BBC oo gudaha u gashay magaalada Furinta ah ee Yemen, ayadoo xuutiyiintu u dagaallamayaan gacan ku haynteeda

Xigashada Sawirka, Liam Weir/BBC News
- Author, Nawal Al-Maghafi
- Role, Weriye BBC
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
"Diyaaraddan aan aragno waa tii ugu horreysay" ayuu yiri askarigii na horkacayay ee ku sugnaa koonfur-galbeedka Yemen, "inta badan weerar ayaa ka dambeeya."
Guuxa diyaaradda ee cirka ka yeerayay ayaa sii xoogeystay annagoo ku dhuumanayna geedaha hoostooda, ka hor inta aanaan dib ugu boodin gaariga oo aan goobta ka cararin.
Muddo 10 daqiiqo gudahood ah, waxaa billowday duqeymo xooggan oo is xigay, hasa yeeshee lama garanayn halka rasmiga ah ee ay ku dhacayeen.
Waa ay adag tahay in la garto halka uu ka bilaabmayo jiidda dagaalka ee ku teedsan buuraha koonfur-galbeed ee Taiz.
Ciidamada taabacsan dowladda ee uu Sacuudigu taageero ayaa ku howlan sidii ay dib ugu riixi lahaayeen dagaalyahannada Xuutiyiinta, kuwaas oo horraantii bishan ku soo durkay xeebta Badda Cas, kuna guuleystay inay la wareegaan marin muhiim u ah maraakiibta, arrintaas oo sii hurisay dagaalka sokeeye ee Yemen.
Waxaan la soconnay ciidamada dowladda, annagoo ka soo ambabaxnay Taiz, kuna sii jeednay isbaarooyin is xig-xiga ilaa xadka ugu dambeeya ee gacantooda ku jira iyo halka uu ka billowdo dhulka cidlada ah ee aan cidna gacanta ku hayn, si aan u aragno dagaalka oo fool-ka-fool ah.
Guryo ayaa ku daadsan dhinacyada buuraha laakiin kuwo badan ayaa laga barakacay kadib markii dadkii lahaa ay colaadda ka carareen.

Waa aamusnaan cabsi xambaarsan, sawaxanka baabuurta iyo mootooyinka magaalada is qabsaday halkan kama jirto. Waxa kaliya ee la maqlayo waa cabaadka xoolaha iyo sanqadha rasaasta is dhaafeysa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Halkan waxaa ku soo dhacay laba madfac oo hantideydii laayay," ayuu yiri Cali oo ka sheekeynaya isagoo gurigiisa hortiisa fadhiya oo ay ku hareereysan yihiin ari uu dhaqdo, meel qiyaastii hal kiiloomitir u jirta halka dagaalku ka socdo.
Wuxuu ii sheegay inuu carruurtiisa u diray xero ay ku jiraan dadka dagaalku barakiciyey, maadaama aysan u adkeysan karin madaafiicda iyo rasaasta dhacaysa. Isaga, xaaskiisa iyo walaalihiis ayaa halkaas iska sii joogay si ay xoolahooda u ilaaliyaan.
"Waan argagaxsanahay," ayuu yiri, "laakiin ikhtiyaar kale ma lihi, dhammaanteen waan gaajoonaynaa haddii aan xoolahenna waayno waana dhimaneynaa."
Waxaa uu sheegay magaciisa koowaad oo kaliya, isaga oo ka baqaya wixii ku dhici kara haddii Xuutiyiintu maalmaha soo socda gacanta ku dhigaan goobtan. Dad ku dhow Xuutiyiinta ayaa noo sheegay inay halkaas ciidamo ku soo uruurinayaan si ay weerar ballaaran u qaadaan. Ciidamada dowladda oo aan wax ka weydiinay ayaa xaqiijiyey inay arrintaas ogyihiin, isla markaana ay iyaguna isu diyaarinayaan.
Isbaaro ku dhow jiidda hore ee dagaalka ayaan kula kulannay qaar ka mid ah dagaalyahannada oo hadda ka soo degay meelo sare oo buurta ah oo dhawr boqol oo mitir u jira Xuutiyiinta soo weeraraysa. Mid ka mid ah ayaa noo sheegay in meydadka 18 askari oo dowladda ka tirsan ay yaallaan goob ay kooxdiisu rasaas ku gaarsiin karto balse aysan tagi karin.
"Rasaas ayaan ka dul ridaynaa laakiin ma soo bixin karno," ayuu yiri.
Dagaalka ka socda hareeraha magaalada Taiz ayaa sii xoogeystay kadib markii Xuutiyiintu 10-kii Sebtembar la wareegeen dekedda istaraatiijiga ah ee Mokha ee ku taalla Badda Cas, oo 85km galbeed ka xigta magaalada, taas oo dhacday markii uu burburay heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee afarta sano jiray.
