TOOS , Trump oo shaaciyay xog ku saabsan dagaalka Iran iyo dhaqaalaha ku baxaya

Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post ayuu Trump ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay haystaan dhaqaale ay ku sii wadaan howlgallada milatari muddadaas.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Sawirrada dayax-gacmeed oo muujinaya qiiq ka baxaya warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, Sacuudiga

    Qiiq
    Qoraalka sawirka, Qiiq

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura iyo xarunta maaliyadeed ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

    Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday warshadda shidaalka uu sababay dab, isla markaana xarunta maaliyadeed ee Riyadh lagu weeraray saddex marxaladood.

    Warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, oo ah tan ugu weyn Sacuudiga, ayaa ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dalkaasi uu shidaalka ceyriin laga hoofiyo suuqyada caalamka.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa horay u sheegay in nidaamyadiisa difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu arkay agagaarka Ras Tanura ee gobolka Bari ee Sacuudiga.

    Nidaamka NASA ee la socda dababka ayaa diiwaangeliyay koror heerkulka ah oo laga arkay aagga warshadaha Ras Tanura.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale baahisay sawir dayax-gacmeed oo muujinaya qiiq cirka isku shareeray.

    Waxay ku qiyaastay in aagga uu qiiqa madow ku fiday uu gaarayo ku dhowaad 600 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  2. War deg deg ah, Xog sir ah oo la soo dusiyay oo sheegaysa in ciidamada Ruushku ay la kulmeen dhimasho badan

    .

    Xog dowladeed oo laga helay Ruushka, isla markaana la dusiyay, ayaa muujinaysa in ku dhowaad 500,000 oo askari oo Ruush ah ay dhinteen tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.

    Laanta BBC-da ee afka Ruushka ayaa falanqeysay diiwaanno dhimasho oo ay weeraryahanno dhanka internetka ah ka heleen Belarus iyo Ukraine, kuwaas oo muujinaya baaxadda khasaaraha ciidamada Ruushka.

    Xogta ayaa tilmaamaysa in ku dhowaad 20,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay dagaallo lagu doonayay in lagu qabsado toban tuulo oo keliya, kuwaas oo tirada dadkoodu ka hor dagaalka aanay ka badnayn 12,000 oo qof.

    Dowladda Ruushka ayaan ilaa hadda si rasmi ah u shaacin tirada askarta looga dilay ama looga dhaawacay dagaalka Ukraine.

  3. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaare Abiy oo qaaday tallaabo muhiim u dalka Suudaan

    Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadeed, milatari iyo bulshada rayidka ah ee Suudaan inay ka qaybqaataan wadahadallo nabadeed oo uu dalkiisu martigelinayo, si loo soo afjaro dagaalka dalkaas ka socda.

    Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada, kuna qoray afka Carabiga, ayuu Abiy ku sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay kharashkeeda ku martigeliso shir ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada Suudaan, si loo helo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda.

    Wuxuu sheegay in dagaalka Suudaan oo galay sannadkiisii afraad uu sababay burbur xooggan iyo masiibo bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, taas oo saameyn ku yeelan karta dalalka gobolka.

    Abiy ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, isaga oo sheegay in labada dal ay wadaagaan xiriir bulsho, derisnimo iyo danaha gobolka. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay masuuliyad ka saaran tahay inay ka qaybqaadato dadaallada lagu doonayo nabadda Suudaan.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay ciidamada milatariga, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah inay ka qaybqaataan wadahadallo loo dhan yahay oo furan, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay joojinta dagaalka, colaadda iyo kala qaybsanaanta, iyo in la gaaro heshiis qaran oo saldhig u noqda nabad waarta.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hindisaha Itoobiya aanu ahayn mid dano siyaasadeed ama faa’iido gaar ah laga leeyahay, balse dalkiisu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaad ka ahaado dhinacyada, isla markaana abuuro jawi ay si daahfuran oo ixtiraam leh ugu wada hadli karaan.

    Baaqan ayaa imanaya xilli dowladda Suudaan ay Itoobiya ku eedeysay inay la shaqeyso xoogagga RSF, eedeymahaas oo dowladda Itoobiya ay beenisay.

    Abiy ayaa sidoo kale beesha caalamka, dalalka saaxiibka ah iyo ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ugu baaqay inay taageeraan dadaallada nabadeed iyo gurmadka bani’aadannimo ee loogu gargaarayo dadka ay saameeyeen dagaallada, oo ay ku jiraan barakacayaasha iyo qaxootiga.

    Wuxuu sheegay in nabadda Suudaan aanay ahayn oo keliya arrin dan u ah dalkaas, balse ay muhiim u tahay amniga iyo xasilloonida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  4. War deg deg ah, Israa'iil oo eedeyn culus oo aaney caddeyn u keenin u jeedisay

    Isreal

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Iiraan ku eedeeyay inay horumarinayso hubka kiimikada, isaga oo sheegay in Israa’iil aanay oggolaan doonin in Tehran ay hesho awooddaas.

    Katz ayaa eedeyntan u sheegay saxafiyiin Israa’iiliyiin ah intii uu socday kulan warbixin ah oo Talaadadii qabsoomay, hase yeeshee ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya sheegashadiisa.

    Sida ay baahisay BBC Persian, hadalka Katz waxaa sidoo kale qoray warbaahinno kale oo Israa’iil laga leeyahay, oo ay ku jiro telefishinka dowladda ee Kan.

