yihiin sonkor badan oo lagu daray, maaddooyin macmal ah, iyo kiciyeyaal qarsoon.

Dr Ramnik Mathur, oo ah dhakhtar carruureed oo ku sugan galbeedka London, ayaa sheegay in jirkeenu uusan u baahnayn borotiin oo keliya, waxay sidoo kale u baahan yihiin nafaqooyin yaryar sida zinc, calcium iyo magnesium, kuwaas oo laga helo cuntooyinka dabiiciga ah iyo kuwa isku dhan.

Sidaas darteed, haddii cuntada caadiga ah lagu beddelo cabitaannada borotiinka, jirku wuxuu waayayaa nafaqooyinkan muhiimka ah.

Khubaradu waxay ku talinayaan in qadarka borotiinka aad maalin walba u baahan tahay loo qaybiyo cuntooyin kala duwan, iyadoo cunto kasta laga helayo qiyaastii 20 ilaa 25 garaam oo borotiin ah.

Haddii aad rabto inaad kordhiso xaddiga borotiinka aad qaadanayso, waxaa ugu wanaagsan inaad taas ku samayso isku-darka cuntooyinka dabiiciga ah iyo cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka.

Inta lagu jiro da'da qaangaarka, marka carruurtu galaan marxalad korriin degdeg ah, waxay si dhab ah ugu baahan yihiin borotiin badan, maadaama jirkoodu si xowli ah u korayo, isla markaana uu dhisayo muruqyo cusub iyo qaab-dhismeedka lafaha.

Laakiin Dr. Mathur wuxuu sheegay in qaadashada borotiin aad u badan ay sidoo kale leedahay khataro.

"Haddii aad eegto baraha bulshada, waxaa laguu sheegi doonaa inaad cunto borotiin badan, laakiin jirkaagu wuxuu qaadan karaa oo keliya xaddi cayiman oo borotiin ah," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in haddii qofku cuno borotiin ka badan inta uu u baahan yahay, jirkiisu uu qasab ku noqonayo inuu xad-dhaafkaas ka saaro iyada oo loo marayo kelyaha iyo beerka. Tani waxay culays saari kartaa xubnahan, waxayna sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.

Ujeeddada ugu weyn ee hadalka Dr. Mathur waa:

"Haddii ilmo 12 jir ah uu cuno cunto caafimaad leh oo dheellitiran, uma baahna borotiin dheeraad ah."

Nicola Ludlum-Ren waxay ku talinaysaa in dhallinyarada marka hore laga caawiyo inay hagaajiyaan cuntadooda ka hor inta aysan bilaabin isticmaalka budada borotiinka, gaar ahaan haddii ay doonayaan inay si joogto ah u isticmaalaan.

Waxay sheegtay in haddii aad weli xiisaynayso isticmaalka budada borotiinka, ay tahay inaad marka hore la hadasho khabiir ku takhasusay nafaqeynta.

Haddaba, hadda waxaan wiilkayga u sheegayaa in jawaabtu ay weli tahay "maya," khubaraduna waxay igu raacsan yihiin in borotiinka laga helo cuntada.