Kooxda ayaa la wareegtay dhulal ballaaran oo ku teedsan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim u ah isku xirka Yurub iyo Aasiya. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqotay kororka qiimaha saliidda, iyadoo laga cabsi qabo carqalad dheeraad ah oo ku timaada saadka gobolka.
Taiz oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Yemen isla markaana ah caasimadda dhaqanka, ayaa leh ku dhawaad hal milyan oo qof. Waxay ku taallaa isgoys muhiim ah oo u dhexeeya dhulalka Xuutiyiintu maamulaan ee waqooyiga Yemen iyo kuwa ay dowladda maamusho ee koonfurta, waxaana dhinacyo badan ka hareereeyay jiidaha dagaalka.
Xoogagga dowladda ayaa gacanta ku haya bartamaha Taiz, halka Xuutiyiintu ay ku sugan yihiin dhinacyada waqooyi iyo bari. Dagaalladii ugu cuslaa ee dhowaan dhacay waxay ka dhaceen galbeedka magaalada, halkaas oo labada dhinac ku hardamayaan buuraha dhaadheer ee ka muuqda jidka koonfurta magaalada u baxa. Haddii Xuutiyiintu ay la wareegaan deegaannadan, waxay ku adkaan doontaa ciidamada dowladda inay dib ula wareegaan Mokha.
Waxaan u safarnay Taiz annagoo ka soo baxnay magaalada Cadan ee koonfurta ku taalla, oo ah halka ay ku sugan yihiin Golaha Hogaaminta Madaxtooyada ee caalamku aqoonsan yahay iyo xukuumadda Yemen.
Intii aan jidka ku sii jirnay, waxaan la kulannay ku dhawaad 30 isbaaro oo ku kala yaalla wadada, kuwaas oo ay maamulayeen taliyeyaal kala duwan — muuqaal si cad u muujinaya kala-qaybsanaanta ka dhex jirta dhinacyada dowladda u dagaallamaya.

Markii aan magaalada ku soo dhowaannay, waxaa na dhaafay ambalaasyo badan. Muddo nus saac gudaheed ayaan tirinnay ugu yaraan shan ambalaas oo ku sii jeeday isbitaalka weyn ee Taiz. Waxay ahayd xaalad si cad u muujineysay inaan ku sii soconno magaalo uu dagaal daran ka socdo.
Waxaan magaalada soo gaarnay xilli habeen ah. Dukaamadu way iftiimayeen, makhaayaduhuna waxaa buux dhaafiyay macaamiil, carruurtuna waxay ku ciyaarayeen waddooyinka. Laakiin degganaantaas waxaa mararka qaar goynayay guuxa duqeymaha iyo dhawaqa rasaasta ka imaaneysa buuraha magaalada ku hareereysan.
Taiz waxay ahayd mid ka mid ah goobihii dagaalka ugu cuslaa uu ka dhacay intii uu socday dagaalka sokeeye ee Yemen. Ka dib markii ay 2015-kii dowladda ka saareen caasimadda Sanca, Xuutiyiintu waxay isku dayeen inay la wareegaan Taiz, laakiin waxaa inta badan magaalada ka saaray maleeshiyo deegaanka u abaabulan.
Weerarkoodii ugu dambeeyay, Xuutiyiintu waxay si ballaaran u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hub kale oo casri ah.
Taageerada ugu weyn ee dibadda uga timaadda Xuutiyiinta ayaa ah Iraan, taas oo lagu eedeeyay inay siiso hub, lacag iyo tababbar milatari, sida ay sheegeen Sacuudiga, reer Galbeedka iyo khubarada QM. Iraan dhinaceeda waxay si joogto ah u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku doodday in taageeradeedu ay tahay mid siyaasadeed oo kaliya.
Waxaa sanado badan soo jiray warbixino joogto ah oo sheegaya in Xuutiyiintu ay carruur u qoraan dagaalka. Mid ka mid ah askarta dowladda ayaa noo sheegay inuu arrintan kula kulmay furimaha hore ee dagaalka.
"Waa wax adag inaad ilmo Yemeni ah eegto kadibna aad toogato. Laakiin iyagu qoriga ayay kuu soo jeedinayaan, waana inaad naftaada difaacdaa," ayuu yiri.
Sannadkii 2022-kii, Xuutiyiintu waxay Qaramada Midoobay la saxiixdeen "qorshe hawleed" ay ku ballan-qaadeen inay joojinayaan qorista carruurta. BBC-da waxay sidoo kale la kulantay oo wareysatay dhalinyaro ka tirsan ciidamada dowladda.
Dhinaca kale, isbaheysi uu hoggaaminayo Sacuudi Carabiya ayaa dhinac taagan dowladda Yemen, isagoo hub iyo taageero siinaya. Ciidamada Sacuudiga ayaa boqollaal duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay saldhigyada Xuutiyiinta ee ku yaalla xeebta Badda Cas, halka Xuutiyiintuna ay dhankooda diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku weerareen magaalooyin iyo xarumaha dhaqaalaha ee ku yaalla koonfur-galbeedka Sacuudi Carabiya.

