'Safarkii qarsoodiga ahaa ee Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka iyo kulankii uu la yeeshay Maxamed bin Zayed'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Telefishanka Channel 12 ee Israa'iil ayaa markii sii horraysay sheegay in Raysalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, Axaddii 27-kii Sebtembar, si qarsoodi ah diyaarad gaar ah ugu safray Abu Dhabi, halkaas oo uu kula kulmay Maxamed bin Zayed Al Nahyan, madaxweynaha Imaaraadka Carabta.
Warbaahinno kale oo Israa'iili ah ayaa sidoo kale warkan baahiyay. Wargeyska Jerusalem Post, oo soo xiganaya ilo uu leeyahay, ayaa sheegay in Iiraan ay ahayd mawduuca ugu weyn ee wada-hadalkii dhex maray Netanyahu iyo Maxamed bin Zayed Al Nahyan. Sida uu qoray wargeysku, Netanyahu ayaa "cadaadis badan" ku saaray dhinaca Imaaraadka in ay kulan u qabanqaabiyaan ka hor doorashada Israa'iil.
Wargeyska Haaretz ayaa dhawaan qoray war si weyn looga hadal hayo gudaha Israa'iil, kaas oo sheegay in Maxamed bin Zayed uu Benjamin Netanyahu uga digay, qiyaastii 10 maalmood ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar 2023, in hoggaamiyaha Xamaas uu isu diyaarinayo weerar ballaadhan. Netanyahu ayaa warkan beeniyay, isaga oo Haaretz ugu hanjabay dacwad.
Sida uu sheegay Channel 12, warbixintiisa oo la baahiyay xalay goor dambe, Netanyahu ayaa dhowr saacadood ku sugnaa Abu Dhabi, halka kulankiisa uu la yeeshay Maxamed bin Zayed uu socday ku dhowaad 45 daqiiqo.
Telefishanku wuxuu sheegay in ujeeddada safarku ahayd "in loo gogol xaadho wada-hadal fool ka fool ah".
Xafiiska Raysalwasaaraha Israa'iil kama aanu hadlin warkan.
Channel-ka 14aad ee Israa'iil, oo loo arko warbaahin garabka midig ah oo taageerta Netanyahu, ayaa ku dhaliilay warbaahinta dhexdhexaadka ah in ay safarka ku xidhaan warbixintii ku saabsanayd digniinta Maxamed bin Zayed ka hor 7-dii Oktoobar, isaga oo safarka ku tilmaamay "olole warbaahineed" oo ka dhan ah ra'iisul wasaaraha.
Channel 14 ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu Imaaraadka u safray isaga oo qayb ka ah "dagaalka ra'yiga dadweynaha", isla markaana Iran ay ka mid ahayd mawduucyada kulanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Yolande Knell, oo ah weriyaha BBC ee Bariga Dhexe, ayaa sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil iyo wafdigiisu ay ku safreen dhowr diyaaradood oo gaar loo leeyahay oo kala duwan.
Sarkaal sare oo Israa'iili ah ayaa sidoo kale arrintan u xaqiijiyay wariyeyaasha maxalliga ah.
Doorashada Israa'iil ayaa wax ka yar bil ay ka hadhsan tahay, waxaana mucaaradka Netanyahu ay isaga ku eedaynayaan guul-darrooyinka dhinaca amniga ee horseeday weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ee Israa'iil.
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu faallo ka bixiyo warkan, balse wuxuu sheegay in tan iyo markii labada dal ay caadiyeeyeen xidhiidhkooda diblomaasiyadeed sannadkii 2020 ay Israa'iil la leeyihiin "xidhiidho isgaadhsiineed oo furan oo toos ah".
Bishii May ee sannadkan, xafiiska Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu Imaaraadka u safray xilli uu socday dagaal 40 maalmood ah, balse Imaaraadka Carabta ayaa isla markiiba beeniyay in uu safarkaasi dhacay.
Muxuu sheegay Haaretz?
Baadhitaanka wargayska Haaretz waxa uu ku salaysan yahay xog ay soo ururiyeen labada saxafi ee Shlomi Eldar iyo Ruth Yuval, taas oo ay u adeegsadeen qorista buuggooda cusub ee cinwaankiisu yahay "La-haystayaasha; 843 Maalmood oo Dayac ah."
Labadan saxafi ayaa sheegay in ilo-wareedyadoodu ay ka koobnaayeen daraasiin qof oo ku kala sugan gudaha iyo dibadda Israa'iil, oo ay ku jiraan masuuliyiin sarsare, iyo sidoo kale cajalado cod ah, dukumentiyo gudaha ah iyo waraaqo isgaadhsiineed.
Sida baadhitaankan lagu sheegay, Maxamed bin Zayed ayaa bilihii ka horreeyay dagaalka si isa soo taraysa uga walaacsanaa xaaladda kacsan ee gobolka. Haaretz oo soo xiganaya Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog ayaa qoray in madaxweynaha Imaaraadku marar badan kala hadlay baahida loo qabo in xiisadda la dejiyo, isla markaana uu wakiil gaar ah u diray Israa'iil si uu ula kulmo Netanyahu.
