Todobada xanuun ee ugu halista badan dunida ee qaarkod Soomaaliya lagu arkay

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan kun kiis oo cudurka Ebola ah ayaa laga soo sheegay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyadoo 246 qof la sheegay inay u dhinteen cudurka.
Bishii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay inuu dillaacay Ebola, oo uu sababay Bundibugyo nooc ka mid ah fayraska Ebola, xaalad degdeg ah oo caafimaadka bulshada ah oo walaac caalami ah ku haysa DRC iyo Uganda, laakiin weli ma gaarin heerka masiibo adduunka.
Laakin waxaa jira cudurro badan oo soo maray dunida welina sii ah khatar, oo ay ku jirto qandhada tiifowga. 7-daan cudur ayaa lagu tiriyaa kuwa ugu halista badan, sababtoo ah waxay sababeen dhimashada ugu badan ee taariikhda cudurrada adduunka, inkastoo qaar kale la bilaabay in la xakameeyo.
COVID 19
COVID-19 iyo SARS waa cudurro neef-mareenka ku dhaca oo ay sababaan fayrasyo ka soo jeeda isla qoyska coronaviruses, laakiin faraqa ugu weyn ayaa ku jira awoodda ay u leeyihiin inay faafaan iyo inta ay le'eg tahay saameyntooda caalamiga ah.
COVID-19 (oo ay sababtay SARS-CoV-2) ayaa loo arkaa mid ka mid ah cudurrada ugu dhimashada badan taariikhda adduunka sababtuna tahay faafitaankiisa degdegga ah iyo saameynta uu ku yeeshay gees kasta oo adduunka ah. Cudurkan ayaa sababay masiibo weyn oo caalami ah, waxaana lagu qiyaasay inay u dhinteen in ka badan 7.1 milyan oo qof oo si rasmi ah loo xaqiijiyey, iyadoo hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku qiyaastay in tirada dhabta ah ee dhimashadu ay gaareyso 15 milyan oo ay ku jiraan dhimasho toos ah iyo mid dadban.
HIV/AIDS
HIV/AIDS waxa uu ka mid yahay cudurada ugu halista badan caalamka, waxaana sababa fayraska HIV-ga ee weerara hab-dhiska difaaca ee jirka oo ka dhiga in aanu la dagaalami karin cudurada kale. Tan iyo bilowgii cudurkaan, malaayiin dad ah ayaa saameeyay adduunka oo dhan.
Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 44.1 milyan oo qof ay u dhinteen cudurrada la xiriira AIDS-ka tan iyo bilowgii cudurka. Sidoo kale, qiyaasaha qaar ee kiisaska la diiwaan geliyey, qiyaastii 51 boqolkiiba dadka waaweyn iyo 59 boqolkiiba carruurta uu ku dhacay AIDS-ka ayaa dhintay.
Hargab/Influenza
Faafida hargabka ee 1918 (sidoo kale loo yaqaan H1N1) waxaa lagu qiyaasaa inay dishay inta u dhaxaysa 50 iyo 100 milyan oo qof adduunka oo dhan. Waxay ahayd mid ka mid ah masiibada ugu dhimashada badan taariikhda aadamaha, oo si xawli ah ugu faafay qaaradaha kala duwan, bulshadana si baaxad leh u saameeyay.
Pneumonia waxay saamaysaa qiyaastii 10% carruurta iyo 30% dadka waaweyn sannad kasta. Cudurkani wuxuu saameeyaa in ka badan shan milyan oo qof sannadkii wuxuuna sababaa ku dhawaad shan boqol oo kun oo dhimasho ah.
Daacuun
Dhimashada Madow waxay ahayd mid ka mid ah cudurrada faafa ee ugu dhimashada badan taariikhda adduunka. Waxay dhacday intii u dhaxaysay 1347 iyo 1351 waxaana ku dhintay dad lagu qiyaasay 75 milyan, inkasta oo qiyaasaha qaar ay tirada ku sheegeen 200 milyan. Sida laga soo xigtay ilo kala duwan, wakhtigaas, dadka adduunka ku nool waxay ahaayeen ilaa 450 milyan, ku dhawaad kala bar dadka reer Yurub ayaa ku baaba'ay.
Cudurkan ayaa si xawli ah ugu faafay ganacsatada iyo dadka safarka ah ee sii mara dekedaha Sicilian ee u socda Yurub. Waxaa sababay bakteeriya loo yaqaano bubonic plague, waxaana loo bixiyay magaca "Dhimashada Madow" sababtoo ah calaamadaha madow ee ka soo muuqday jirka dhibbanayaasha.
Furuq
Furuqa waxa lagu qiyaasaa in uu dilay dad lagu qiyaasay 300 oo milyan oo qof qarnigi 20aad oo keliya, iyo boqolaal milyan oo kale sannadihii ka horeeyay. Cudurka waxaa keena fayraska loo yaqaano variola virus, kaas oo ah mid aad u faafa oo keeni kara dhimasho ilaa 30 boqolkiiba dadka uu ku dhaco.
Furuqu waxa uu ahaa mid ka mid ah cudurrada dilaaga ah ee soo mara taariikhda bini'aadamka, laakiin warka wanaagsan ayaa ah in si guul leh looga cirib tiray adduunka 1980kii.
Markii ugu dambeysay ee cudurkaan dilaacay waxaa lagu arkay Soomaaliya sanadkii 1977-kii.
Qaaxo
Qaaxadu (TB) waxa lagu qiyaasaa in ay dishay in ka badan 1 bilyan oo qof taariikhda aadamaha. Cudurka waxaa keena bakteeriyada loo yaqaan Mycobacterium tuberculosis, taasoo inta badan weerarta sambabada waxayna ku faaftaa hawada marka qof qufaco, hindhiso ama hadlo.
Qaaxadu waa cudur qadiimi ah, waxa ay jirtay tobanaan sano, waana sababta dhimashadu u badatay, gaar ahaan wakhtiyadii hore, cadaymo muujinaya xitaa waxa laga helay maydadka dadka ee Masar, ee la ilaalinayay ilaa 2400 oo sano. Taasi waxay ku tusinaysaa in cudurkani uu jiray kumannaan sano, isla markaana uu ku sii siqayay bulshooyin kala duwan oo adduunka ah in kasta oo la soo saaray dawo casri ah.
Malaariyo
Duumadu waa cudur muddo qarniyo ah khatar ku ahaa aadanaha. Inkasta oo mararka qaarkood la sheego in ay dishay kala bar dhammaan dadkii ku noolaa dunida, haddana hadalkani wuxuu u muuqdaa mid buunbuunin ah, maadaama ay runtu tahay in dad badan oo badan ay "khatar ku jireen" marka loo eego dhab ahaantii u dhintay cudurka.
Cudurkan ayaa waxaa sababa dulinnada Plasmodium oo ay gudbiso kaneecada Anopheles, si wanaagsan looma fahmin ilaa 1897-kii markii la ogaaday sababta. Intaa ka hor, duumada ayaa sababaysay dhimasho badan iyadoo aan la fahmin sababta dhabta ah.