Xigashada Sawirka, Liam Weir/BBC News
Fiidkii, isbitaalka al-Thawra ee magaalada Taiz, dhaawacyo looga keenay furimaha hore ee dagaalka ayaa lagu daad-gureeyay waaxda gargaarka degdegga ah, halkaas oo sariiraha aan ku soo aragnay dhammaantood ay ka buuxeen bukaanno.
Qaar ka mid ah bukaannada waxay ahaayeen dagaalyahanno, halka qaar kalena ay ahaayeen dad rayid ah. Waxaa ka mid ahayd Ghana Nabeel oo 12 jir ah, taas oo ari la joogtay markii firirka madaafiicdu uu madaxa kaga dhacay. Qoyskeedu wuxuu sheegay in hoobiye ay soo rideen Xuutiyiintu uu ku soo dhacay meel aan iyada ka fogeyn.
Waxay sariirta ku jiiftay iyadoo miyir-beel ah, madaxa oo faashad loogu duubay, wejigeedana uu barar iyo nabarro ka muuqdaan. Qoyskeedu waxay ku hareeraysnaayeen sariirteeda, iyagoo si welwel leh u sugaya xaaladda ay noqon doonto haddii ay ka soo toosto dhaawaca.
Dhakhtar ayaa ii sheegay in dhaawaca gaaray uu saameeyay maskaxdeeda. "Weligeed sidii hore oo kale ma noqon doonto," ayuu yiri.
Qiyaastii 20km koonfurta magaalada Taiz, xerada barakacayaasha ee al-Monig, waxaa soo gaarayay qoysas ka soo cararay magaalada Mokha iyo tuulooyinka kale ee uu dagaalku saameeyay, iyadoo boqolaal teendhooyin ah ay hareeraha yaalleen.
Waxaa naloo sheegay in 200 qoys ay halkaas soo gaareen 10-kii maalmood ee ugu dambeeyay.
Maryam Saleh, oo ah magac aan dhab ahayn, ayaa toddobaad ka hor ka soo qaxday Mokha iyada oo wadata ninkeeda iyo shanteeda carruur ah, ka ugu yarna waa 7 jir. Waxay fadhiday iyadoo koofiyado gacanta ku toleysa, si ay u iibiso oo ay cuntada maalintaas ku hesho.
"Waxaan lugeynay annagoo aan waxba sidan, carruurteyda uun mooyee," ayay ii sheegtay.
Waxay tiri wiil ay abti u tahay waxaa dilay firirka madaafiicda xilli ay qaxayeen, isagoo gadaasheeda socday. Waxay sheegtay in rasaas iyo iska-hor-imaadyo ay ka dhaceen hortooda iyo gadaashooda, islamarkaana ay aragtay rag hubeysan oo buurta dul taagan.
"Waxaan u maleynay inaan halkaas ku dhimmaneyno," ayay tiri. Carruurtu way qaylinayeen oo ooyayeen, hase yeeshee qoysku wuu sii socday, ayay raacisay.
Fatma Mohammed Saleh waxay ku jiiftay joonyad bariis ah oo maran oo bannaanka teendhada qoys kale taal. Waxay qabtaa naafo mana socon karto, waxayna ii sheegtay inaysan lahayn meel ay seexato: "Waxba ma lihi... gabaad ma lihi, joodari ma lihi, qoys ma lihi. Waxba."
Fatma ayaa sheegtay in markii dagaalku tuulada soo gaaray ay la joogtay laba wiil oo ay dhashay iyo carruurtooda. Maadaama ay socodka ku gaabinaysay, waxay ku qancisay inay carruurta qaataan oo ay baxsad ka dhigtaan.
Labada maalmood ee xigtay waxay ku qaadatay iyadoo ku gurguuraneysa gacmaheeda iyo jilbaheeda, ayay tiri.
"Waxaan ku gurguuranayay rasaas halkan ka dhacaysa iyo madaafiic halkaas ka soo dhacaysa dhexdood. Rasaastu meeshan ayey taallay, madaafiicduna meeshan. Wax walba dusheyda ayay uga dhacayeen sida onkod oo kale. Ilaahay ayaan baryayay."
Nin mooto wata ayaa markaas arkay oo xerada u soo qaaday, ayay tiri. Wixii ka dambeeyay qoyskeeda ma arag.
22-kii Sebtembar, Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bishan oo keliya in ka badan 130,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen, taas oo ku soo kordheysa 5.2 milyan oo qof oo horay dagaalka sokeeye u barakiciyay.
Waxay uga digtay in 100,000 oo qof oo kale sida Fatma oo kale ay guryahooda ka barakici karaan saddexda bilood ee soo socota.

