    Horey ayay warbaahinta Israa’iil u tabisay in saraakiisha dalkaasi ay Mareykanka la wadaageen xog ku saabsan suuragalnimada in Iiraan ay samaysato hub kiimiko ah.

    Dhanka kale, Iiraan ayaa si joogto ah u beenisay eedeymaha noocaas ah.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  5. War deg deg ah, Markabkii Ruushka ee Liibiya lagu weeraray oo faahfaahin dheeraad ah laga helay

    .

    Saraakiil Liibiyaan ah ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada dalkaas lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay Axaddii ku qaadeen markab laga leeyahay Ruushka, kaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi.

    Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Dowladda fadhigeedu yahay bariga Liibiya iyo dowladda caalamku aqoonsan yahay ee xarunteedu tahay Tripoli ayaa labaduba cambaareeyay weerarka.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  6. Dib u milicso: markii Fahad Yaasiin shaqo joojinta lagu sameyay ee Farmaajo xil kale u magacaabay

    Farmaajo

    Warbixintaan waa mid hore maaha mid hadda ah sidaas la soco:

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka.

    Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin oo sanadihii dambe ahaa agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

    Fahad iyo hay'adda uu hogaaminayay ayaa lagu eedeeyay kiiska Ikraan Tahliil oo la la'aa muddo dhowr bilood ah. NISA ayaa sheegtay in gabadhaas ay dileen xooggaga Al-Shabaab, warkaas oo uu beeniyay ururka dagaalka kula jira xukuumadda Soomaaliya iyo ajaaniibta taageerta.

  7. War deg deg ah, Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne hore Farmaajo

    Fahad Yaasiin

    Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Nisa, Fahad Yaasiin, ayaa dhaliilay soo dhweyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni in uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Fahad Yaasiin, isku waydiyay su’aashaan“ Saaxiibkay hore Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd”?.

    Wuxuu sidoo kale muujiyay in tallaabada Farmaajo ku soo dhaweyay imaanshiyaha Muqdisho ee madaxweynaha Uganda iyo arrinta uu imaanayo in ay tahay wax aan laga fileynin,”“run ahaantii, lagama filaynin inuu si fudud uga guurayo mabaadi’dii siyaasadeed ee ay dad badan darteed ku taageereen. Dadka qaar waxay moodayeen inuusan sidaas mutuxan banaanka isku soo dhigaynin.

    Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay in tallaabada madaxweynaha Uganda ay tahay mid muhiim ah isagoo yiri:" waa mid muhiimadda u leh dalka si loo helo wadahadallo dhab ah oo loo dhan yahay, kuna qotoma dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo kororsiga sharci darrada ah ee Madaxweynaha".

    Hase-yeeshee Fahad Yasiin, ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka madaxweyne hore Farmaajo oo mar ay aad isugu dhawaayeen: “taagero badan oo uu shacabka Soomaaliyeed ka helay Madaxweyne Farmaajo waxaa saldhig u ahaa diidmadii ka dhalatay 2011. Waa nasiib darro in sanadka 2026, uu Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyo , iyadoo Xasan lagu xumaynayo”. Wuxuu intaa raaciyay”Wadaniyadda waa mabaadi’ ee maahan afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada logu soo hilmaamo”.

    Fahad Yasiin ayaa la soo shaqeyay dowladdii madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka mid ahaa xilalka uu ka soo qabtay agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee Nis, waxaana markaa dadka ka aragtida duwanaa maamulkiisii ku tilmaami jireen Fahad ninkii ugu awodda badanaa dowladdaas.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  8. War deg deg ah, Dowladda Imaaraadka oo ammaantay tallaabo ay qaadeen dalal qaarkood Soomaaliya deris la yihiin

    Imaaraadka

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si diirran u soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dowladaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Kenya ee ku aaddan dib u soo celinta xiriirkooda diblomaasiyadeed, iiyadoo ku tilmaantay tallaabo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida qaaradda Afrika.

    Imaaraadku wuxuu ammaanay dadaallada iyo hoggaaminta madaxweyne William Ruto ee Kenya iyo madaxweyne Félix Tshisekedi ee Congo.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in dalku xiriir taariikhi ah oo qoto dheer la leeyahay Kenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayna ka go’an tahay xoojinta iskaashiga, wada-hadalka iyo dadaallada lagu horumarinayo amniga, nabadda iyo horumar waara.

    Warar kale oo dheeraad ah

  9. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan dagaalka Iran iyo sanadka soo socda

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu maalgelinayo dagaalka Iiraan la sii diyaariyay ilaa dhammaadka bisha Janaayo ee sannadka 2027.

    Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post ayuu Trump ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay haystaan dhaqaale ay ku sii wadaan howlgallada milatari muddadaas.

    Wuxuu sidoo kale ka digay in haddii xisbiga Dimuqraadiga uu bisha Janaayo la wareego gacan ku haynta Kongareeska, ay xaddidi karaan awoodda maamulkiisa ee sii wadista dagaalka.

    Trump ayaa ku andacooday in Mareykanku guul ka gaaray dagaalka, balse uu sheegay in ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay in Iiraan laga hor istaago inay hesho hub nukliyeer ah, ee aysan ahayn in xukunka dalkaas la beddelo.

    Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo kharashka dagaalka iyo mustaqbalkiisa ay dood ka dhex abuureen siyaasiyiinta Mareykanka.