Sida warbixintu sheegtay, digniintu waxay ka dhalatay farriin uu hoggaamiyihii hore ee Xamaas Yahya Sinwar gudbiyay bishii Sebtembar 2023, isaga oo adeegsanaya mid ka mid ah masuuliyiinta ururka Fatax. Xilligaas, wada-hadalladii qarsoodiga ahaa ee Xamaas iyo Israa'iil ee ku saabsanaa xabbad-joojin muddo dheer ah iyo is-weydaarsiga maxaabiista ayaa la isku mari waayay.
Sida uu qoray wargeysku, Yahya Sinwar waxa uu dhexdhexaadiyaha u sheegay in uu isu diyaariyo "yaabka ugu weyn", " oo ahaa hawlgal argagax leh" iyo "dhacdo aan caadi ahayn". Waxa uu adeegsaday erayga "dhulgariir", wuxuuna dalbaday in hadalladiisa si eray-eray ah loogu gudbiyo Israa'iiliyiinta.
Farriintu waxay gaadhay la-taliye Falastiini ah oo ku dhow Maxamed bin Zayed. Kahor intii aanu farriinta gudbin, waxa uu dalbaday in si dhab ah loo hubiyo muhiimaddeeda. Kaddib kulankii labaad ee dhex maray dhexdhexaadiyaha iyo Sinwar, la-taliyuhu waxa uu ku qancay in hoggaamiyaha Xamaas uu uga jeeday dagaal, wuxuuna arrintaas ku wargeliyay madaxweynaha Imaaraadka.
Digniinta ayaa 15-kii Sebtembar loo gudbiyay hay'adda amniga gudaha Israa'iil ee Shin Bet. Ronen Bar, oo xilligaas ahaa madaxa hay'adda, ayaa Netanyahu ku wargeliyay khatarta, laba maalmood kaddibna waxaa la qabtay kulan amni oo ay ka qayb galeen wasiirka difaaca iyo wakiillo ka socday hay'adaha ammaanka.
Hase yeeshee, qiimayntii hore ee Shin Bet waxay ahayd in laga yaabo in waxa Yahya Sinwar ula jeeday uu ahaa hawlgal xaddidan ama afduubka Elizabeth Tsurkov, oo ahayd cilmi-baadhe Israa'iili ah oo lagu afduubtay Ciraaq, halkii uu ka ahaan lahaa weerar ballaadhan oo ka imanaya Marinka Qasa.
Sida baadhitaanku sheegay, Ronen Bar waxa uu ku taliyay in digniinta si dhab ah loo qaato, isla markaana laga sameeyo Qasa iyo Daanta Galbeed hawlgallo ka hortag ah iyo tallaabooyin difaac. Hase yeeshee, kulamadii ayaa ku dhammaaday iyada oo aan wax go'aan ah laga gaadhin.
Jariiradda Haaretz ayaa qortay in Maxamed bin Zayed, kaddib markii uu arkay sida digniintiisa loo fududaystay, uu go'aansaday inuu si toos ah ula xidhiidho Netanyahu. Wadahadalkan waxa lagu sameeyay qalab isgaadhsiineed oo sir ah oo uu wakiilka Imaaraadku keenay xafiiska ra'iisul wasaaraha.
Wadahadalku waxa uu socday qiyaastii 45 daqiiqo. Maxamed bin Zayed waxa uu ka digay in Yahya Sinwar uu isu diyaarinayo hawlgal weyn oo keeni kara dhiig badan, xasillooni-darro gobolka ah iyo wiiqidda Heshiisyada Abraham.
Baadhitaanku waxa uu xusay in Netanyahu uu si deggan ugu sheegay in, sida qiimayntiisa, Xamaas ay damacsan tahay inay tallaabo ka fuliso Daanta Galbeed. Waxa uu madaxweynaha Imaaraadka u xaqiijiyay in Israa'iil ay diyaar u tahay dhammaan xaaladaha suuragalka ah.
Sida uu qoray Haaretz, Netanyahu ma aanu uga waramin wada-hadalkan madaxda ciidamada, madaxa Mossad iyo madaxa Shin Bet, mana aanu xusin kulankii amni ee 1-dii Oktoobar ee lagu qiimaynayay xiisadda ka taagnayd xadka Qasa.
Warbixintu waxay sheegtay in Netanyahu isla waqtigaas ku dhowaad uu digniin la mid ah ka helay Abbas Kamel, oo xilligaas ahaa madaxa sirdoonka Masaarida. Netanyahu ayaa ugu jawaabay in Israa'iil ay la socoto waxa ka dhacaya Qasa oo ay xaaladda gacanta ku hayso, isla markaana khatarta ugu weyn ay ka imanayso Daanta Galbeed.
Haaretz oo soo xiganaya mid ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Shin Bet ayaa qoray in haddii hay'adaha ammaanku ay ka warqabi lahaayeen digniinihii Imaaraadka iyo Masar, laga yaabi lahaa in ay farriintii Yahya Sinwar si ka sii dhab ah u qaataan, masuuliyiintuna ay beddeli lahaayeen qiimayntooda.
























